Home Blog Page 333

Justin Amash: Madaxweyne Trump wuxuu Soomaaliya ka fuliyey duqeymo badan oo dad lagu laayey

AlShabaab drone

Justin Amash oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ayaa ku eedeeyey madaxweyne Donlad Trump inuu duqeymo badan oo dhanka cirka ah ka fuliyey Soomaaliya, kuwaasi oo dad badan lagu laayey.

Justin Amash ayaa ku doodaya in madaxweyne Trump uu jabiyay rikoore uu awoodi waayey madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama.

Tan iyo markii uu xilka qabtay Donald Trump ayaa waxa sarre u kacay duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lagu bartilmaamedsado argagixisada, sida lagu sheego warbixino ka soo baxa duqeymahaasi.

Sanadkii hore ee 2019-ka ayaa waxa uu Mareykanku ka fuliyaya gudaha Soomaaliya duqeymo badan, kuwaasi oo Justin aamisan yahay inay ka heer sareeyaan kuwii sideedii sanno ee Barack Obama.

Sida ay muujinayaan tirakoobka duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay ka geystaan Soomaaliya ayaa waxa cel-celis ahaan ka badan duqeymihii 2019-ka.

Mareykanka ayaa 2019-kii gudaha Soomaaliya ka fuliyay duqeymo dhan 63, taasi oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee duqeymaha uu Mareykanku tan iyo sanadii 2011-kii.

“Madaxweynaha dagaal-diidka ah ee Donald Trump ayaa bilaabay duqeymo ka badan kuwa cirka iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay marka loo eego inta uu Barack Obama fuliyay dhamaan sideedii sano,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaannada Kongareska Mareykanka ayaa iyaduna ka fal-celisay hadalka Justin, iyada oo gebi ahaanba ka hor-timid erey bixintiisa uu ugu yeeray Trump ee ‘Dagaal-diid’.

Ilhaan oo qoraal kooban uga fal-celisay qoraalka Justina ayaa tiri “Trump ma aha dagaal-diid, kaliya wuxuu ku dheel-dheela khudbadiisa”.

Dhowrkii sanno ee u dambeeyay waxa marba marka kasii dambeysa sarre u kacayey duqeymaha uu Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya, tan iyo markii uu xilka la wareegay Donald Trump.

Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe galaan-gal xoogan kulahaa arrimaha Soomaaliya, xili lagu tirinayo inuu yahay ‘gacan siiyaha u weyn’ ee dowladda federaalka Soomaaliya, marka loo eego dhanka amniga iyo arrimaha deeq bixinta.

Iran oo digniin culus u dirtay Baxreyn iyo Imaaraadka, kadib xiriirka Israel

Javad Sarif Iran forminister

Dowladda Iiraan ayaa soo saartay digniin adag oo ku socoto Baxreyn iyo Iimaaraadka, kadib markii ay ku dhawaaqeen xiriir toos ah oo ay la yeelanayaan yuhuuda Israa’iil.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa ugu horeyntii si weyn u cambaareysay xiriirka Baxreyn ay la yeelaneyso Israa’iil, taasi oo lagu tilmaamay sharaf dhac weyn oo diiwaanka u galeysa hogaanka Baxreyn.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in Imaaraadka iyo Baxreyn ay qaadi doonaan mas’uuliyada cawaaqib xumada ka dhalata xiriirkaasi iyo weliba saameynta amni ee ka dhalan karta, gaar ahaan mida Khaliijka.

Sidoo kale madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani ayaa ka dhawaajiyey inay gobolka ka socdaan shirqoolo ay iska kaashanayaa maleegistooda Mareykanka iyo Isra’iil, midaasi oo ayna marnaba aqbali doonin xukuumadoodu.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in xukuumadoodu ay u taagan tahay ka miro-dhalinta xasiloonida gobolka iyo weliba xaqiijinta amnigiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ruuxaani ayaa hoosta ka xariiqay in cadaadiska Mareykanka ee ku aadan xiriirka Isra’iil uu gobolka u horseedi doono daan-daansi badheedh ah iyo xasilooni darro ay yuhuudu ku abuurto amaanka guud.

