Xizbullah oo ugu dambeyn gacanta ku dhigtay gantaaladii ay ka cabsaneysay Israel

xasan Nasrallah

Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa ugu dambeyntii gacanta ku dhigay Gantaaladii ay sida weyn uga cabsaneysay Israa’iil.

Hoggaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay inuu fashil kusoo dhamaaday isku dayo ay Israa’iil kaga hor tageysay in ururkiisa uu helo gantaalada la hago, wuxuuna intaas ku daray inay hadda gacanta ku heystaan laba laab tirada Gantaaladii ay heysteen sanad ka hor.

Hassan Nasrallah ayaa tilmaamay in ururkiisa uu hadda awood buuxdo u heysato inuu weeraro meel kasta oo kamid ah Israa’iil iyo dhulalka la heysto ee Falastiin.

Isagoo wareysi siinayey taleefishinka saldhiggiisu yahay Beirut ee Al-Mayadeen ayuu Nasrallah sheegay in markii ay Israel ugu hanjabtay Xizbullah, ayada oo usoo marineysa sarkaal Mareykan ah, inay weerereyso xarumo ku yaalla gobolka bari ee Bekaa, ay kooxdiisa ka digtay inay aargudan doonto.

Maamulka Israa’iil ee sida xoogga ah ku dagan dhulalka reer Falstiin ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aad uga digeysay warshad soo saarto Gantaalada la hago oo ay dhiseyso Xizbullah.

Nasrallah ayaa sheegay in siraha kooxdiisa Xizbullah ay yihiin kuwa aad u qarsoon isla markaasna aysan Israa’iil awood u laheyn inay wax badan ka ogaato sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayey madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo ee Trump ayuu sheegay in Donald Trump uu yahay madaxweyne waalan oo carreysan, wuxuuna sheegay inay si taxadar le ula macaamilayaan waqtiyada yar ee u haray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here