Yaad ka taqaan madaxda adduunka ee lagu qabtay iyaga oo dad xamanaya?

rw canada justin trudeau2

Inta badan waa talo dhaxal gal u ah siyaasiinta: waligaa ka foojignow aaladaha wax lagu duubo oo ha dhayelsan.

Balse tiro badan oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ka markhaati kacaya in taladaasi ay marar badan illaawaan balse ay kala kulmaan waji gabax.

Madax badan oo laga duubay codad sir ah iyaga oo xamanaya madax kale ama liidaya waddamo iyo shakhsiyaad kale ayaa arrintaasi waji gabax kala kulmay guud ahaan caalamka.

Tii ugu dambeysay ayaa ahayd ra’iisalwasaaraha Canada Justin Trudeau oo dhawaan laga duubay muuqaal isaga oo xamanaya kuna maadeysanaya madaxweyne Trumo oo ay ka wada qeybgalayeen shirka gaashaanbuurta Nato.

Hadallada aan loo fiirsan ee ay madaxda ka duubaan makaroofananda warbaahinta ayaa waji gabax iyo ceeb ka sokow, waxay madax badan kala kulmeen sumacad xumo siyaasadeed.

Dhacdooyinka noocaasi oo kale ah ayaa inta badan waxaa ka dhasha “dhibaato” diblomaasiyadeed. Haddaba halkan waxaan idin kugu haynaa shanta dhacdo ee aadka loo xusuusto oo ay dhacday in cod sir ah laga duubo qaar ka mid ah madaxda caalamka oo dad iyo waddamo kale xamanaya.

1. Ronald Reagan (1984)

fadeexad

Xilli lagu guda jiri dagaalkii qaboobaa ee adduunka oo xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeed ay mareysay meel xasaasi ah, ayaa hadal laga duubay madaxweynihii Mareykanka ee xilligaasi Ronald Reagan waxaa ka dhashay in xiisaddaasi ay ka sii darto.

Reagan oo wareysi toddobaadle ah laga duubayay ayaa inta uusan wareysiga billaabin waxa uu la kaftamay farsamoyaqaannadii idaacadda NPR, xilli la tijaabiyay aaladaha wax looga duubayo, waxa uuna si kaftan ah u yiri “Shacab weynaha reer Mareykan, waxaa farxad ii ah in aan maanta idiin sheego in aan saxiixay sharci abid mamnuucayo Ruushka. Waxaan muddo shan daqiiqo gudahood ah billaabeynaa duqeymo ka dhan ah.”

Hadalkaasi oo iska tijaabo ahaa, lagama sii dayn raadiyahaasi NPR balse codkaasi ayaa markii dambe loo dusiyay warbaahinta iyo shacabka Mareykanka.

Sidaa awgeed, waxaa markiiba si ku meel gaar ah heegan la geliyay ciidamadii Midowga Soofiyeed ee ku sugnaa bariga fog, waxaana hadalkaasi madaxweyne Ronald Reagan aad u cambaareeyay Midowgii Soofiyeed.

2. Jacques Chirac (2005)

fadeexad

Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska Jacques Chirac ayaa sanadkii 2005, waxaa laga duubay hadal la sheegay in uu ku liidayay cunnooyinka waddamada Britain iyo Findland, xilli uu booqasho ku joogay dalka Ruushka.

Sida uu daabacay wargeyska Libération ee dalka Faransiiska, siyaasigaasi rug caddaaga ah ayaa codkaasi laga duubay mar uu la hadlayay dhiggiisa waddamada Ruushka iyo Jarmalka, xilli ay ku sugnaayeen xaflad lagu maamuusayay 750 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska magaalada Kaliningrad ee dalka Ruushka.

Chirac oo aan filayn in makaroofonnadii hortiisa yiilay ay wax duubayaan ayaa sida la sheegay yiri “Marnaba ma aamini kartid dadka sidaa oo kale cunnada u kariyo. Marka laga soo tago Finland, Britain waa dalka ugu cunno karinta xun.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “waxa kaliya ee dowladda Britain ay u qabatay beeroleyda reer Yurub ayaa ah cudurka lo’da ku dhaca ee dhibaatada u geysta maskaxda lo’da.”