Hadalkan kulul ayaa imanaya xili ay soo baxeyso in Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu safar ugu ambabaxayo Washington si uu uga qeyb galo xaflada saxiixa heshiisyadii ay la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn.

Netanyahu ayaa hore ugu faanay xiriirada Baxreyn iyo Imaaraadka, kuwaasi oo uu ku tilmaamay ‘in bil gudaheed Israa’iil ay heshay labo heshiis oo taariikhi ah oo ay la galeen labo dal oo Carab ah’, taasi oo qeyb ka noqoneysa nabada gobolka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xiriirka Imaaradka iyo Baxreyn ay la yeeshen Isra’iil ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, iyada oo ururo siyaasadeed iyo hay’adaha bulshada rayidka ahba qaarkood ay sheegen inay gebi ahaanba diidan-yihiin heshiiska lala galay Israa’iil.

Beeraleyda jaadka Kenya oo farriin u diray dowladda Soomaaliya

qaad

Beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya ayaa sheegay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.

Qaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo ay u aheyd dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la’aan noqdeen.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen.

“Markii dowladda Soomaaliya ay qaaday xayiraaddii saarneyd badeecadaha la geeyo gudaha waddanka waxay ka reebtay jaadka, maalin walba waxaan Soomaaliya geyn jirnay 50 tan oo jaad ah taas oo u dhiganta 150 kun doolar maalintiiba , qaar badan oo kamid ah beeraleyda jaadka khasaare badan ayaa kasoo gaartay arrintaas, maxaa yeelay dakhliga kaliya ee aanu helno waa kan jaadka, anagu haddii aanu nahay beeraleyda jaadka iyo ganacsatada Soomaalida wax inoo dhexeeyo habayaraate ma jirto”

Kimathi Munjuri waxa uu intaasi ku daray in jaadka kaliya aanay Soomaaliya geyn balse ay sidoo kale badeecooyin ka soo iibsadaan dibna ugu soo celiyaan gudaha Kenya, ganacsigooduna uu yahay wax isdhaafsi.

“Haddii aynu iibino jaadka, annaguna waxaan soo iibsaneynaa badeecadaha kale ee laga helo Soomaaliya oo kalluunka uu kamid yahay. Kenya, kalluunka ugu badan waxaa uu uga yimaadaa Shiinaha, mana aragno sabab aynu Shiinaha uga soo qaadano kalluunka maxaa yeelay Soomaaliya oo aynu deris nahay ayanu ka heli karnaa kalluun badan oo wanaagsan, waxaa jira waxyaabo kale oo aynu Soomaaliya kasoo dhoofsan karno sida xoolaha nool iyo hilibkooda oo dalka Kenya ku yar,” ayuu yiri Kimathi.

Beeraleydka jaadka ee Kenya waxay sheegayaan inay tuhmayaan in sababta qaadka loo joojiyay ay tahay muranka xadka ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taasina aysan u wanaagsaneyn ganacsiga labada dal.

“Waxaaan dowladda aynu deriska nahay ee Soomaaliya ka codsan lahaa, haddii aan nahay reer Kenya in wadahadalada labada dhinac u dhaxeeya ee jaadka la xiriira loo arko mid muhiim ah oo la dedejiyo, si aynu dib ugu billawno ganacsiga jaadka.”

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo la hadlay mid kamid ah telefishenada maxalliga ee Kenya uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeen in la kala saaro arrinta badda iyo ganacsiga labada dal.

Madaxweyne kuxigeenka Kenya, William Ruto
Qoraalka sawirka,Madaxweyne kuxigeenka Kenya, William Ruto

“Waxaa dhacday xoogaa is-fahan la’aan ah oo u dhaxeeya dowladda Kenya iyo tan Soomaaliya sababa aan xiriir la lahayn arrimaha jaadka. Waad ogtahay arrimo la xiriira xudduudda ayay maxkamad noo geeyeen. Sidaa awgeed, waxay isku dayayaan in ay naga xiraan suuqa jaadka si ay shuruud uga dhigaan muranka xudduudda ee nagala dhaxeyso.” ayuu yiri Ruto.

