Xisbiga mucaaradka ANC oo ka digay in Soomaaliya la siiyo ama loo xukumo Badda

Musalia Mudavadi kenya

Guddoomiyaha xisbga mucaaradka ANC ee dalka Kenya, Musalia Mudavadi oo magaalada Washington kula kulmay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa ka digay in Soomaaliya la siiyo ama loo xukmiyo kiiska Badda oo ay dacwaddiisu haatan hor taallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Mr Musalia ayaa sheegay haddii ay Soomaaliya ku guuleysato kiiskaas ay dhaceyo xasilooni darri, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii cadaaladda la garab maro oo la siiyo Somalia waxaa ay abuuri-doontaa xasilooni darro.” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Amani National Congress.

Sidoo kale wuxuu dalalka beesha caalamka ugu baaqay inay soo farageliyaan xiisada labada dal, gaar ahaan kiiska badda.

Guddoomiyaha xisbiga ANC ayaa xiisada labada ku tilmaamay mid qatar ah oo loo baahanyahay inaysan yareysan beesha caalamka.

“Beesha caalamka waa in aaney yareysan arrinkan oo aaney fududeysan sida shirkadaha waaweyn ee shidaal qodista damaca ugu jira aaney dhicisin dadaallada cadaaladda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Mudavadi.

Ugu dambeyn wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay dal tabar daran, islamarkaana hoy u noqon kara argagixisada.

Xiisada Soomaaliya iyo Kenya ayaa mareysa meeshii ugu darneyd, iyadoona dowladda Kenya ay daneyneyso in markale dib loo dhigo kiiskan oo dib maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ u dhageysan doono 4-ta bisha Novermber ee sanadkan 2019-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here