Xildhibaanada BF oo ansixiyey golaha wasiirada Soomaaliya

baarlamaanka df2

Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyey golaha wasiirada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa.

Kulankan oo ay soo xaadireen illaa 188 mudane ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka baarlamaanka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyada oo ay dhinac fadhiyeen guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo xigeenka labaad ee golaha shacabka.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa khubad ka jeediyey kulanka, wuxuuna ka dalbaday xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya inay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadiisa, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Dhammmaan xildhibaanada kulanka soo xaadiray ayaa codka kalsoonida ah siiyey xukuumadda cusub, mana jirin wax diiday ama ka aamusay, sida uu ku dhowaaqay natiijada guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Intaasi kadib ayaa waxaa xilalkooda loo dhaariyey golaha wasiirada cusub ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu jira qaar ka mid ah wasiirada xukuumaddii hore ee la riday ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo kuwa cusub.

Xukuumadda Rooble ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada soo socota 2020/2021 oo heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here