Xildhibaanadii Kenya ee yimid Xamar oo wajihi kara dacwo qiyaameyn qaran ah

xildhibaano somalida ke

Afhayeenka baarlamanka Kenya Justin Muturi ayaa sheegay in xildhibaanadii tegay magaalada Muqdisho aysan qaadan fasax, islamarkaana marin nidaamkii sharciga ahaa.

“Shalay un ayaa la ii sheegay [Axaddii], balse wax fasax ah ima weydiisan, xitaa ilama socodsiin,” ayuu Muturi Isniintii u sheegay wargeyska Daily Nation.

Sida uu qoray Daily Nation, Xeerka baarlamanka Kenya ee 260 ayaa dhigaya in xubnaha u safraya dal kale, haddii ay tahay rasmi ama mid ayaga u gaar ah, ay qasab tahay inay qoraal ogeysiin ah u diraan afhayeenka.

Waxaa sidoo kale laga doonayaa inay sheegaan taariikhda safarkooda, muddada ay ka maqnaanayaan Kenya, iyo halka lagala soo xiriiri karo inta ay maqan yihiin.

Sidaas darteed, xildhibaanada ayaa hadda lagu warramayaa inay jebiyaan sharciga, oo ay booqdeen dal Kenya ay u aragto “cadow”, sida uu leeyahay Daily Nation.

Haddii Aqalka Baarlamanka ay xildhibaano kale ama shacabka usoo gudbiyaan codsi ku aadan in arrintan baaritaan lagu sameeyo, guddiga awoodaha iyo mudnaanta baarlamanka ee uu hoggaamiyo afhayeenka ayaa baari doona.

Waxaa suurta-gal ah in xildhibaanada lagu soo oogo dacwado la xiriira “qiyaameyn qaran”, oo macnaheedu yahay inay la safteen dal dagaal kula jira Kenya, sida lagu yiri qoraalka wargeyska Daily Nation.

Waxaa sidoo kale lagu soo oogi karaa dacwado ku saabsan inay u jaajuuseen dal kale, xilli ay jiraan warar la xiriira inay Muqdisho kula soo kulmeen madaxda sirdoonka Soomaaliya.

Safarka xildhibaanadan ayaan sidoo kale lagu wargelin wasaaradda arriamah dibedda Kenya, iyo safaaradda kenya ee Muqdisho, sida ay tiri warbixinta wargeyska.

Sida sharciga ah, haddii xildhibaanada Kenya ay tagayana dal kale, waa in lala socodsiiyaa safaaradda Kenya ee dalkaas.

Ma cadda, sida Keya ay arrintan u wajihi doonto, hase yeeshee waxaa macquul ah in booqashada xildhibaanadan ay u adeegsato inay Soomaaliya ku eedeyso inay faro-gelin ku hayso Kenya, si la mid ah sida Soomaaliya ay ugu eedeysay Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here