Xildhibaano dhaawac ah, 50 qof oo lasoo bad-baadiyey iyo Al-Shabaab oo weli ku jira SYL

syl hotel

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray hotel SYL ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weli haysta qaybo ka mid ah hoteelka islamarkaana ay ka dhex dagaalamayaan.

Weerarka ayaa bilwoday daqiiqado ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga Muqdidhso. Waxaana la sheegay in maleeshiyaadka ay qaar rasaas ku fureen ciidamada ilaalada madaxtooyada halka kuwo kalena ay galeen hoteelka SYL.

Waxaa jira khasaare nafeed oo xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawacy balse weli lama hayo tiri rasmi ah.

Waxaa la xaqiijiyey in ugu yaraan laba ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay ku dhaawacmeen weerarka, halka qaar kalena lasoo bad-baadiyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan saraakiisha amniga ayaa sidoo kale sheegay in 50 qof oo shacab ah laga soo bad-baadiyey hotelka.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmana Cumar Jeeniqaar oo taliye u ahaan jiray Danab ayaa ku sugnaa hoteelka marka weeraku dhacay. Waxa uu VOA u sheegay in ciidankiisa ay difaaceen isaga iyo dad kale oo badbaaday.

Waxa uu sheegay taliyuhu in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay ku hubaysnaayen qoryaha fudud iyo barmbooyinka gacanta laga rido.

Hoteelka SYL ayaa ku yaalla meel u dhyow madaxtooyada. Hoteelka ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Weerarka maanta waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab waxayna sheegteen inuu ku aadan yahay huteelka SYL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here