Xil. Xidig: Waxaan hubaa inaysan kooxda qaran dumiska ahi guul kala dheelman doonin Kismaayo iyo baaq

Cabdirashiid Maxamed Xidig

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay soo fasaxdo kooxda qaran dumiska ee Xamar ku sugan ee doonaya inay aadaan Kismaayo oo ay ka qeyb-galaan caleemo-saarka beenta ah ee Axmed Madoobe.

“Dowlada federaalka waxaan ugu baaqayaa inay soo fasaxdo kooxda qaran dumiska inta Xamar joogta ee Kismaayo usoo socota ee doonaya inay caleemo-saarka beenta ka qeyb galaan, waxaan hubaa inaysan guul kala dheel maneynin haddii rabi idmo” ayuu yiri Xidig.

Xildhibaan Xidig oo ka mida madaxweyneyaasha Jubaland kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa dhinaca kale baaq u jeediyey shacabka Jubaland iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Shacabka reer Jubaland ee xalaasha ee is-beddel doonka waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan bad-baadada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo uu joogo waxaan ka codsaneynaa inay taageeradooda nala garab istaagaan.” Ayuu yiri Xidig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here