Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug oo maanta lagu dhaariyey DhuusaMareeb

dhaarin xildhibaanada galmudug

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug waxaa maanta lagu dhaariyay magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo lagu qabtay munaasabadda dhaarinta.

Goobta ay ka dhacday dhaarinta Xildhibaanada waxaa joogay xubno ka socda dowladda iyo mas’uuliyiinta guddiga farsamo ee dhismaha Galmudug, iyadoo kahor inta aan laguda gelin dhaarinta goobta lagu soo bandhigay sida ay ku timid soo xulista xubnahan.

Xildhibaanadan waxaa laga sugayaa iney iska dhex doortaan Gudoomiye cusub oo noqon doona ruuxa ugu da’da weyn, kaasoo soo magacaabi doona guddigii diyaarin lahaa doorashada Gudoonka cusub ee uu yeelanayo Baarlamaanka 2-aad ee maamulkan Galmudug.

Mudanayaashan ayaa Kitaabka Alle ugu dhaartay iney si daacad ah ugu shaqeyn doonaan danaha dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug.

Maalmaha soo socda waxaa la filayaa in Baarlamaanka lagu soo daro 6 mudane oo haatan u maqan murrano hareeyay beelohooda, iyadoo looga fadhiyo in Odayaasha dhaqanka ay soo gudbiyaan, maadaama ay haatan soo xulistooda ku howlan yihiin.

Guddiga Farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa waxay Jimcihii soo bandhigeen liis ay ku qoran yihiin magacyada 83 xubnood oo ka mid ah 89 xubnood ee Baarlamaanka Galmudug uu ka kooban yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here