Horraantii bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Somaaliyaa ay xaqiijisay iney dib usoo celisay diyaarad sidday jaad oo laga leeyahay Kenya oo lagu eedeeyay iney jabisay tallaabooyinka lagu xaddidayo fayraska corona, sida uu sheegay sarkaal magaciisa ka gaabsady oo dawladda ka tirsan.

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaasoo la sheegay inuu ku jiro kheyraad qiimo badan leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraaantii sanadkan mamnucday in la hakiyo duulimaadyada rakaabka iyo qaadka taasoo qeyb ka ahayd tallaabooyinka lagu xakameynaya fafitaanka fayraska Korona. Tan iyo markaasi dowladda ayaa dib u fasaxday duulimaadyada maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, balse xayiraadda qaadka ayaa wali taagan.

Maxay ka dhigan tahay in Khayre musharraxnimadiisa soo mariyo baraha bulshada?

kheyre16042020

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa baraha bulshada soo mariyey in uu yahay musharrax madaxweyne doorashada soo aaddan ee la filayo horraanta sannadka danbe inay ka dhacdo Soomaaliya.

Waxaana hadda konton maalmood laga joogaa markii baarlamaanka Soomaaliya hab muran dhaliyey ay sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen isaga iyo xukuumaddiisaba. Muddo yar kaddibna isla muuqaal uu barihiisa bulshada soo dhigay Khayre ayuu ku sheegay in wixii ka dhacay Golaha Shacabka ay aheyd sharci-darro isla markaana aan loo marin hab-raaca saxda ah ee xil ka qaadista xukuumadda.

Waxa uu ku adkaystay in xil ka qaadistiisa aysan xitaa ku jirin ajandihii kulanka Golaha Shacabka balse uu hadda qaatay in uu iscasilo isaga oo sida uu sheegay u tudhaya dalka isla markaana aan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato.

Khudbaddaas oo xilligaas baraha bulshada si weyn ugu baahday, mar kale ku dhawaaqistiisa musharraxnimo ee uu soo mariyey baraha bulshada ayaa dhalisay hadal hayn kale.

Sida caadiga ah musharaxiinta u sharraxan boosaska siyaasiga ah ee Soomaaliya ayaa badanaa ku shaaciya xaflad ay ka soo qayb galaan dad aad u fara badani, oo lagu qabto madal ama goobaha huteellada oo kale. Khayre se waa uu ka duwanaa oo waxa uu arrintaasi soo mariyey baraha bulshada isaga oo soo qoray:

“Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.”

Dadka wax iska weydiiyey arrintaas waxaa ka mid ahaa, Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Twitter ku soo qoray qoraal sidan u dhignaa, isaga oo is weydiiyey sababta uu xaflad u qabsan waayey.

“Degdegga iyo cabsida ka muuqatay qoraalkii Kheyre xalay soo dhigay facebook-giisa ee lala sugi waayay xaflad in loo dhigo maxaa loo fasiran karaa?! Nin magaaladii uu deganaa, Ra’iisul Wasaare ku noqday hal habeen xaflad ku dhigan waayay, sidee dal iyo dad in uu hoggaamiyo loogu aaminayaa?

Adan Aw Xirsi oo ka mid ah siyaasiinta aad ka u isticmaala baraha bulshada bulshada, soona noqday wasiir maamulka Jubbaland ah, isla sida oo kalena falanqeeya ayaa isna ku tilmaam muhiimadda Khayre uga dhigan tahay baraha bulshadu inayba yihiin, halkii laga magacaabay.

“Xasan Cali Khayre waa raysal wasaare laftiisa barta Twitter-ka lagu magacaabay. Sidaa darteed, yaab keeni mayso in uu murashaxnimadiisa madaxweynennimo isaguna baraha bulshada ka shaaciyo. Hase yeeshee, qaabka iyo meesha uu murashaxnimadiisa ku shaaciyey tilmaan wax ku ool ah kama bixin karto loo-qaateenninada iyo saamaynta murashaxnimadiisa.”

