Xiisadda Trump iyo Ethiopia oo kasii dartay iyo Ethiopia oo tallaabo qaaday

Trump iyo Abiy

Dowladda Ethiopia ayaa maanta u yeertay safiirka Mareykanka sababo la xiriira wax ay ugu yeertay “dagaal hurin” uu madaxweyne Donald Trump ka dhex sameeyey Masar iyo Ethiopia.

Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii carro xooggan u muujiyey Ethiopia, isaga oo soo jeediyey in Masar ay burburiso biyo-xireenka ay Ethiopia ka sameysay Webiga Nile.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Gedu Andargachew ayaa ugu yeeray safiirka Mareykanka Mike Ray inuu sharaxaad ka bixiyo hadalladaas.

“Hurinta dagaal dhex mara Ethiopia iyo Masar oo uu sameeyo madaxweyne Mareykan ah, kama tarjumeyso saaxiibtinimada iyo isbaheysiga muhiimka ah ee Ethiopia iyo Mareykanka, mana ahan wax lagu aqbali karo xeerarka caalamiga ah ee lagu maamulo xiriirada dalalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia.

Trump ayaa sheegay hadalka ka dhanka ah biyo-xireenka Ethiopia isaga oo ku dhowaaqayey heshiis ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sudan, oo sidoo kale cabsi xooggan ka qabta in biyo-xireenkaas uu yareyn doono biyaha ay ka hesho webiga.

Ethiopia, Sudan iyo Masar ayaa waxaa muddo ka dhaxeeyey muran xooggan oo la xiriira biyo-xireenka, kaasi oo Masar iyo Sudan ay diidan yihiin la buuxiyo, ayada oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin.

Trump ayaa sheegay inuu heshiis dhex-dhigay dalalkan, balse ay Ethiopia ka baxday.

“Heshiis ayaan dhex dhigay, kadibna nasiib-darro Ethiopia ayaa jebisay heshiiska, taasi oo ay ahayd inaysan marnaba sameyn. Taasi qalad weyn ayey aheyd,” ayuu yiri Trump.

“Waa xaalad aad halis u ah, sababtoo ah Masar uma dulqaadan doonto, ay burburin doonaan, waana sheegay, si cadna waan u sheegayaa – Masar way burburin doontaa biyo-xireenkaas. Waana inay wax ka qabtaan,” ayuu yiri Trump.

“Waxay ahayd inay ka hortagaan ka hor inta aan la billaabin [dhismaha biyo-xireenka],” ayuu yiri Trump oo shalayto ka muujiyey in Masar uu qalaalse ka jiray markii la billaabay dhismaha biyo-xireenka sanadkii 2011, xilligaas oo la riday dowladdii Masar ee Mubarak.

Trump – oo xulufo dhow la ah madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi – ayaa ogolaaday codsiga Qaahira si uu dhex-dhexaadiyo dhinacyada, ayada oo wada-hadallada uu hogaaminayey xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa bishii September sheegtay inay jareyso kaalmada ay siiso Ethiopia, sababo la xiriira in Addis Ababa ay billowday buuxinta biyo-xireenka.

“Marnaba ma arki doonaan lacagtaas [kaalmada Mareykanka] illaa ay u hoggaansamaan heshiiska,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here