Home Blog Page 334

Haweeneydii ay horey u afduubteen Al-Shabaab oo xil looga magacaabay Yurub

Silvia Constanca Romano6

Silvia Romano oo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Talyaaniga ayaa loo magacaabay danjiraha qaaradda Yurub ee la dagaalanka Islaam naceybka, sida ay maanta shaacisay Jariirada afka dheer ee La Repubblica.

Haweeneydan oo ay horey Al-Shabaab uga soo afduubteen gudaha dalka Kenya, islamarkaana muddo ku heystay Soomaaliya ayaa qaadatay Diinta Islaamka waxaana ay la baxday magaca Caa’asho, iyadoo marka la sii daayey dib ugu noqotay dalkeeda.

Silvia Romano ayaa haatan wixii ka dambeeya ka qeyb-qaadan doonto mashruuc uu ururka Midowga Yurub kula dagaalamayo Islaam-naceybka.

Sidoo kale waxa ay la shaqeyn doontaa ururada Fondazione L’Albero della Vita, Le réseau iyo Progetto oo iyana u xil-saaran arrimahaasi.

Mashruucaan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa lagu magacaabaa YES, iyadoo lagu taageerayo dadka la kulma dhibaatooyinka faquuqa ku saleysan ee caalamka.

Silvia Romano ayaa ololaheeda ka bilaabi doonto gudaha magaalada ay ku nooshahay ee Milan ee dalka Talyaaniga, waxayna gaarsiin doontaa dhammaan wadamada kale ee Qaarada Yurub.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka wadatashiga Muqdisho

Madaxda dalka

Waxaa saacaha soo socda lagu wadaa inuu si rasmi ah xarunta Villa Somaaliya uga furmo shirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo diirada lagu saarayo xaaladda guud ee dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furi doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo, iyadoona ay ka qeyb-galayaan Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa dhameystirka heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Is-jiid siyaasadeed ayaa muddo ka taagnaa qabsoomida shirkan, kadib markii uu sii xoogeystay is faham-waaga u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Shirka wada-tashiga Muqdisho oo aad isha loogu wada-hayo ayaa loo arkaa fursad muhiim ah, waxaana la filayaa in go’aan mid ah looga gaaro doorashada soo socota.

Si kastaba ha’ahaatee xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, iyada oo ay wax kasto bedali karaan go’aanada ka soo baxa shirka wada-tashiga ee ay caasimada ku leeyihiin madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Xasan Cali Kheyre oo ku dhowaaqay inuu yahay musharax madaxweyne

kheyre 2020

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kheyre oo qoraalkan soo dhigay bartisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in mudadii uu hayey xilka ra’iisul wasaaraha dalka wax-badan uu qabtay waxna ka bartay.

“Bismillah, Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Cali Kheyre.

Qoraalka Kheyre ayaa intaas ku sii daray, “Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS.”

Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in uu fahamsanyahay fursadaha caqabadaha la xiriira hoggaaminta dalka, islamarkaana uu ku hoggaamin doono karti, hufnaan iyo daacadnimo, hadii uu ka noqdo madaxweyne.

“Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan mar kale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

50-maalmood ayaa ka soo wareegatay markii xilka kulan buuq hareeyay looga qaaday Xasan Cali Kheyre, welina lama buuxin booskii uu ka baxay ee ra’iisul wasaaraha dalka.

Kheyre ayaa waxaa xilka ka qaaday baarlamanka 25-kii July, kadib markii ay isaga iyo madaxweyne Farmaajo isku qabteen arrimaha doorashada oo uu kaga soo horjeestay madaxweynaha, taasi oo keentay in Villa Somalia ay ka abaabusho mooshin.

Intii uu xilka hayey Kheyre, gaar ahaan muddooyinkii dambe, waxaa taageerayaasha madaxweynaha ay ku eedeyn jireen inuusan daacad u ahayn oo uu yahay musharax doonaya inuu xilka ka tuurto.

