Home Blog Page 15

CIIDAMO HOR LEH OO ISRAA’IIL LOOGA DILAY QASA

gaza

Ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF ayaa ku warramaya in saddex ka mid ah ciidamadooda lagu dilay dagaallo shalay ka dhacay Qasa.

War qoraal ah oo saaka la daabacay, ayaa IDF waxa ay ku xaqiijisay dhimashada Sarreeye Gaas oo 22 jir ahaa, Saajin 19 jir ahaa iyo Taliye 36 jir ahaa.

Dhimashada ayaa ka dhigaysa tirada askarta Israa’iil ee Qasa kaga dhimatay 75 askari tan iyo markii uu dagaalka billowday.

HADDII NALAGU KALIFO GACMAHA LAABAN MAYNO

garaad jaamac garaad cali

Garaad Jaamac G.Ali ayaa yiri; “Ilaa Burco ayaanu socon karaynay Berbera-na waa xiri kari lahayn maalintii aanu iska soo erinay ciidanka Somaliland laakiin Nabadgelyo ayaanu door bidnay, haddiise nala deyn waayo gacmaha laaban mayno.”

ISIMADA SSC-KHAATUMO OO SOO SAARAY JAWAAB BAAQYADII NABADA

isimada ssc3

Golaha Sare ee Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa ka jawaabay Shirkii Beesha habarJeclo, iyagoo ugu baaqay Nabad iyo in la joojiyo Dagaalka.

ISIMADDA SSC OO AQBALAY BAAQII NABADA EE BEESHA GARXAJIS

isimada ssc

“Waxaanu soo dhawaynaynaa Baaqii ka soo baxay Beesha Garxejis , oo Taageeray Nabadii, Xagayaga nabada diyaar ayaan u nahay ,dadka Reer Guuraaga ee wada degen oo Naqa iyo Daaqa ka wada dhaxeeyo nin meel fog ka yimid wuxuu dhex wado(Dagaal) yaanay ku kadsoomin oo ha keeneen Fikir nabadeed”

QANIIMADDA SUBEER AWAL SOO SIDAAN JAMAAHIIRTA SSC HOW DIYAARGAROWDO

suldaan xasan iyo muuse

Beesha HABAR AWAL ayaa ku dhawaaqday inay ku soo biirayaan dagaalka xaqdaradda ah ee Muuse Biixi isagoo qabaail adeegsanaya ka wado jiida hore ee Maamuladda SSC-Khaatumo iyo Somaliland, hadda waxaa Jamaahiirta iyo Qalasyadda SSC-Khaatumo la ogeysiinayaan in Habar Awal keeni doonto qaniimo tii hore ka badan, oo ay ugu diyaargaroobaan Jiidaha hore ee dagaalka.

Tusaalle halkii aad Ciidankii Qaranka iyo Habarjeclo aad ka heli jirteen mobilada Niiclaha iyo Chines, Subeer Awal waxaad ka helaysaan Iphone 14, 15 ama Note10 GALAXY, faraatiyo iyo saacado qaali ah, Qoryaha ay sitaana waa cusub yihiin.

FG: Waxaa laydiin xusuusinayaa in markaad Fargaladda kala baxaysaan aad farahooda dhaawaca ka ilaalisaan.

2 CARUUR AH OO KU DHINTAY RASAASTA CIIDAMADA ISRAA’IIL

caruurta falastiin

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa ku warameysa in labo caruur ah ay ku dhinteen waxa ay ku sheegtay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen magaalada Jenin ee daanta galbeed.

Ciidamada Israa’iil ayaa howlgal ballaaran oo militari ka waday halkaasi. Wuxuu bilowday fiidnimadii Talaadada.

