Xog Cusub oo laga helay diyaaradii Kismaayo ka degtay iyo cida iska leh

diyaarad

Dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan in diyaaraddii shalay ka degtay magaalada Kismaayo ee jebisay amarkii dowladda uusan lahayn maamulka Jubaland, sida uu sheegtay.

Jubaland ayaa sheegtay in diyaaradda ay kusoo iibsatay lacag ka badan laba milyan oo dollar, si ay u jebiso xayiraadda iyo amarada dowladda federaalka ee ka dhanka ah duulimaadyada Kismaayo.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in nooca diyaaradda tagtay Kismaayo ay tahay Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, islamarkaana ay u diiwaan gashan tahay shirkadda Skyward Express.

Skyward Express ayaa ah shirkad Kenyan ah oo uu leeyahay ganacsadaha reer Kenya ee Isaac Somo oo sidoo kale leh shirkadaha Jetways iyo Airworks – Labadan shirkad ayaa maalin kasta duulimaadyo shacab iyo kuwa khaat ku taga Soomaaliya.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa dhinaca kale sheegaya in diyaaradda ay u kireysan tahay shirkad uu leeyahay siyaasi iyo ganacasade Soomaali ah oo ku jira dowladda.

Wararkan ayaa sidoo kale sheegaya in Jubaland laga yaabo inaysan si toos ah usoo iibsan diyaaradda balse taa beddelkeeda ay iibsatay saami ka mid ah shirkadda uu leeyahay siyaasiga Soomaaliga ah, sidaas darteedna ay u awoodday inay adeegsato diyaaradda.

Dowladda Soomaaliya ayaa arirntan baaritaan ku haysa waxaana la filayaa inay go’aan kasoo saarto.

Wararkan ayaa weli isa soo taraya, waxaan idinla soo socodsin doonnaa wixii xog dheeri ah oo aan helno, Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here