Xiisadda Gobolka Gedo iyo Guddoomiyaha Luuq oo sheegay inaysan aqoonsaneyn Jubbaland

gudoomiyaha luuq gardhuub

Waxaa cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland kadib markii Dowladda Soomaaliya ay bilowday inay Gobolka Gedo kala wareegto maamulka Axmed Madoobe.

Maxamed Cabdullahi Gardhuub guddoomiyaha degmada Luuq oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in uusan hoostagin maamulka Jubbaland oo marka horeyba u soo magacaabay xilka uu hayo haatan.

Guddoomiye Gardhuub ayaa shaaca ka qaaday in inta laga helayo maamul Jubbaland oo loo dhanyahay, lana aqoonsanyahay ka hor ay hoostagayaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumadda soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Luuq ayaa kamid ahaa guddoomiyeyaashii loo ka xeeyay dalka itoobiya, mar wax laga weydiiyay diidmadiisa ku aaddan Jubbaland ay la xiriirto safarkii loogu qaaday Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in meeshii ay rabaan u safri karaan, islamarkaana aan lagu cadaadinin in ay ka soo horjeestaan maamulka Jubbaland.

Khilaafkii ugu xumaa ayaa haatan waxaa uu u dhexeeyaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxayna arrintaas kusoo aadeysaa xilli Shalay uu Axmed Madoobe sheegay inaysan indhaha ka laaban doonin waxa ka socdo Gedo wixii hadda ka dambeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timaaday doorashadii dhawaan dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana jiro qorsho ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay doorasho ku qabato Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here