Hadhaagii dagaalada sokeeye oo la filayo inay ka horyimaadaan go’aanka DF ka qaadatay duulimaadyada Kenya

haraagii dagaalka sokeeye

Sida ay sheegayaan ilo-wareed lagu kalsoonan karo waxaa goor dhow kulan deg deg ah Magaalada Kismaayo ku yeelan doona hadhaagii dagaalada sokeeye si ay u difaacaan go’aan hor leh oo Dawladda Federaalka Soomaaliya ka soo saartay duulimaadyada tooska ah ee diyaaradaha Kenya ay Kismaayo ku tegayaan.

Kooxdan ayaa ku ururay Magaalada Kismaayo si ay u difaacaan madaxweynaha aan sharciga ahayn ee isku caleemasaaraya Jubbaland.

Kulankan haraagu ku difaacayaan duulimaadyada Kenya ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Shariif Sheekh Axmed, Madaxeweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Cabdiraxmaan Cabdiskuur Warsame oo ah ninkii markii ugu horeysay Badda Soomaaliya kenya u saxiixay, Xildhibaano iyo Senatoro ka tiran Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dawladda Kenya oo boob ku haysa dhulka iyo badda Soomaaliya ayaa isticmaalaysa xubno siyaasiyiin Soomaaliyeed sheeganaya oo ka gacan siinaya inay qaadato Badda Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey ku qulqulayey magaalada Kismaayo.

Waxkasta oo ay soo saaraan shacabka Soomaaliyeed ayaa ka dheregsan ujeedka kooxdan, farsamada ay hadda ku socdaana waxay u shaqaysay xiligii Madaxweyne Cabdilaai Yuusuf, balse waqtigan wax saameyn ah kuma yeelan doonaan Bulshada dhexdeeda iyo beesha caalamkaba.

Dawladda Soomaaliya oo la filayo inay mamnuuci doonta qaadka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here