Xog-hayihii IGAD ee uu magacaabay Abiy Axmed oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Workneh Gebeyhu iyo Maxbuub Mucalim igad

Xog-hayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay. Dr. Workneh Gebeyhu ayaa xilkaas kala wareegay danjire Maxbuub Mucalim, waxaana Workneh Xoghayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD loo magacaabay 22-kii bishii October ee sabadkan.

Waxaa jiray khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana la sheegayaa inay isku saf noqdeen dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen.

Dowladahaan ayaa si gaar ah isugu heystay cidda qabaneysa xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo Xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa si gaar ah u dooneysay in ay hesho xilka xoghayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD, halka dowladda Jabuuti ay dooneyso in ay hesho xilka Guddoomiyaha Ururka oo haatan uu hayo Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.

Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa loo badinayaa in la siiyo Kenya, waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo horay iskugu dayay in laga wada xaajoodo magacaabista Xoghayaha cusub ee uu sameeyay Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here