XOG: Ciidamada Itoobiya oo la wareegay ammaanka Cabdirashiid Xidig iyo Seeraar

Cabdirashiid Maxamed Xidig

Ciidamo ka tirsan Milateriga dalka Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa la sheegay in ay la wareegeen amaanka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax oo labadooduba sheegtay in ay yihiin madaxweynaha maamulka Jubbaland kadib doorashooyin is diidan oo ka dhacay Kismaayo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Is-beddel doonka Jubbaland ee ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijiyay in labadan masuul, Xildhibaano iyo odayaal ka tirsan garabka Xidig iyo Seeraar ay amaankooda la wareegeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Kismaayo.

“Amaankayna waxaa masuuliyadiisa qaatay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee ku sugan Kismaayo waxaana arintaan ay timid kadib markii ay nasoo food-saartay cabsi iyo hanjabaadyo joogto ah” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan xubnihii doortay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale, ciidamada Itoobiya ayaa ku guuleestay in maamulka Jubbaland ay ka soo daayaan qaar yar oo kamid ah siyaasiin tiro badan oo u xiran maamulka Jubbaland, kuwaas oo la sheegay in ay qayb wayn ka ahaayeen xoogaga is-beddel doonka Jubbaland.

Ciidamada Itoobiya ayaa u ballan qaaday Seeraar iyo Xidig in ay xaqiijin doonaan amaankooda iyaga iyo inta kale ee ka tirsan dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee looga soo horjeedo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here