Xildhibaanada Mandhera laga soo doorto oo si carro leh uga hadlay dagaalkii maanta

xildhibaano somalida ke

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya kana tirsan is-maamulka Mandheera oo galabta shar jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa waxa ay si kulul uga hadleen xaaladda adag ee uu wajahayo is-maamulka ay dowladda dhexe ku metelaan ee Mandheera.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya ay dhibaato badan kasoo gaartay shacabka ku nool magaalada Mandheera, isla markaana ay qoysas badan ku bara kaceen.

Xildhibaanadaas ayaa dowladda ay ka tirsanyihiin ee Kenya waxa ay ugu baaqeen in si degdeg ah magaalada Mandheera uga saarto ciidamada uu wato wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

“Dhibaatadii aan ka digeynay ayaa timid, dagaal ayaa ka socda inta ka dhaxeysa Mandheera iyo Buula-Xaawo, dad badan ayaa bara kacay, dhibkuna wuu sii socdaa, anaguna ma ogolin in dagaal dhulkeena ka dhaco, dowladda Kenyana waxaan leenahay hadii dadka shacabka ah loo damqanayo ciidamada Janan meesha halaga saaro, dagaal haduu rabo haka dagaalamo Soomaaliya gudaheeda” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Kenya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan mudo bil ah uu joogay magaalada Mandheera, intaasna ay ka digayeen dagaalka maanta bilaawday, waxayna sheegeen in aad ay uga careysan yihiin dadkii shacabka ahaa ee maanta la bara kiciyey, iyagoo carabka ku adkeeyey in ay arintaas kula xisaabtami doonaan madaxda dowladda dhexe.

Dagaal maanta ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo laga barakacay inta madan magaalooyinkaas oo ay ku dhacayeen madaafiic ay is weydaarsanayeen labada dhinac, waxayna dadka ku nool deegaanadaas ka cabsi qabaan in dagaalka ka qarxay xuduuda uu sii daba dheeraado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here