Xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed is-beddel doon ah oo lagu xiray Kismaayo

calanka jubbaland

Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland ay bilaabeen qabqabashada xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka ee ka tirsan garabka isbadal doonka ee ka dhisan magaalada Kismaayo.

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen labo xildhibaan iyo oday dhaqameed, kuwaasi oo tirsanaa garabka isbadal doonka, iyadoona xubnaha lagala baxay guryaha ay ka degan yihiin Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in maalmihii ugu dambeeyay ay kismaayo ka socdeen beegsiga lagu hayo xubnaha ka tirsan garabka isbadal doonka ee ka jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Kaafiyo Cabdi Faarax oo ah Guddoomiye ku xigeenka garabka isbadal doonka oo la hadashay ayaa sheegtay in maamulka Jubbaland uu caburin ku hayo shacabka, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada isbadal doonka.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland, kaasi oo ku aadan inay faahfaahin eeda loo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here