Xulka Soomaaliya oo guul muhiim ah ka gaaray tartanka Cecafa Senior Challange Cup

xulka somalia

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa galabta ciyaar xiiso badneyd oo xulka Qaranka Burundi kula ciyaareen magaalada Kampala ee caaimada dalka Uganda kaga gaaray guul aad muhiim ugu aheyd.

Ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galeysa tartanka Cecafa Senior Challange Cup ee ka socda dalka Uganda ayaa hal gool iyo eber waxa ay uga adkaadeen Xulka Qaranka Burundi

Image may contain: 9 people, people standing and outdoor

Xulka Qaranka Soomaaliya gool qurux badan waxaa guusha ugu horseeday Ciyaaryahanka nomberka 10-aad u xiran ee Cumar Maxamed, waxaana guushan soo nooleesay rajada Xulka Soomaaliya ee tartanka.

Image may contain: 11 people, people standing and outdoor
Image may contain: 11 people, people standing, outdoor and nature

Soomaaliya ayaa hada leh 4-Dhibcood , waxaana kulanka ugu dambeeya ee Guruubka  Soomaaliya la ciyaari doontaa xulka kubada Cagta ee Eritrea oo wacdaro sanadkan ka dhigaya koobkan ka socda dalka Uganda.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Ciyaartoyda Soomaaliya ku matalaya tartanka Cecafa Senior Challange Cup ayaa u badan ciyaartoy laga soo xulay Qurbaha, waxa ayna ciyaartoydan kor u qaadayaan magaca Soomaaliya ee kubada cagta,

Somalia Vs Burundi

Slået op af Tusmo Media Inc i Fredag den 13. december 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here