Dhanka kale waxaa BBC-du la xidhiidhay mid ka mid ah hawl wadeennada la shaqaynaya Khayre ee ka ag dhaw, oo magaciisa ka gaabsayd, ayaa sheegay in dhawr qodob ay ku qasbeen inay sidan ay yeelaan waxaana ka mid ah:

.
Qoraalka sawirka,Khayre waxaa uu ka mid ahaa saxiixayaashii heshiiskii Dhuusamreeb

“Ku dhowaad laba bil oo Ra’iisul Wasaare la soo magacaabi waayay, Xasan Cali Khayre waxa uu waayay cid uu xilka ku wareejiyo, talo ahaan waxaa la siiyay is sharrixiddiisa uu soo koobo oo uu ku dhawaaqo.”

Waxaa sida oo kale ay sheegeen in xaaladda Karoona ee dalku ku jiraa ay saamayn ku yeelatay inay dad badan meel isugu keenaan oo xaflad weyn ay qabsadaan.

“COVID-19: Xukuumaddii Xasan Cali Khayre waxay mamnuucday kulamada waaweyn, iyada oo maamulka gobolka Banaadir uu dhowaan cusbooneysiiyay go’aankaas iyada oo laga baqayo in wejiga labaad ee Covid-19 inuu dalka ku dhufto mar labaad.”

Waxaana uu intaasi masuulka ka tirsan hawlwadeennada khayre in sababta kale hawshan keentay ay tahay: “Xasan Cali Khayre oo waqti badan ku soo qaatay dalalka Galbeedka, kulama-dhaqameedka Soomaalida ee laga xadreeyo, madaxdana loo heeso waxa uu arkaa hab qadiim ah oo laga tagay wax badanna aan ku soo kordhinin siyaasada, sidaas darteedna ay uga filan tahay inuu si rasmi ah isu qaddimo.”

Dadka kale ee ka falceliyey musharraxnimada Khayre waxaa ka mid Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah musharraxa madaxweyne ee xisbiga Wadajir.

“Musharraxa cusub waan soo dhoweynaynaa, laakiin dhiibistii Qalbidhagax, weerarkii 17 Dec ee xarunta Wadajir, xil ka tuuristii Prof Jawaari, safar xannibkii labada madaxweyne iyo cunna qabateyntii Kismaayo masuuliyaddeeda ha qaato ama meel ha saaro. Mise isagoo og ayuusan haddana ogeyn?!” ayaa ku soo qoray bartiisa baraha bulshada.

Marka se loo eego dhanka faallooyinka laga bixiyey ku dhawaaqista musharraxnimada Khayre, waxay u muuqdaan in dad badani soo dhaweeyeen. Halka kuwa kalena ay durba sii mucaaradeen. Halka qaarna ayba kaftan ka dhigteen iyaga oo soo qaadanaya qaar ka mid ah ereyo ku jiray khudbadihii Khayre jeedin jirey.

Marka loo fiiriyo miisaan ahaan qolyaha illaa hadda caddaystay musharraxinimadooda intee gaadhsiisan yahay Khayre?

Dad badan ayaa qaba in Khayre maadaama uu soo noqday raysal wasaare oo tartan xooggan ku soo kordhin doono ololaha doorashada soo aaddan, isla markaana uu ka mid ka noqon siyaasiinta hadal haynta badan dhalin doona, hadday mucaaradad tahay iyo hadday olole tahayba.

Aw Xirsi ayaa se isagu qaba in aanay hawshu sidaa u cuslayn oo uusan Khayre waxba la gaar ahayn:

“Soomaaliya, lama sii saadaalin karo miisaanka murashax gaar ah, waxaase la cabbiri karaa xajmiga xerta uu murashax waliba miiska la iman karo. Markii xaalka raysal wasaare Khayre cabbirkaa la saaro, ma cadda inta uu ka heli kari doono taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo u muuqda kuwo uu udub dhexaad u yahay Madaxweyne Farmaajo oo isagaa un ku dul wareega. Tusaale ahaan, taageerayaasha Nabad iyo Nolol waxay horay u dayriyeen tiro siyaasiyiin ah oo kale oo markii hore la-mulkiileyaal u muuqday.” ayuu yidhi

.

