Xoogga dalka Somaliya oo burburiyey Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey

ciidamada danab1

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Buulo-Gaduud oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka, Gaashaanle, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen laba gaari ‘oo Al-Shabaab qaraxyo ku soo rartay’.

Maalin ayaa tilmaamay in gawaaridaasi ay ahaayeen Xamuul, gaar ahaan nooca Soomaalida u taqaano Yuudhii.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalkaasi ay ku dileen xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in qaraxyadaasi la doonayey in lagu dhibaateeyo ama waxyeelo lagu gaarsiiyo dadka shacabka ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Maalmihii ugu dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here