Xirsi buuggiisa 3aad haka qoro Xasuuqii Kalshaale iyo tacadiyadii uu ka geystay degaamada SSC

xirsi iyo kalshaale

Waxaan dhowaan Magaalada Hargeysa lagu qabtay xaflad lagu daahfuray buug labaad oo uu qoray hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan, kaas oo ay ka qayb galeen dad badan oo doonayey fursad ay shaashadaha TV-yada kaga muuqdaan.

WAA KUMA XIRSI XAAJI CALI XASAN?

Xirsi waa wiil Reer Burco ah, kaas oo taageero ka helay Dahabshiil iyo Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo Kabaryeeri ilaa Madaxtooyadda soo boodsiiyey, aakhirkiina ay u suurtogashay inuu bililiqaysto Awoodii Somaliland oo aanu istaahilin.

SIDEE AYUU U ISTICMAALAY AWOODDII UU BILILIQAYSTAY?

xasuuqi kalshaale
XUSUUSTA XASUUQII KALSHAALE BUUHOODLE

Mudadii dhowrka sanadood ahayd ee Xirsi uu Bililiqada ku haystay awoodda Somaliland wuxuu u isticmaalay sidii ugu xumayd ee uu awoodi karayey, isagoo aabbe u ahaa Xasuuqii Kalshaale ee boqolaalka qof ee xoola-raacada ahayd dhimasho iyo dhaawacu ka soo gaaray, tacadiyo degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn, musuqmaasuq baahsan oo saameyn ku yeeshay Somaliland.

TACADIYADII DEGAAMADA SSC?

mahad canbaashe

Eedaysanaha baxsadka ah ee Cabdirashiid Janan Wasiirka Amniga Jubbaland, waxaa loo qoray 1500 askar Caagle ah, kuwaas oo loogu talo galay in lagu cabudhiyo Gobolka Gedo, waana kuwa uu ku fuliyey tacadiyada maanta Caalamku ku daba socdo, sidoo kale Xirsi Cali Gobolka Sool wuxuu ka sameeyey si la mid ah Gedo, wuxuu soo ururiyey dhagaxleyaal iyo shaahleyaal, kuwaas oo intuu Saraakiil ku sheegay caagle farabadana u qoray, lacag farabadan iyo nolol aanay weligood ku fekerin, dabadeedna uu u isticmaalay Cabudhitinta rabitaanka shacabka SSC, iyadoo banaanbax kasta oo degaamadaas ka dhacay uu dhimasho ama dhaawac ku dambeyn jiray, isku dirka iyo iska horkeenka beelaha iyo nidaamka QAYBI OO XUKUN waxay u ahayd caadadiisa waana dembi xun, dilkii qorsheysnaa ee Waxgaradka iyo Qoorweynta ee degaamada SSC weli looma qaban qof qura.

KU BIIRISTII XISBIGA WADDANI?

Ku biiristii Xisbiga Waddani waa rukunkii ugu weynaa ee sababay inuu Xisbiga Waddani dhaco, waxaana hubaal ah in Cabdiraxmaan Cirro uu Buuri ka kireeyey, wuxuu balanqaaday codkii Bariga Burco, taasoo Cirro tustay isagoo kursigii fuushan, kuna kaliftay inuu garaysan waayo natiijadii doorashadda Madaxtooyada ee laga helay, dhaqaalihiina wuxuu geliyey meelihii uu la jeclaystay, Doorashadii kadib wuxuu xooga saaray inuu khaladkiisii qariyo oo cid kale marmariyo, wuxuu fure ka ahaa eedaymihii beenta ahaa ee loo jeediyey Gudigii doorashada ee hore, taas oo dhalisay in labo laysla meeraysto, khilaafkii Cirro iyo Xoghaye Uurcade, maantana wuxuu taladiisu waxay Xisbigii Waddani ku celinaysaa urur laga yaabo inuu soo bixi waayo.

Xirsi waa nooca meeshii u tagaba wixii hore burburiya oo wax isaga u dan ah sameysta, sidoo kale waxaa lagu sheegi karaa abaal laawe, marka laga qiimeeyo dadkii soo gacan qabtay iyo siduu uga digorogtay ama wuxuu ka sheegay.

Gundhigii Xirsi wixii kale oo dhan wuu ka hadlay waxaa u dhiman inuu Bulshada u faahfaahiyo Xasuuqii Kalshaale, kaalintii uu ku lahaa, siduu u abaabulay oo faraha dhiiga u darsaday iyo wixii uga jeeday oo ka faaiidayey. Si loogu aqoonsado MUJAAHID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here