Waxaana uu intaasi ku daray in sida oo kalena aan laga fili karin mucaaradkii kale inay taageero u muujiyaan ayna mucaaradi doonaan isla isagaba.”Dhinaca kale, mucaaradkii saddexda sano iyo barka naqdinayey dawladdii uu Khayre raysal wasaaraha ka ahaa, lagama rajeyn karo in ay horay isagii oo xafiiska ka soo tegay ka xambaaraan oo ay murashax madaxweyne ka dhigtaan. Taa micnaheedu ma aha in ay adag tahay in uu raysal wasaare Khayre yeesho miisaan shakhsi ah oo ay siyaasiyiintu qaar danahooda ka dhex arki karaan”

Khayre: magacaabistiisii iyo xil ka qaadistiisii

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 23-kii February xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Xasan Cali Khayre. Waxay ahayd maalin ka dib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyay.

Khayre ayaa haysta dhalashada dalka Norwey. Ka hor magacaabistiisii hore uma soo qaban xil siyaasadeed, balse wuxuu ahaa ganacsade iyo qof ka soo shaqeeyay arrimaha gargaarka Soomaaliya.

Wuxuu codka kalsooni ah ka helay 231 xildhibaan, 1-dii bishii March ee 2017-kii. Golihiisii Wasiiradana waxaa la ansixiyay 21-kii isla bishaas.

Muddadii uu xilka hayay, isaga iyo madaxweynaha waxay ahaayeen laba qof oo si wayn loo arkayey inay u wada shaqaynayaan, waxayna ku celcelin jireen in muddo xileedka dowladda ay isla dhameysan doonaan.

Khayre wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee Soomaaliya soo mara 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Arrimaha uu wax ka qabtay waxaa ka mid ah diiwaangelinta ciidamada. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo dhaqaalaha iyo dardargeklinta shaqooyiinka dowladda.

Balse, dadka ka faallooda arrimaha siyaasadad waxay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ay ku kala aragti duwanaayeen qabashada doorashada, oo hadda waqti kooban uu ka dhiman yahay.

Labada masuul ayaa ka qeybgalay shirkii Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen madaxda maamul Goboleedyada kaas oo looga hadlay in doorashada waqtigeeda lagu qabto.

Balse, maalmo ka dib shirkaas, 25-kii bishan July, baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay mooshin aan horey loo sii shaacin, taas oo muran iyo buuq ka dhex dhalisay xarunta baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay xil ka qaadista Khayre taas oo madaxweynaha uu aqbalay isla markiiba.

XIG: BBCSOMALI

Daawo: Mursal oo aqriyey qodob laga yax-yaxo oo ka dhan ah diinta islaamka oo la horkeenay

gudoomiyaha baarlamaanka-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiramaan

Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si caro leh kulanka golaha uga hor akhriyey qodobo ka hor imaanaya diinta Islaamka oo ku jira sharciga Jinsiga.

Sharcigan waxaa hor-geysay golaha wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji, balse waxaa ku gacan seyray guddoomiye Maxamed Mursal oo ku canaantay in aysan mar dambe hor-keenin golaha sharcigaas inta ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya diinta Islaamka oo uu goobta ka akhriyey.

Guddoomiye Mursal oo aad u careysan, isla markaana ka yax-yaxaya ayaa akhriyey qodobka afaraad ee sharcigaas, oo baneynaya (sinada) iyo waxyaabo kale oo ka fog ku dhaqanka diinta Islaamka, oo ay ka mid tahay inay isu tegi karaan qaniisiinta.

Waxa uu sheegay in marar badan ay ka xishoodeen in wax ay soo gudbisay wasiir Deeqa ay ka hor akhriyaan golaha, balse maanta ay ka fursan waayeen, maadaama lagu soo cel-celiyey golaha, iyadoo laga doonayo ansixin.

