Xisbiga Tigree oo dalal shisheeye ku eedeyay in ay faragelin ku hayaan Itoobiya

ethiopia map

Xubin ka tirsan xubnihii aasaasay Xisbiga EPRDF ayaa dalal shisheeye ku eedeyay in ay faragelin ku hayaan Itoobiya

Xisbiga EPRDF ayaa talada dalka hayay muddo 30 sano ku dhaw.

Xisbiga Tigre oo qayb ka ahaa saddex xisbi oo sameeyey EPRDF ayaa khilaaf kala dhexeeyey dowladda Dhexe tan iyo markii uu xilka qabtay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Xisbiga Tigre ayaa horay ugu dhawaaqay in aysan ku biiri doonin xisbiga Abiy Ahmed.

Xisbiga ayaa kulan degdeg ah qabsaday Sabtidii iyo Axaddii la soo dhaafay.

Bayaan uu xisbiga soo saaray ayaa dalal shisheeye ku eedeyay in ay faragelin ku hayaan Itoobiya.

Warbixinta ayaanan lagu xusin wax magacyo ah balse waxay ururka Midowga Afrika ugu baaqeen in ay arrintan wax ka qabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here