Xildhibaan ka tirsanaa BF oo Muqdisho ku geeriyooday

Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble

Allaha u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble oo ku magac dheeraa Xildhibaan ‘Casoowe’.

Xildhibaan Casoowe ayaa ka tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka. Waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhacay cudurka Coronavirus, oo si weyn ugu baahay dalka.

Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa Muqdisho, sida ay noo sheegeen xildhibaano noo xaqiijiyey geeridiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbiil Casoowe.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Xildhibaan Casoowe waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weynaa golaha shacabka, waxaana laga soo doortay gobollada waqooyi ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here