Xildhibaannada Jamhuuriga oo ku biiray mooshinka xil ka qaadista Trump

trump

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee dalka Mareykanka ayaa laga filayaa in ay cod u qaadaan mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne Donald Trump, sababo la xiriira rabshadihii ka dhacay Aqalka Congress-ka.

Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu taageerayaashiisa ku dhiirrigaliyay inay weerar ku qaadaan dhismaha Capitol ee xarunta u ah baarlamaanka iyo laamaha dowladda. Shan ruux ayaa ku dhimatay qalalaase halkaas ka dhacay.

Xubno ka tirsan xisbiga uu Trump kasoo jeedo ee Jamhuuriga ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in ay ku biiri doonaan ololaha xisbiga Dimuqraaddiga ee xilka looga qaadayo, iyadoo si rasmi ah madaxweynaha loogu soo oogayo dacwad ku saabsan in uu abuuray kacdoon ka dhan ah maamulka dowladda..

Madaxweyne Trump ayaa dhankiisa beeniyay in uu wax lug ah ku leeyahay qalalaasahaas.

Rabshadaha ayaa Arbacadii lasoo dhaafay dhacay kadib markii Mr Trump uu taageerayaashiisa goob fagaare ah oo ay isugu soo baxeen magaalada Washington ugu sheegay in “ay u dagaallamaan si daran” kana soo horjeestaan natiijadii kasoo baxday doorashadii dhacday bishii November.

Trump xilka malaga xayuubin doonaa?

Maadaama ay xisbiga Dimuqraaddiga heystaan Aqlabiyadda Golaha, waxay u badan tahay in codeynta ay guuleysato. Kiiska ayaa markaas u gudbi doona Aqalka sare ee Senate-ka, halkaasoo lagu qaadi doono dacwad lagu go’aaminayo in madaxweynaha dambigiisa lagu helo.

Aqlabiyad saddex meelood labo meel ah ayaa loo baahnaan doonaa si Trump xukun loogu rido, taasoo ka dhigan in 17 xildhibaan oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga laga doonayo in ay kasoo horjeestaan.

Xildhibaanno badan oo ka tirsan Jamhuuriga, oo gaaraya ilaa 20 mudane ayaa hadda diyaar u ah in ay madaxweynaha garabkiisa ka baxaan, sida uu shaaciyay wargeyska New York Times.

Lama oga xilliga dacwadda la qaadi doono, laakiin uma badna in la dhammeystiri karo ka hor inta uusan Trump xafiiska banneynin 20-ka bisha January, markaas oo Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynaha Mareykanka.

Aqalka Senate-ka ayaa sidoo kale codeynta dacwadda xil ka qaadista u adeegsan kara in ay Mr Trump ka mamnuucaan inuu dib dambe xil dowladeed u tartamo.

Horay wuxuu madaxweynuhu u bidhaamiyay inuu isu soo sharrixi doono doorashada madaxweynenimada ee sanadka 2024-ka.

Codeynta maanta la qaadayo waxay ka dhigan tahay in Mr Trump uu noqon doono madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka oo abid xil ka qaadis lagu sameeyo labo jeer.

Bishii December ee sanadkii 2019-kii ayuu noqday madaxweynihii saddexaad ee Mareykanka oo lagu fuliyay Mooshin xil ka qaadis ah. Xilligaas waxaa lagu heystay dacwad la xiriirta in uu jabiyay sharciga Mareykanka oo uu dalka Ukraine ka dalbaday in ay baaritaan ku billaabaan Mr Biden si uu u seego doorashada. Laakiin Senate-ka ayaa markaas ka bari yeelay eedeymaha iyo dacwadda lagu soo oogayba.

Maxay dhaheen Jamhuurigu?

Liz Cheney, oo ah siyaasiyadda saddexaad ee ugu sarreysa mudaneyaasha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada, ayaa wacad ku martay in ay taageero buuxda siin doonto mooshinka xilka looga qaadayo madaxweynaha, iyadoo ku doodday in Mr Trump uu “abaabulay dadkii weeraray dhismaha Capitol, ayna ku socdeen amarkiisa”.

“Waligeed ma dhicin khiyaano taas ka weyn oo uu madaxweyne Mareykanka ah ku sameeyay xafiiskiisa iyo dhaartii uu u maray ilaalinta Dastuurka,” ayey tiri haweeneysan oo ah gabadh uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Dick Cheney.

Saddex kale oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga ee Golaha Wakiillada, oo kala ah John Katko, Adam Kinzinger iyo Fred Upton, ayaa iyaguna sheegay in ay u codeyn doonaan mooshinka xilka looga qaadayo Trump.

Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka, Kevin McCarthy, oo ay xulafo dhow yihiin Trump, horayna uga soo horjeestay mooshinka xil ka qaadista, ayaa go’aansaday in uusan xildhibaannada xisbigiisa ka codsanin inay kasoo hor jeestaan mooshinka, sida ay tabiyeen warbaahinta Mareykanka.

Muxuu yidhi Trump?

Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in khudbaddii uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay, ka hor rabshadihii Capitol ee dhimashada sababay, ay ahayd mid “gabi ahaanba sax ahayd”.

Mr Trump ayaa xilligaas taageerayaashiisa ka dalbaday in ay mudaharaad ku aadaan xarunta golaha Wakiillada ee Congress-ka.

Hase yeeshee wuxuu difaacay hadalladiisii, isagoo dhanka kalena “wax fool xun” ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Congress-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay.

Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto cadho aad u xoog badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here