Yemen: Ciidamada dawladda oo dib u qabsaday magaalada Cadan

ciidamada yemen

Xoogagga daacadda u ah xukuumadda Yemen ayaa dib u qabsaday magaalada Cadan ee dhanka Koonfureed oo ay horaantii bishan ka saareen gooni u goosato ay markii hore xulufo ahaayeen.

Wasiirka warfaafinta, Mucammar Al-Eryaani, ayaa sheegay in ciidamada dawladda iyo maleeshiyaad taageersani si buuxda ula wareegeen magaalada oo ay markii hore qabsadeen madaarka iyo qasriga madaxtooyada.

Hase yeeshee mid ka mid ah taliyeyaasha maleeshiyaadka gooni u goosadka ah ayaa sheegay in ay weli gacanta ku hayaan magaalada badankeeda.

Dagaalka Cadan ka socdaa wuxu muujiyey khilaaf dhex yaal xulufada Sucuudigu hogaamiyo ee taageeraysa xukuumadda Yemen ee dagaalka Sokeeye ku jirta.

Sucuudigu wuxu taageeraa Madaxweyne Cabdirabbuu Mansuur Haadi, halka Imaaraad kuna taageerayo golaha ku meel gaadhka koonfureed ee gooni u goosadka ah oo ku eedeeya xukuumadda Haadi maamul xumo iyo xidhiidh adag oo ay la leedahay kooxaha Islaamiyiinta ah.

Saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey, labada dhinac waxa ka dhexeeyey is gaashaan buuraysi aan cago adag ku taagnayn oo ay kaga soo horjeedeen dhaqdhaqaaqa fallaagada Xuutiyiinta oo gacanta ku haya woqoyiga galbeed ee Yemen.

Dagaalka sokeeye ee dalkaa ka socdaa wuxu sababay in ay dhacdo masiibadii ugu ba’nayd ee aadamenimo oo dadka dalkaas 80% ay u baahdeen gargaar iyo nabadgelyo iyo 10 milyan oo qof oo ku nool cunno gargaar ah oo la siiyo oo keliya.

Cadani waxay tan iyo sannadkii 2015-kii u ahayd caasimad ku meel gaadh ah xukuumadda markii ay xoogagga Xuutiyiinta uga qaxday magaalada Sanca.

Qiyaastii saddex todobaad ka hor markii hogaamiye kuwa gooni goosadka ka mid ah ay dileen Xuutiyiintu, ayaa xoogagga difaaca nabadgelyada oo gacan saar la leh golaha ku meelgaadhka ah ee Koonfureed, oo Imaaraadku hub iyo lacag ba siiyaa ka qabsadeen magaalada Cadan xoogagga Sucuudigu taageero oo ay saddex maalmood ku dagaalamayeen waxaana ku dhintay tobanaan qof.

Gooni goosatadu waxay sidoo kale qabsadeen magaalooyin kale oo ku yaal koonfurta dalka oo ay ku jiraan Cataq oo ah xarunta gobolka Shabwah iyo Sinjibaar oo ah xarunta gobolka Abyan.

Laba maalmood uun ka dib markii ciidamo taabacsan xukuumaddu dib u qabsadeen magaalada Catag, ayaa Isniintii Imaaraadka iyo Sucuudigu wada jir u soo saareen war-murtiyeed ku baaqaya xabbad joojin iyo wadaxaajood ka bilaabma koonfurta Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here