Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Degaanka Gaalkacyo oo xalay lagu dilay magaaladaas

Mukhtaar Axmed Cumar Tinle

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Degaanka Gaalkacyo oo xalay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle), ayaa laba nin oo bastoolado ku hubaysan waxay ku toogteen bartamaha magaalada Gaalkacyo, waxaana dhaawaciisa loola cararay isbitaalka, halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Haa, waa isa’ soo kor taageen isagoo meherad ka soo horjeedda Somteel jooga, laba nin bay ahaayeen, bastoolad bay ku dhufteen, way carareen. Dariiqaa waxay soo mareen Saylaan, aaggaas markay marayeen askari qori sitaan ka horyimid isagiina xabad bay ku dhufteen oo waa dhaawac” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale, dableeyda hubaysan oo aan gacanta lagu dhigin, ayaa dhaawac u gaystay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo meel kale kaga soo baxay, kadib markii ay ka soo carareen goobta ay xildhibaanka ku dileen.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab looga bartay weerarada noocaas oo kale ah.

Hoos ka daawo wareysiga Guddoomiyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here