Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta waxaa loo diray fariin sheegaysa in maalinta berri ah uu goluhu leeyahay kulan, iyada oo ajendaha kulankaas lagu sheegay Saameynta Covid-19 iyo Cod u qaadista xubnaha guddiga madaxbanaan ee xaduudaha.
Kulankaan ayaa waxaa ka maqnaan doona xildhibaano qaswadeyaal lagu tilmaamay, kuwaasi oo xalay Guddoomiye Mursal ka joojiyey ka qeyb-galka 5 kulan ee soo socda, kadib markii uu ku eedeyay hor-istaagida qabsoomida kulankii shalay.