Sharcigan waxaa horay u meel mariyey golaha wasiirrada ee xukuumadii Kheyre, balse waxaa la marsiin waayey golaha shacabka oo marar badan lagu cel-celiyey sida uu sheegay guddoomiye Mursal.

“Sharcigan xukuumadii hadda dhacday markii ay ansixisay culumada Soomaaliyeed oo dhan ayaa ka hadashay, culumada qaarkood dadka sharcigan soo ansixiyey waxay ku sifeeyeen dad aan islaam aheyn, sidaas darteed waxaa loo xil saaray guddi uu madax ka yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka culumo Soomaaliyeedna ay ka mid ahaayeen, waa laga soo shaqeeyey sharcigii, waxaa loo yeeray wasiir Deeqa, iyaduna waxay ku adkeysatay in sharcigii ay soo qortay oo kaliya xukuumadda laga ansixinayo, sidaas ayuuna xukuumadda uga soo gudbay,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Intaas kadib waxa uu sheegay guddoomiyuhu inay isugu yeereen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, isla markaana uu guddigu isku raacay in ma’suulyada sharcigan uu qaato guddoonka galaha shacabka.

Waxa uu sheegay inay diyaariyeen culumo iyo quburo diyaarisa sharcigaas, markii ay soo diyaariyeen ay u gudbiyeen ra’iisul wasaare Kheyre.

“Culumada iyo sharci yaqaanada golaha shacabka ayaa wada fariistay, sharcigii waa la saxay dukumiinti ayey soo diyaariyeen, intaas kadib ra’iisul wasaaraha waxaan ku niri sharcigii waakan wixii khatarta ahaa waa laga saaray, ee wasiirada faraha halaga saaro, ee mar labaad xukuumadda haka soo ansixiso, hadana ra’iisul wasaaraha waxuu nagu yiri awood uma lahan wasiiradu inay wax ku soo darto ee adinku saa yeeleysan yeela,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Halkan hoose ka Daawo guddoomiye Mursal oo sharaxaya sharcigaas

https://www.facebook.com/watch/?v=1632680780215847&extid=mj7PGKroYN0JnJHh

Beesha caalamka oo dalbatay in shirka wadatashiga xubno kale lagu soo daro

beesha caalamka2

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka oo haatan uu shir uga socdo Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri, “Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka qayb-galka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.”

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ay rajeyneyso in saamileyda kale ee siyaasadda Soomaaliya ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, “si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.”

“Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.”

“Qoraalkan kasoo baxay beesha caalamka ayaa ugu dambeyntii lagu yiri, “Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.”

War-saxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo dalalka kala ah, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed oo dilay sarkaal caan ah oo ka tirsan Al-Shabaab

shabaab sarkaal

Ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay iney dileen xubin sare oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab kadib hawlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Ciidamada waxey baaritaan ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen degmoohyinka Bardaale iyo Awdiinle, waxeyna hawlgalkaas ku toogteen sarkaal caan ka ahaa deegaanadaas.

Sarkaalka la toogtay waxaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Macalin Cabdi (Ibraahim Ganeey), sidoo kale xubno u hadlay ciidamada ammaanka waxey sheegeen iney gacanta ku dhigeen hub iyo agab kale oo ay isticmaalayeen dagaalyahanada.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida wali kama hadlin sheegashada ciidanka ammaanka Koonfur Galbeed, waxaana jiray hawlgallo ay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay mudooyinkii dambe ka sameynayeen deegaanadaas.

Hawlgallada ka dhan ah Al-Shabaab ayaa si aan kala joogsi laheyn uga socda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana si wadajir ah u baacsanaya ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa maamullada, askarta Amisom iyo taliska guud ee ciidamada mareykanka qaaradda Afrika.

Wargeys caan ah oo shaaciyey khasaaraha soo gaaray ganacsatada Qaadleyda Kenya

qaad

Mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan Kenya ayaa kashifay xaddiga khasaaraha ay la kulmeen ganacsatada khaadleyda tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya xayiraad kusoo rogtay sida lagu cadeeyo xogo cusub oo la helay.

