Xildhibaan Jangali: Waa diyaarinay qorshihii lagu geli lahaa wadahadalada Somaliland

0
jengeli

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali oo ka tirsan Guddiga Dhab u heshiisiinta ee Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inay diyaar yihiin oo ay wataan howshooda, ayna ka sugayaan dhinaca Somaliland Guddigii wadahadalka la bilaabi lahaa.

Wareysi uu siiyay Idaacada BBC-da ayuu sheegay in wadahadalka uu yahay mid labo dhinac ah, isla markaana ay rajeynayaan in wax walba oo jira in wadahadal lagu dhameeyo.

“Annaga diyaar baan nahay howsheena waa wadanaa, howshaas ma ahan howl ku xiran maamul kaliya mid joogaya iyo mid aan xafiis joogeyn, waxaa sugeynaa guddigii nala fal geli lahaa ee ka imaanaya Somaliland ee wada hadalka nala bilaabi lahaa, wax walba oo jira wadahadal ayaa lagu dhameyn doonaa, dad wada hadla ayaa heshiiya”ayuu yiri Cali Axmed Jaamac Jangali.

Xildhibaan Jangali ayaa sheegay in mar walba oo wada hadal la galo la gaari karo xal, isagoo xusay in Guddigooda uu sameeyay qorshihii iyo istiraatiijiyadii ay ku howlgeli lahaayeen.

“Wada hadalka wuxuu udub dhexaad u yahay geeddi socodka nabadeynta iyo Midnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan Jangali.

Mar la weydiiyay in waqtiga dowladda ka harsan uu hal sano ka dhiman yahay sida ay u suura geli karto wada hadaladan iyo haddii dowladdan hada jirta ay meesha ka baxdo oo timaado dowlad kale ayuu xusay in howsha guddigooda aanu ku xirneyn kaliya maamulka hada jira, isagoo intaa ku daray in qorshaha ay diyaariyeen uu yahay mid ay isticmaali karto Xukuumadda soo socota.

Tan iyo markii dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo xilka qabatay ma jirin wax wada hadal toos ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ay jireen caqabado badan oo ku yimid wada hadaladaas, kuwaasoo ka mid ah tallaabooyin ka dhan ah Somaliland oo dowladda Federaalka qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here