Xukuumaddii Ruushka oo gebi ahaanba iscasishay

Putin iyo raiisulwasaarihiisa

Xukuumadii Ruushka ayaa is casishay saacado kadib markii Madaxweyne Vladimir Putin uu soo bandhigay qorshe dastuurka wax loogaga bedelayo taasoo waqti dheer uu xukunka sii hayn karo.

Putin ayaa xilka ka degi doona sanadka 2024 xilligaa oo soo gabagaboobayo markii afaraad ee uu xilka dalkiisa loo dhaariyo.

Hase ahaatee waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in uu doonayo in si kale uga dhex muuqdo maamulka dalkiisa.

Khudbad uu u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Ruushka ayuu Putin ku sheegay in la qaban doono afti ku saabsan in awooda madaxweynaha loo wareejiyo Baarlamaanka.

Isbedelka ayaa siinaya aqalka hoose ee Duma mas’uuliyad sare sida magacaabista ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada.

Sharciga ka jira dalka Ruushka ayaa waxaa magacaaba ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada Madaxweynaha waxaana ansixiya aqalka hoose ee Duma.

Markii uu ku dhowaaqay in xukuumadiisu ay is casihay Medvedev ayaa waxaa uu Putin magacaabay Mikhail Mishustin inuu bedelo oo uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Ruushka.

Mr Putin ayaa Madaxweyne ku meel gaar ah noqday sanadkii 1999kii kadib markii uu is casilay Mr Yeltsin tan iyo xilligaana waxaa uu hogaaminayay dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here