Xuutiyiinta Yeman oo qabsaday saddex markab oo mid Sacuudigu leeyahay

ciidamada yemen

Maleeshiyada Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa shaaciyey in ay dhanka koonfureed ee Badda Cas “ku qabteen saddex markab oo midkood Sacuudigu leeyahay lana yidhaa Raabiq”.

Telefishanka Al-Masiirah ee Xuutiyiinta ayaa tilmaanay in dagaalyahannada kooxdaasi ay Saddexdaa Markab ku qabteen meel 3 Mayl u jirta jasiiradda Cuqbaan, markii ay soo galeen biyaha Yemen iyaga oo aan wax ogaysiis ah bixin”.

Telefishanku wuxu intaa ku daray in “dhegaha ay ka furaysteen shaqaalaha markaabiistaasi ilaalada xeebuhu tahay badheedh cad oo lagu jabinayo xeerarka caalamiga ah iyo ku xad gudub madaxbannaanida Yemen.”

Dadka Maraakiibta saaran ayaa waxay ka koobanyihiin 16 qof oo labo ka mid ah ay u dhasheen Dalka Koofurta Kuuriya, halka inta kale aan la sheegin waddamada ay ka soo jeedaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Koofurta Kuuriya ayaa xaqiijisay in muwaaddiniinteeda ay badqabaan islamarkaana ku jiraan gacanta kooxaha Xuutiyiinta ah.

Huwanta Sucuudigu hogaamiyo ayaa iyaguna mar hore xaqiijiyey in “Xuutiyiintu Badda Cas ku af-duubeen markab jiidayey agabka saliidda ka qoda badda oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed”.

Wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa iyaduna ka soo xigatay af-hayeenka xulufadaas, Turki Al-Maaliki, inu yidhi “ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa galabnimadii Axaddii dhanka koonfureed ee Badda Cas ku af-duubay markab”.

Xuutiyiinta Yeman ayaa ku andacooday in Doomahaan ay ku xadgudbeen biyaha Dalka Yemen ,lana geeyay Magaalada Xudeyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here