Xildhibaano iyo wasiiro war ka soo saaray dagaalka duleedka Kismaayo

wasiir Oomaar

Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay deegaano hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose.

Kulan oo uu gogoshiisu dhigay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), islamarkaana ay ka qeyb galeen odayaal dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo jeeda Jubbaland ayaa waxaa looga arrinsaday, sidii loo qaboojin dagaal beeleedyada weli ka socda duleedka magaaladaasi.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaliya, islamarkaana kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dadka deegaanadaasi aysan xamili karin dagaal, loona baahan yahay in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku darayin wixii dhib ah ee dhacday dib la’isaga imaan doono, lagana xaali doono.

Dhankiisa wasiir Oomaar oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday beelaha diriraya inay dagaalka ku joojiyaan shuruud la’aan ah, si looga baaqsado inuu dhiig kale daato.

Ugu dambeyn wuxuu fariin u diray dad uu sheegay inay  buun-buuninya colaadaasi, isagoo ugu baaqay in aysan marin habaabinin dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here