Xog: Biden oo maanta safiir cusub usoo magacaabaya Soomaaliya – Waa kuma?

Larry Andre us amb

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta safiir cusub usoo magacaabo Soomaaliya, islamarkaana beddelo safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto.

Xog ay saxaafadu heshay ayaa sheegeysa in madaxweyne Biden uu safiirka Soomaaliya u magacaabi doono danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda.

André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 20 2017 illaa January 20, 2021, isaga oo ka horna ahaa safiirka Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay 2014 illaa 2017.

André waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika.

Magacaabistiisa André ayaa imaneysa ayada oo xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay, islamarkaana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ay dhowaan ku hanjabtay tallaabooyin ay ka mid yihiin cunaqabateyn oo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka kadib markii ay sameysteen muddo kororsi laba sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here