Inkastoo hadalkaasi aan warbaahinta laga sheegin, haddana mas’uuliyiinta warfaafinta u qaabilsan Chirac marnaba ma aysan inkirin. Waxaase dhacdadaasi ay ku soo beegan tahay xilli Britain iyo Faransiiska ay ku kala aragti duwanaayeen kharashka waddamada reer Yurub ay ku kabaan beeraleydooda iyo go’aankii Faransiiska uu uga baaqday in uu ku lugyeesho dagaalkii Ciraaq.

3. George W Bush (2006)

fadeexad

Sanadkii 2006-dii, ayaa xilli madaxda waddamada G8 uu shir uga socday magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka, waxaa cod sir ah laga duubay madaxweyne George W Bush oo la kaftamayo ra’iisalwasaaraha Britain ee xilligaasi Tony Blair.

Inkastoo Bush uusan hadal xanaf leh ku oran Blair, haddana kaftankii dhex maray labadani hoggaamiye ayaa waxaa aad u buunbuuniyay warbaahinta caalamka, waxaana sidoo kale ereyadii uu Bush adeegsaday summad looga dhigay Blair.

4. Gordon Brown (2010)

fadeexad

Ra’iisalwasaarihii hore ee Britain, Gordon Brown, oo sanadkii 2010 ka hadlayay magaalada Rochdale, oo ku taal England, ayaa waxay haweeney weydiisay su’aal ku saabsan heerka muhaajiriinta.

Dood kooban oo dhex martay ra’iisalwasaaraha iyo haweeneydaasi ka dib, ayaa ra’iisalwasaare Brown waxa uu galay gaarigiisa isaga oo uu wali ku xiran yahay makaroofon ay leedahay shirkadda warbaahineed ee Sky News.

Brown oo aan fiklayn in hadalkiisa la duubayo ayaa mid ka mid ah gacanyareyaashiisa u sheegay in dooddii dhex martay isaga iyo haweeneydaasi ay “ahayd mid aad u xun” wuxuuna sii raaciyay “ma ahayn in ay igu soo fasaxaan haweeneydaasi”.

Mar wax laga weydiiyay waxa ay haweeneydasi weydiisay ayaa waxa uu ku jawaabay: “Ah!, wax kastaa! Waa uun haweeeney macangag ah oo sheegtay in ay ka tirsanaan jirtay xisbiga Labour-ka…”

Gordon Brown ayaa markii dambe haweeneydaasi oo lagu magacaabo Gillian Duffy ku booqday gurigeeda, si uu hadalkaasi uga raalligeliyo. Sidoo kale isla arrintaasi ayuu raalligelin ka bixiyay mar uu wareysi siinayay BBC-da.

5. Nicolas Sarkozy

fadeexad

Sidoo kale, hadda ka hor ayaa madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo dhiggiisa Mareykanka Barack Obama ayaa cod laga duubay iyaga oo xamanaya ra’iisalwasaaraha Israa’ii Benjamin Netanyahu, xilli ay ka wada qeybgalayeen shirka waddamada G20 oo ka dhacayay dalka Faransiiska.

Madaxweyneyaashani ayay ahayd in ay si wada jir ah u qabtaan shir jaraa’id balse inta aysan billaabin ka hor, ayaa waxaa meesha isugu yimid suxufiyiin ka socda warbaahinta caalamka, waxaana bannaanka loo soo dhigay qalabka loogu tala galay turjumaadda luuqadaha oo ay ahayd in ay ku rakibtaan makaroofonnadooda basle waxaa loo sheegay in xoogaa ay sugaan. Haseyeeshee qaar ka mid ah weriyeyaashaasi ayaa markiiba billaabay in ay makaroofonnadooda ku rakibtaan qalabkaasi, waxaana u suurtagashay in ay cod ka duubaan Sarkozy oo Obama ku xamanaya ra’iisalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu isla markaana sheegaya in uusan jeclayn Netanyahu oo uu yahay nin beenaale ah.

Balse Obama ayaa ugu jawaabay “waa laga yaabaa in aad adigu soo nacday balse anigu waxaan ku khasbanahay in aan la macaamilo maalin kastaa”.

Muddo maalmo ah ayay warbaahinta Faransiisku ka aamusnayd arrintaasi, balse waxaa markii dambe lagu daacabay barta intarneedka ee Arret sur Images oo laga leeyahay dalkaasi Faransiiska.

Hadalkaasi Sarkozy ayaa muujinayay xiriirka sii xumaanayo ee Israa’iil kala dhaxeeyay Mareykanka iyo Faransiiska.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here