Xildhibaanada Galmudug oo kulankoodii u horeeyey ku doortay guddoomiye KMG

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalan

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta magaalada Dhuusa-Mareeb ku yeeshay kulankoodii u horeeyay, kaasoo ay uga hadleen arrimo dhowr ah.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo lagu sheegay xubinta ugu da’da weyn golaha ayaa loo xushay in afhayeenka ku meel gaarka ah uu noqdo baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Xildhibaan Xalane ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii 7-aad ee waqtigii madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ayaa soo magacaabi doona guddi doorasho, kuwaasoo diyaarin doona qaabka ay noqoneyso doorashada Guddoomiyaha iyo Kuxigeenada baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa weli u socdo kulan xasaasi ah oo ajandihiisu yahay dhaarinta xildhibaanadii Shalay aan la dhaarin iyo magacaabista gudigga cusub ee doorashada Madaxda Galmudug.

Guddiga la magacaabi doono ayaa lafilayaa inuu ka koobnaado 15 xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here