GO’AANKA HABARJECLO WUXUU LA MID YAHAY “HOOYOOY XUUX”

suldaanka habarjeclo

Wiil yar baa Buuryadiisa la soo baxay, markaasuu hooyadii ku yidhi, hooyooy xuux, markaasay ugu jawaabtay KII AABAHAABA WAX NAGA QAADI WAAYE NAGA FADHIISO, arintaas waxaa la mid ah Beesha Habarjeclo oo maanta Magaalada Burco kaga dhowaaqday colaad ka dhan ah Beelihii SSC ee soo baabiiyey Ciidankii Qaran ku sheegii gooni-u-goosatada ee 32 sano la ururinayey oo saraakiishiisii sida Awrta xeryaha looga ooday Laascaanood iyo Buuhoodle. Hadaad soo raacdaan waxba soo kordhin maysaan, hadaad ka hartaana waa dantiina.

Habarjeclooy xaraga dagaalan wuxuu burburiyey Ciidankii wiilashiina Cali Barre iyo Faysal Bootaan hogaaminayeen ee 8 bilood magaalada Laascaanood meel walba duqaynayey ee boqolaalka kun ee qoys qaxiyey oo aad sacabka u tumi jirteen, haddii maanta gubista iyo qaxu idiin dhibay, Dhulbahante xuduudiisu waa ilaa lebida GAATAMA, meeshii uu gubayo ama uu daaqsin xoolaad ka dhigayo waa rabitaankiisa cidna kala tashan maayaan.

SHACABKA SOOL, SANAAG IYO CAYN WAA KA GO’AN TAHAY DIFAACA MIDNIMADDA SOOMAALIYA, WAXAA IDIIN SUGAYA JAMAAHIIRTA, QALASYADDA IYO QULUSYADA OO AH KUWA FEEDHAHA QAAWAN EE SARAAKIISHA QABQABTA EE SOO DHAKHSADDA.

BEESHA HABARJECLO OO KU DHAWAAQDAY DAGAALKII MUUSE DABADA KA RIIXAYEY

shir habarjeclo burco 2023

Suldaanka guud ee Habarjeclo balbalaadhiyey goaamo Beeshu maanta ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah degaamada Maamulka SSC.

Suldaanku wuxuu ugu baaqay tolkii Habarjeclo gaar ahaan guud ahaana Isaaq in lagu soo duulay qarankoodii iyo calankoodii tawxiidku ku qornaa, sidaasi daraadeed qurbaha iyo gudahaba dagaal looga diyaar garoobo.

Suldaanka guud ee Habarjeclo wuxuu sheegay in maamulka Hargeysa u hiiliyey oo uu garab siiyey kuna ammaan yahay.

Habarjeclo muddoba waxay u fadhiday shir, shirkaas oo laga sugayey dhinaca ay go‘aanka u qaato, maadaama Suldaankii guud ee Habarjeclo go‘aamiyey dagaal lagu soo qaado Dhulbahante waxaa la gudboon Dhulbahante qodobadan.

1. Gudaha in difaaca deegaanka la adkeeyo, abaabulkana la laban laabo loona diyaar garoobo colaad daba dheeraata.

2. In qurba joogtu sii laban laabaan dadaalkooda.

3. Harti waa in uu u diyaar garoobaa xaaladaha colaadeed ee Habaryar, Isaaq iyo maamulkoodu soo dumayaan, maalmaha soo socda.

Way dhammaantay xilligii nabada laga hadlayey.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAHFURAY HIIGSIGA SOOMAALIYA EE 2060

xasan sheekh2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka.

Hiigsiga 2060-ka ayaa saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laa-laabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qaran ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.

3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO M CABDI WAARE XILKA KA QAADAY

madaxweyne waare

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd magacaabay ergey cusub, kaasi oo lagu beddelay Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Madaxweynaha ayaa Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sida ku cad wareegtadan oo ay goordhaweyd baahisay Villa Somalia.

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xil-saaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howl-gallada xoreynta dalka iyo Xasilintooda.

Madaxweynaha ayaa ergeyga cusub kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY