Xildhibaan Kenyan ah oo sheegay in dadka Mandheera ay cabsi ka soo foodsaartay ciidamada C/rashiid Janan

Xildhibaan Cumar Maxamed Macallin

Xildhibaanka laga soo doorto Bariga Mandheera, Cumar Maxamed Macallin, ayaa BBC-da u sheegay in dadka deegaankiisa ay cabsi soo foodsaartay, kaddib markii qeyb ka mid ah magaalada ay fariisimo ka dhigteen ciidammada wasiirka amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan).

Xildhibaan Cumar ayaa waxa uu dowladda Kenya ku eedeeyay inay fariisin siisay ciidammada Cabdirashiid Janan, arrintaas oo uu sheegay in ay halis gelinayso amniga deegaanka isaga laga soo doortay ee Bariga Mandheera.

“Haddii wadada aad marayso aad ku aragtid dad iyo baabuur hubaysan waa arrin xun, hase ahaatee meesha ma ahan Soomaaliya oo waa Kenya dhexdeeda, marka ciidan aan Kenyan ahayn oo waddankoodii ka soo carayay ayagoo qoryahoodii wata oo ay la yimaadaan Kenya wax adduunka ka dhaci kara ma ahan.” Ayuu yiri, isagoo intaas ku daray “Haddii ciidan waddan kale uu ka soo cararo, waddan kale markii uu soo galo sida nidaamka ah waxaa waaye in qoryaha iyo hubka waxa ay wateen ay dowladda Kenya ku wareejiyaan ee ma ahan in xero la dajiyo oo shacabka dhexdiisa ah.”

Xildhibaan Cumar ayaa waxa uu dowladda Kenya ku eedeeyay in ciidammadeeda ay garabsiinayaan ciidammada Cabdirashiid Janan: “Dadkan ma ahan dad meesha xoog ku deggan, laasim waaye dowladda Kenya way ka warhaysaa garabna way siinaysaa sida aan aniga aaminsanahay.” ayuu yiri.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeysa ciidammada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan).

Xisaaddaa ayaa sababtay in qof uu dhinto laba kale oo rayid ahna ay dhaawacmaan, waxaana xiisadda halkaa ka taagan ay sidoo kale saameyn ku yeelatay magaalada deriska la ah ee Mandheera oo ku taal xudduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay kala hadlayaan sidii Janan iyo ciidammadiisa deegaankaasi looga saari lahaa: “Annaga dad soo cararay oo baabuur iyo hub wata inaan la xaajoonno oo naga durqa aan dhahno diyaar uma nihin. Waqtiga hadda la joogo waxaan diyaar u nahay inaan sharciga waddanka [Kenya] marno oo si sharci ah meesha looga qaado.” ayuu yiri Xildhibaan Cumar oo BBCda u warramayay.

Beled-Xaawaan ku suganahay

Hasayeeshee wasiirka amniga ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo BBCda u warramay ayaa sheegay inuu ku sugan yahay dhinaca Beled-Xaawo, halkaas oo uu ka wado howlo isku dubarid ah oo uu ku samaynayo ciidammada daraawiishta ee Jubaland.

Janan waxa uu sheegay in ciidammada ay dowladda Federaalka soo dhoobtay deegaannada waqooyi ee gobolka Gedo aysan waafaqsanayn sharciga maadaama buu yiri lagu keenay aragti ka duwan kuwii hore loogu shaqeyn jiray taas oo uu tilmaamay in aanay shaqeyn doonin.

Cabdirashiid Janan waxa uu BBCda uga warramay sida uu uga soo baxsaday xabsigii uu jiray oo markii la weydiinnay su’aasha ku saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay, wuxuuna ka bixiyay sharraxaad: “Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday”, ayuu yiri.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yiri: “Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda”.

“Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”, ayuu yiri.

Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado.

Wuxuu si kooban u sheegay inay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado.

Dhinaca kalena wuxuu beeniyay warar sheegayay in diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay magaalada Nairobi.

Booliska caalamiga ee INTERPOL oo la weydiistay soo qabashada Cabdirashiid Janan

War-saxaafadeed maanta kasoo baxay taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa looga hadlay dib usoo qabashada wasiirka Amniga maamul goboleedka Jubbaland, Cabdi Rashiid Xasan Cabdinuur “Janan”, kaasoo 28-kii bishii January ka baxsaday xabsi lagu hayay oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Janan oo markii hore “doon ku gaaray” dekedda magaalada Kismaayo ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyay in diyaarad khaas ah lagu geeyay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

War-saxaafadeedka maanta kasoo baxay hoggaanka booliska Soomaaliya ayaa Booliska Adduunka(Interpol) looga codsaday inay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii mar kale loo soo xiri lahaa Cabdirashiid Janan.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasrni ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul-insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba gaIabsan”, ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah war-saxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here