Xiriirka Somaliland iyo Taiwan: Sida Somaliland ay uga careysiineyso Shiinaha

safiir taiwan somaliland

Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dhul maamul dhisan leh oo si cad ugu dhawaaqay madaxbanaanidooda laakiin midkoodna looma aqoonsan caalami ahaan, haddana sida ay sheegtay Mary Harper, way isu soo dhowaanayaan.

Chou Shuo-Wei Amir, Xoghayaha Saddexaad ee xafiiska diblomaasiyadeed ee Taiwan ee Somaliland, ayaa yidhi “Ku soo dhawow xafiiskayaga.”

Calanka Taiwan ayaa si tartiib tartiib ah ugu babanaya neecawda diirran – waxa uu ka kooban yahay midabbada casaanka, caddaanka iyo buluuga ee ka soo horjeedda cirka buluugga ah.

Inkasta oo qaarkood u arkeen xiriirkooda inuu yahay mid la yaab leh, hadana Somaliland iyo Taiwan waxyaabo badan ayay wadaagaan.

Carada Shiinaha iyo Soomaaliya

Labadooduba waa kuwo aan laga aqoonsanayn caalamka waxayna leeyihiin deris ballaaran – Soomaaliya iyo Shiinaha – oo ku adkeysanaya inay ka tirsan yihiin dhulkooda.

Somaliland iyo Taiwan waxay aasaaseen xiriir diblomaasiyadeed sanadkii hore taas oo ka careysiisay deriskooda.

Soomaaliya waxay ku cambaareysay Taiwan inay saaxiib la noqotay Somaliland. Saraakiisha Shiinaha iyaguna waxay u safreen Somaliland waxayna ku adkeysteen inay jareen xiriirkii ay la lahaayeen Taiwan.

Waa suuro gal in Shiinuha u arko xiriidhka Taiwan iyo Somaliland mid carqalad ku noqon kara mashruuceeda ay ku qorshaynayso inay ku horumariso jidadka ganacsiga badda iyo berriga ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Afrika.

Somaliland oo uu Shiinaha u arko carqalad, waxay leedahay dekedda Berbera oo istiraatiijiga ah, waxay xannibi kartaa sii socoshada wadadeeda Xariirisa Badda ee ku teedsan xeebta bari ee Afrika.

Taiwan waxay Soomaaliland u argataa tallaabadadeedii ugu horreeysay ee rumeyn karta riyadeedii ahayd inay noqoto dal caalamka laga aqoonsan yahay.

“Somaliland waa waddada ay Taiwan ay u isticmaaleyso Bariga Afrika”, ayuu yidhi Wakiilka Taiwan ee Somaliland, Allen Chenhwa Lou oo hoos fadhiya sawirka madaxweynihiisa,Tsai Ing-wen.

“Anigoo halkan jooga ayaa waxaan Taiwan wakiil uga ahay 10 dal oo ka tirsan Bariga Afrika, oo ay ku jiraan Kenya iyo Itoobiya.

Somaliland waa mid ka mid ah labada dal ee Afrika ee xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxda la leh Taiwan. Midkii ugu horreeyay wuxuu ahaa dalka yar ee Eswatini, oo xiriir la yeeshay 1968.

Shiinaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu isha ku hayo saaxiibtinimada Somaliland iyo Taiwan isagoo ka cabsi qaba, maxaa yeelay waxay ka aasaastay saldhig milatari oo ka baxsan dalkeeda.

‘Walaalka weyn ee Somaliland’

Mr Lou wuxuu ku sifeeyay xiriirka ka dhexeeya labada dhul “guul labada dhinac ah”. Taiwan waxay Soomaaliland ka caawisaa beeraha, tikniyoolojiyadda, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, doorashooyinka iyo tamarta.

Somaliland waxay leedahay goob istiraatiiji ah, keyd kalluumeysi oo hodan ah, kheyraad dabiici ah iyo dalxiis.

“Somaliland waxay ugu yeertaa Taiwan walaalkeeda weyn,” ayuu yidhi Mr Lou. Laakiin waxaan doorbidayaa in xidhiidhkeennu uu noqdo mid wax wada qabsi iyo iskaashi ah. Mar walba wadajir baan ahaan doonnaa Somaliland.

Uma baahnin inaan raadinno madax banaani hada sababtoo ah durba waanu madax bannaan nahay, waxaa labadeennaba aan u baahanahay waa aqoonsi.

Presentational grey line

Soomaliland iyo Soomaaliya

  • Somaliland oo ka xorowday gumeystihii Ingiriiska ayaa ku biirtay Soomaaliya inteeda kale 1dii Luulyo 1960
  • Waxay ku dhawaaqday xornimo kaddib markii 1991-kii xukunka laga tuuray madaxweynihii dowladdii Soomaaliya, Madaxmed Siyaad Barre
  • Tani waxay timid ka dib iska horimaad ay ku dhinteen tobanaan kun isla markaana magaalooyin dhulka lagu daray
  • Somaliland waxay leedahay nidaam siyaasadeed oo shaqeeya, hay’ado dawladeed, ciidan boolis iyo lacag u gaar ah
Presentational grey line

Laakiin ma aha in qof kasta oo reer Somaliland ah uu la dhacsan yahay saaxiibtinimada cusub ee Taiwan, qaarkoodna waxay is weydiinaya xiriirka shiinaha loo huri karo midka Taiwan.

“Labo qof oo qaawan isma caawin karaan,” ayuu yidhi Ismaaciil Maxamed oo ka mid ah ganacsatada xoolaha. Waxaan ubaahanahay Shiinaha awoodda badan marka loo barbardhigo Taiwan-ta yar.

Haweeneyda ganacsatada ah, Muna Aden, ayaa iyaduna shaki ka qabta.

