XOGTII U DAMBAYSAY EE SHIRKA GAROWE UGA SOCDA PUNTLAND IYO JUBBALAND

Deni iyo Madoobe

Waxaa Caawa la soo geba-gabaynayaa shirka Madaxda Puntland iyo Jubbaland uga socda magaalada Garowe ee Caasimadda Dowladda Puntland

Shirka oo saacadihii u dambeeyay cadaadis xooggan kala kulmay Beesha Caalamka, gaar ahaanna Safiirka Maraykanka u qaabilsa Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in laga soo saaro War-murtiyeed lagu diiddanyahay qodobo kamid ah heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Safiirka Maraykanka iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, oo maalmihii u dambeeyay dadaal ku bixinayay in ay dhex-dhexaadiyaan Puntland iyo Jubaland oo isku mowqif ah iyo Villa Somaliya, ayaa dhinacyada cadaadis ku saaray in ay mar kale wada-xaajood bilaabaan, si loo dhammeeyo tabashada Deni iyo Axmed Madoobe ka qabaan heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Waxaa dhex-dhexaadintii Beesha Caalamka ka dhalatay, in Deni iyo Axmed Madoobe lagu qanciyo in ay tegaan magaalada Muqdisho, islamarkaana Beesha Caalamku gar-wadeen ka noqoto Wada-xaajoodka labada dhinac.

Waxaa lagu wadaa in Talaadada soo socota oo ku beegan 1-da September ay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ka degaan magaalada Muqdisho, si loo bilaabo wada-xaajoodka Arrimaha Doorashada 2020/2021.

Deni iyo Axmed Madoobe, waxay Xerada Xalane kulan gaar ah kula qaadan doonaan Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto sidoo kale waxa xigi doona kulan u dhexeeya iyaga iyo Farmaajo, kaas oo diiradda lagu saari doono tabashada Puntland iyo Jubbaland.

Kulamadaas kadib, waxaa Muqdisho si rasmiya uga furmi doona shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo lagu turxaan-bixin doono heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo Puntland iyo Jubbaland ka maqnaayeen.

Waxaa xusid mudan, in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maalinta berriya dib ugu laaban doono magaalada Kismaayo, si uu wada-tashi ula soo sameeyo Golayaasha maamulkiisa, ka hor inta uusa Muqdisho u dhoofin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here