Daily Nation ayaa soo bandhigay tirada lacagaha ay qasaareen khaadleyda oo boqolaal kun oo dollar maalintii gaaraysa.

Sida ay fahamsan yahiin warbaahinta Kenya, Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus ayaa xayiraad ku sameysay maandooriyaha khaadka, waxaana sidoo kale jirta xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxeysa labada dale.

William Ruto ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ku eedeeyay iney xanibaadda khaadka ay dowladda Soomaaliya kaga dan leeyahiin iney cadaadis dhanka kiiska badda ku saaraan, wuxuuna ganacsatada khaadka ku booriyay iney ka fakaraan wax kale oo ay abuurtaan.

Dhinaca kale Peter Munya oo ah wasiirka Beeraha ayaa ka hor yimid hadalka madaxweyne ku xigeenka dowladda, wuxuuna kalsooni ku qabaa in madaxweynaha uu xal keeni doono.

Si kastaba xiisadda labada wadan ayaa lala sugi doonaa marka ay Soomaaliya ka baxdo marxaladda kala guurka ah, waxeyna dowladda Kenya isha ku heysaa hogaanka ay Soomaaliya soo dooran doonto iney kala heshiiyaan arintaan daba dheeraatay.

Dowlad Carbeed oo sharci darro ku tilmaantay taageerada ciidan ee uu Turkigu Soomaaliya siiyo

farmaajo erdogan

Dowlado Carbeed ayaa wada olole ka dhan ah wadanka Turkiga kaas oo si xoog leh uga soo horjeestay isbaheysiga ay la sameynayaan Yahuudda, waxeyna markaan dood ka keenayaan galaan-galka uu ku yeelanayo wadamada colaadaha kasoo kabanaya, sida Soomaaliya.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Racep Tayip Erdogan ayaa ku dadaaleysa iney dib usoo celiyaan saameyntii ay ku lahaayaan dalalka dibadda, waxaana lagu dhaleeceeyay xiriirka weyn oo ay la leeyahiin Soomaaliya.

Turkiga wuxuu taageero buuxda siiyay Soomaaliya, waliba dhanka militariga aad ayuu uga saaciday, taasna waxey keentay in Dowladda Jordan ay ku tilmaanto sharci darro.

Wargeyska The Jordan Times, oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dowladda, ayaa daabacay qoraal laga dheehan karo in lagu baaqayo dagaal ka dhan Turkiga oo ay sameeyaan dowladaha Carbeed iyadoo lasoo hadal qaaday saldhigyada ay ku leeyahiin Liibiya, Suuriya iyo Ciraaq oo ah saddex wadan oo carbeed.

Sidoo kale waxey warbixinta si toos ah u abaareysaa madaxweyne Racep Tayip Erdogan kaas oo lagu sheegay inuu xayeysiinayo awoodahooda.

“Turkiga wuxuu saldhigyo militari ku leeyahay wadamada Soomaaliya, Liibiya, Qadar, Ciraaq, Suuriya iyo waqooyiga Qubrus, dhamaantood ma heystaan ogolaansho sharci ah,” ayaa ka mid ahaa qoraalka wargeyska lagu qoray.

Turkiga waxey saldhigga ugu weyn ee meel ka baxsan wadankooda ka dhiseen Muqdisho, waxaa lagu tababaraa ciidamada Soomaaliya kuwaas oo si gaar ah ula dirira kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay furitaanka Shirka Wadatashiga DF iyo D Goboleedyada

villa somalia

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo Maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka Dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.

“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga dadaaleen ka soo qeybgalka Shirkan, iyadoo haatan loo dhan yahay kamira-dhalinta Shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka,” ayuu yiri Cabdirashiid.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegau Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu furitaanka Shirka ka hor kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, isaga oo qodob gaar ah diiradda saaray oo uu kala hadlay.

“Kulamadaas ayaa ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan mas’uuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Hadalkan ayaa laga dhadhasan karaa in macnihiisu yahay in shacabka codeeyaan, oo ay helaan awood ay ku doortaan kuwa matalaya, taasi oo madaxweynaha marar badan uu dalbaday.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY