Xildhibaano iyo saraakiil dacwado lagu soo oogay iyo baaritaanka dagaalkii Wanlaweyn oo la shaaciyey

xasan cali nuur shuute

War-saxaafadeed kasoo baxay guddigii uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xalinta dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa lagu faahfaahiyey sidii ay wax u dhaceen iyo waxa u qabsoomay.

Guddigan ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay in colaadaas ay hurinteeda ay ku lug lahaayeen mas’uuliyiin iyo Xildhibaano ka kala tirsan barlamaanada maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo maxakamadda ciidamada ay dacwado kusoo oogtay.

Sidoo kale, guddigan ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen ay ku ogaadeen in maamulka ka jiray degmada Wanlawayn uu ka qayb qaatay colaadii ka dhacday halkaas, isla markaana uusan gudan mas’uuliyadii maamul ee degmada ka saarneyd.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Muqdisho loo soo kaxeeyay guddoomiyihii degmada Wanlawayn ee shaqada laga joojiyay Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, isla markaana ay ciidanka boliiska Soomaaliyeed baaris dhamaystiran ku sameeyaan dowrkii uu ku lahaa gabood falladii ka dhacay degmada Wanlawayn, iyagoo natiijada kasoo baxda loo gudbin doono Maxkamadda Awooda u leh, sida lagu yiri warkan.

“Guddiggu iyagoo u kuur galay cabashooyinkii odayaasha, isla markaana baaris ku sameeyay dhibaatooyinkii dhacay, diiwaangaliyayna dilalkii iyo gabood faladii ka dhacay degmada W/wayn, waxaana ka qoray dhibanayaashii dhibtu soo gaartay, waxaa usoo if baxay. In tirada guud ee ku geeriyoodatay dagaalkii sokeeye ay ahayd 24ruux, kuwaas oo 9-ka mid ah ay ku geeriyoodeen dagaal safayn ah, halka 15qofood loo dilay qaab aargoorsi ah, islamarkaana si naxariis daro oo anshax xumo ah loo dilay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in gudaha degmada Wanllawayn ay ka dhaceen dembiyo isugu jiro dhac, barakicin iyo kufsi. Ayna jireen Isbaarooyin yaalay gudaha degmada Wanllawayn oo ay dhigteen maleeshiyaadka beelaha ay colaadu dhexmartay.

Halkan Hoose ka akhriso warbixinta guddiga oo dhameystiran

Ujeeddo: War-saxaafadeed

Hordhac

Maalintii ay taariikhdu aheyd 07.04.2020 waxaa Degmada W/wayn gaaray Guddi ay qayb ka yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee CQS , Xafiiska Xeerilaalinta CQS, Baarayaal ka socda Hay’adda Baarista Boliiska, Wasiiro ka tirsan Maamulka KGS, iyo Guddoomiyaha iyo Gudoomiye Xigeenka Gobolka Sh/Hoosee iyagoo fullinaya Amarkii Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Magacaabistii Gudi ee uu sameeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Mudane C/casiis Laftagareen ee ku saabsanaa in la joojiyo dagaalka Sokeeye ee u dhaxeeya Beelaha ku diriraya Degmada W/wayn ee G/Sh/Hoose.

Shaqada la qabtay

  1. Islamaalintii ay taariikhdu ahayd 07/04/2020 guddiggu wuxuu la kulmay dhinac ka mid ah Beelihii ku dagaalamay Degmada W/wayn, wuxuuna dhagaystay cabashadooda iyo dhibaatada soo gaartay.
  2. Maalintii xigtay oo ay taariikhdu ahayd 08/04/2020 guddigu wuxuu la kulmay dhinicii labaad oo dirirta ka dhaxaysay, wuxuuna dhagaystay cabashadooda iyo dhibaatada soo gaartay.
  3. Baarayaashii ka socday Ciidanka Boliska iyo Xeer- ilaaliye ka socday Ciidamada qalabka sida ,ayaa cadaymo ka qoray dadkii uu dhibku gaaray iyo Goobjoogayaal Xog ogaal u ahaa sida ay Colaadu ku bilaabatay ee ka kala socday labada dhinac.
  4. Gudigu wuxuu sameeyay Xabad Joojin iyadoo Maxkamada Ciidamada qalabka sida Amar ku bixisay Cidii jebiso in Talaab Adag laga qaado lana horkeeno Sharciga.

Baaristii Hordhaca ahayd ee Guddigga:

Guddiggu iyagoo u kuur galay cabashooyinkii odayaasha, islamarkaana baaris ku sameeyay dhibaatooyinkii dhacay, diiwaangaliyayna dilalkii iyo gabood faladii ka dhacay degmada W/wayn, waxna ka qoray dhibanayaashii dhibtu soo gaartay, waxaa usoo If baxay:-

  1. In tirada guud ee ku geeriyoodatay dagaalkii sokeeye ay ahayd 24ruux, kuwaas oo 9-ka mid ah ay ku geeriyoodeen dagaal safayn ah, halka 15qofood loo dilay qaab aargoorsi ah, islamarkaana si naxariis daro oo anshax xumo ah loo dilay.
  2. In gudaha Degmada W/wayn ay ka dhacday dembiyo isugu jiro Dhac, barakicin iyo kufsi.
  3. In ay jireen jid-gooyooyin(Isbaarooyin) yaalay Degmada Wanlawayn oo ay dhigteen maleeshiyaadka beelaha ay Colaadu dhexmartay.
  4. In dagaalka iyo colaada ay hurinayaan masuuliyiin iyo Xildhibaano maamul goboleed oo ka kala tirsan Barlamaanada Hirshabeele iyo Konfur Galbeed.
  5. Sidoo kale waxaa soo baxday in maamulka ka jiray Degmada wanlawayn uu qayb ka ahaa Colaada dhacday, isla markaana uusan gudan masuuliyadii maamul ee degmada ka saarnayd.
  6. In ay jiraan Maleeshiyaad hubaysan oo ku dhaqan Degmada W/wayn , kuwaas oo u baahan in la qarameeyo.
  7. In ay Degamada joogin Ciidan Boliis oo ku filan iyo Maamul Xakamayn kara Colaadaha.

Tallaabaddii Guddigga

Guddiggu iyagoo illaalinaya Amniga iyo wada noolaanshaha Bulsha waynta deggan Degmada W/wayn, islamarkaana tixgalinaya cabashooyinkii odayaasha iyo heshiiskii dhacay, wuxuu qaaday Talaabooyinkan soo socda:-

  1. Waxaa gabi ahaanba la qaaday Isbaarooyinkii yaalay Degmada W/wayn iyo nawaxigeeda.
  2. Waxaa la isku keenay oo la is hor fadhiisiyay Labadii dhinac ee dagaalamay, islamarkaana lagu heshiisiiyay in ay xabadda joojiyaan, laguna wada noolaado nabad waarto.
  3. Wuxuu gudigu bilaabay in dadkii ka qaxay Degmada Wallaweyn oo dagay magaalada banaankeeda uu dib ugu soo Celiyo, isagoo xaqiijiyay in ganacsigii iyo noloshii caadiga ahaydba ay dib u bilaabatay.
  4. Waxaa la mamnuucay in degmada W/wayn gudaheeda aan lagu dhex haysan Karin hub sharci daro ah, iyadoo ciidamada Ammaanka la amray in ay qabtaan cidii la arko iyadoo hub ku dhex sidata gudaha magaalada.
  5. In La kaxeeyo Guddoomiyaha Degmada W/wayn ee Shaqada laga joojiyay Max’ed Siidow C/raxmaan , islamarkaana ay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Baaris dhamaystiran ku sameeyaan Dowrkii uu ku lahaa Gabood faladii ka dhacay Degmada W/wayn, iyagoo natiijada kasoo baxdo u gudbin doona Maxkamadda Awooda u leh.
  6. in hay’adaha Baarista dambiyada Boliiska Soomaaliyeed (C.I.D) qaybaheeda Muqdisho iyo Baydhabo ay furaan Gal-dacwadeed Ciqaab ah oo lid ku ah Xildhibaanada kala ah:-
  • Xildhibaan Aadan cabdi Faarax (Kaladire) oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Hiir-shabeele.
  • Xildhibaan Mayoow Mustaf Xasan oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Konfur Galbeed.
  • Ex-Xildhibaan Maxamed Taraafiko oo ka tirsanaa xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Konfur Galbeed, kuwaas oo barista hordhaca ah ee la sameeyay lagu ogaaday in ay jirto baahi loo qabo in cadaymo laga qoro, sidaa darteed waxaa lagu wargelinayaa Xildhibaanada in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku tagaan Xarumaha

Baarista, iyadoo maamulada ay ka tirsan yihiin laga dalbanayo in ay u diraan si loo dhamaystiro barista Gudiga.

7- in uu horyimaado Xafiiska Xeerilaalinta CQS G/le X. Salaad Tifoow oo ah Abbaanduuliha Guutada 7aad XDS, si su’aalo looga waydiiyo qeybtii uu ku lahaa gabood faladii ka dhacay Degmada W/wayn.

8- In XDS uu gacanta kusoo dhigo Nuunoow Afwayne oo horjooge ka Degmada Wanlawayn, isla markaana horkeeno sharciga Cabdi ahaa  Maleeshiyaadkii  ku  Dagaalamay.

9- In Ciidanka Xooga Dalka uu masuuliyada amni qaadayo, inta laga helaayo Ciidan Boliis oo ku filan .

Mahadnaq Gudigu wuxuu u mahad celinayaa Madaxda JFS iyo Madaxda Maamulka KG, oo u suurageliyay gudiga in ay fududaato howshii ay qabteen, sidoo kale waxay u mahadcelinayaa Taliska Ciidanka Xooga Dalka iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo aysan la’aantood la qaban kari lahayd howshan adag.

Wabillaahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here