Xildhibaan Daahiye: Waxaan hubeyneynaa shacabka si ay Al-Shabaab isaga celiyaan

Xildhibaan daahiye

Weerarro is daba joog ahaa oo dhawaanahan la sheegay in ay dabley ka tirsan xarakada Al-Shabaab ku qaadeen meelo ka mid ah gobolka Woqooyi Bari ee Kenya oo kii ugu dambeeyey lagu laayey macalimiin, ayaa kallifay in ay macallimiinta aan gobolka u dhalanin dalbadaan in laga bedelo gobolkaas maadaama oo nabadgelyadiisu aanay fiicnayn.

Waxa magaalada Gaarisa lagu qabtay shir ay isugu tageen hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee degmada Gaarisa oo ay ku gorfaynayeen sida ugu haboon ee lagu sugi karo nabadgelyada deegaankaas.

Maxamed Daahiye oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenaya, kana mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay shirka looga arrinsanayo dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayso deegaannada Dowlad Goboleedka Gaarisa ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada ugu weyn ee ay qaadi doonaan ay tahay in dowladda dhexe oo kaliya aan lagu haleyn dooonin amniga deegaanka.

”Waxaa la go’aansaday in ma’suuliyiiinta Ismaamul Goboleedka iyo shacabkuba ay qeyb noqdaan sugidda amniga”, ayuu yiri xildhibaan Daahiye.

”Waxaa la hubeeynayaa shacabka oo la tabarayaa si ay ula dagaalamaan nimankan argagixida ah oo dhibka badan nagu haya”.

”Ismaamul goboleedka Gaarisa waxaa laga rabaa iney iyagana bixiyaan mishaaraadkii iyo kharashkii lagu tabari lahaa shacbka la hubeeynaya”, ayuu intaasi ku sii daray daahiye.

Al-shabaab ayaa dhowr weerar ka fulisay deegaanada hoos yimaada magaalada Gaarisa oo uu ka mid ahaa weerarkii ugu dambeeyay ee ay kooxda ka fulisay deegaanka Kamuudeey kaasi oo lagu bartilmaameedsaday maacalimiinta aan Soomaalida ahayn ee ka yimaada deegaannada kale ee dalka Kenya.

Inta badan weerarka Al Shabaab ay ka geystaan gudaha Kenya ayaa waxaa ay dhibaato kasoo gaarta dadka Islaam-ka, gaar ahaan Soomaalida kuwaasi oo xita dhacda in mararka qaar ay dhacdo inay waxyeelo kasoo gaarto dadyowga kale ee ay dhibaatadu kasoo gaarto weerarada Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here