“Waa khalad weyn oo Shiinuhu uusan waligiis ilaawi doonin,” ayay tidhi.

Laakiin maamulka ka jira Somaliland ayaanan ka gilgilaneyn. Ku simaha Wasiirka Arimaha Dibada, Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa difaacay xiriirka, isagoo sheegay in labada dhul ay wadaagaan qiyamka dimuqraadiyadda iyo xoriyadda.

“Waxaan soo dhawaynaynaa dal kasta oo doonaya xidhiidh uu la yeesho Somaliland oo ay ku jirto Shiinaha. Laakiin kama saari doonno Taiwan annagoo raalli gelinayna Shiinaha.”

Taiwan iyo Shiinaha

  • Shiinaha iyo Taiwan waxay dawlado kala duwan lahaayeen tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Shiinaha 1949
  • Xiisadaha ayaa korodhay sanadihii la soo dhaafay, Beijing-na kama aysan saarin adeegsiga xoogga si jasiiradda dib loogu celiyo maamulka dhul weynaha Shiinaha
  • In kasta oo Taiwan ay aqoonsi ka heshay waddamo fara ku tiris ah, haddana dowladdeeda si dimoqraaddiga ah loo soo doortay waxay xiriir ganacsi iyo mid aan rasmi ahayn la leedahay dalal badan.

Mr Cismaan ayaa han sare waxa uu u hayaa Somaliland. “Waxaaannu noqon karnaa Taiwan-ta Geeska Afrika. Taiwan waxa ay gaartay horumar aan doonayno inaan ka qaadanno habkaas ay horumarka ku gaartay.”

Waxa uu sharraxayaa sida dalal sii kordhaya ay xafiisyo uga furanayaan magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, dalalkaas oo ay ku jiraan Turkiga, Itoobiya, Jabuuti, Midowga Yurub, UK iyo Isutagga Imaaraatka Carabta.

Sida Taiwan oo kale, dhowr dhul oo aanan la aqoonsanayn ayaa waxa ay danaynayaan inay xiriir la samaystaan Somaliland.

2020-kii wakiillada Boqortooyada Yellow Mountain, oo ah dhul aanay cidina sheegan oo u dhaxeeya Masar iyo Suudaan, ayaa waxa ay booqdeen Hargaysa, iyagoo rajo ka qaba inay “safaarad” halkaas ka furtaan.

Dhinaceeda, Somaliland ayaa waxa ay xafiis diblumaasiyadeed ka furatay Taiwan, xafiiskaas oo uu madax ka yahay Maxamed Xaaji.

“Aad ayaan ugu raaxaysanayaa inaan halkan Taipei ku noolaado,” ayuu yiri.

“Cimiladu waa iska caadi dadkuna waa ilbax, oo waxa ay doonayaan inay wax ka bartaan Afrika iyo annagaba.

“Waa inaan u sharraxaa in Somaliland aanay ahayn Soomaaliya, taas oo ay ku xiriiriyaan burcadbadeed iyo argagixiso.”

Mr Xaaji ayaa sheegay in inta uu ogyahay ay Taiwan joogaan saddex qof oo Somaliland u dhalatay – waa isaga iyo labo qof oo kale oo la shaqaysa.

Hasayeeshee waxa uu filayaa in dad badan ay dhawaan iman doonaan, oo Taiwan ayaa deeq waxbarasho waxa ay siisay 20 arday oo Somaliland u dhashay, waxaana suuragal ah inay halkaas ku soo qulqulaan ganacsato maadaama xiriir ganacsi ay dhinacyadu gaareen.

Wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland, Mr Lou, ayaa sheegay in walwal dhaqan uu ku dhacay markii uu tagay Hargeysa 2020-kii, markaas oo ay u aheyd booqashadiisii ugu horraysay ee uu Afrika ku tago. Ma haysto adeegyadii uu ka heli jiray deegaannada kale ee uu diblumaasiga ka soo ahaa, hasayeeshee waxa uu ku raaxaystaa barashada hab nololeedka “fudud” ee Somaliland.

Map
1px transparent line

Mr Lou ayaa sharraxaya sida qof kasta uu ugu malaynayo inuu ka yimid Shiinaha markii ugu horraysay ee uu tagay Somaliland.

“Waxaan jeclahay inaan waddooyinka dhex mushaaxo. Qof kasta waa uu isoo eegayaa oo waxa uu leeyahay: ‘Shiineeska’. Waxaan iraahdaa: ‘May, waxaan ka soo jeedaa Taiwan’, markaas ayey bilaabaan inay fahmaan.”

“Hasayeeshee wax badan ayay tahay in la qabto,” ayuu yiri Mr Lou. “Waxaan joogay xeebta Berbera markii gabar yar, oo aan shan jir ka waynayn, ay ii timid. Af Soomaali oo kaliya ayey ku hadashaa, hasayeeshee farta ayey igu soo fiiqday oo waxa ay ku qaylisay ‘Covid-19!’. Mar kale, ayaan iri: ‘May, waxaan ka soo jeedaa Taiwan’, balse ma hubo inay fahantay.”

Waa xilli hore in la ogaado in saaxiibtinimada cusub ee u dhaxaysa labada dhul ee aan la aqoonsanayn ay gacan iska siin karaan dedaalka ay ugu jiraan aqoonsi caalami ah iyo in xiriirkooda uu si siman u miro dhali karo, ama illaa heerka ay arrintaas ka caraysiin karto Shiinaha iyo Soomaaliya.

Hasayeeshee labaduba waxa ay muddo tobannaan sanadood ah u shaqaynayaan sida dalal madaxbannaan waxaana ay ka midaysan yihiin ka go’naanta aan la loodin karayn ee ah inay wadadaas ku sii socdaan.

XIG: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here