A/Madoobe iyo Qoor Qoor oo soo laabtay iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka

qoorqoor

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safarkii deg-dega ahaa oo ay shalay ku kala aadeen magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa Kismaayo uga qeyb galay aaska Allaha u naxariistee guddoomiyahii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo shalay salaadii Jimcaha kadib qarax is-miidaamin ah lagu dilay.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna galabta soo gaaray Muqdisho, kadib safar gaaban oo uu ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysay safarka uu Qoor Qoor ku tegay Nairobi, hase yeeshee wuxuu halkaas kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka iyo xubno uu ku jiro madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sabtidii maanta waxaa lagu waday in uu Muqdisho ka furmo shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, balse dib u dhac aan sababtiisa la shaacin ayaa ku yimid, iyadoo ay xusid mudantahay inay Muqdisho ka maqnaayeen Axmed Madoobe iyo Axmed Qoor Qoor.

Si-kastaba Muqdisho caawa waxaa ku wada sugan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, waxaana la filayaa inuu shirka si rasmi ah u furmo berri, haddii aysan iman caqabad cusub.

Shirka oo saddex goor oo horey baaqday ayaa lagu rajo weyn yahay inuu berri furmo, balse waxaa weli jira shaki iyo cabsi ku saabsan in arrimo lama filaan ah ay iman karaan, sidii dhowr jeer oo horey dhacday.

Sawirro Siyaasi Cali Sandule oo galabta hargeysa lagu Aasay

aas cali sandule7

Alle how naxariistee waxaa galabta magaalada hargeysa lagu aasay Siyaasigii caanka ahaa Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule), oo isla maanta magaaladaas ku geeriyooday.

Marxuum Cali oo ahaa ninkii qabsashaddii Laascaanood Ciidamada Somaliland u fududeeyey, ayaa sida caadada Somaliland ahaan jirtay waxaa la filayey in sida siyaasiyiinta la midka ah Aas Qaran loo sameeyo, balse waxaa galabta Aastay ehelkiisii, iyadoo wax masuuliyiin ah uu ka qayb galay Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo isagu si weyn uga muuqday goobtii Aaska ee Marxuum Cali Sandule.

Ilaahay how naxariisto marxuum Cali, heladiisiina samir iyo iimaan haka siiyo.

Daawo Sawiraddii Aaska:

Siyaasi Cali Sandule oo maanta hargeysa ku geeriyooday

calisandule

Alle how naxariistee waxaa maanta Magaalada hargeysa ku geeriyooday Siyaasi Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo ka mid ahaa xubnihii dhiigooda iyodhuuxooda u shubay Somalilandnimada.

Cali wuxuu Somaliland ka soo qabtay xilal kala duwan, balse waxaa caado a in xubnaha ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Somalilandnimada dhuuxoodau shuba ay aakhirka ciil iyo caro hargeysa ugu geeriyoodaan, taas oo markii ay dhintaan Aas Qaran loogu sameeyo.

Cali Khaliif Galaydh ayaa iminka u muuqda inuu noqday siyaasiga reer Sool ee Ciilka iyo carada hargeysa la joogi doona mudada cimrigiisa ka harsan, iyadoo lagaga baxay heshiisyadii laa galay ee uu Khaatumo ku soo burburiyey, wuuuna hadda hargeysa ku sugayaa AAS QARAN IYO CALANKA SOMALILAND oo lagu aaso.

Marxuum Cali Sandule oo ay caruurtiisu diideen in Aas qaran loo sameeyo ayaa hada loo sii sidaa xabaasha.

Sheekh Soomow oo Goodax Barre ugu baaqay inuu towbad keeno

xildhibaan goodax barre

Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo kamida Culimada magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre, xili uu ka hadlayey natiijada imtixaankii sanadkan.

Sheekh Soomow ayaa si gaar ah u naqdiyay hadal kasoo yeeray Goodax Barre, isagoona weerar culus ku qaaday, islamarkaana sheegay inuu gef weyn ka galay ardeyda reer Muqdisho.

Natiijadii kasoo baxday imtixaankii dowladda ayuu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, iyada oo ay ku dhaceen kumanaan ardey ah oo u badan gobolka Banaadir.

Wuxuuna madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu soo fara-geliyo arrintan, isla markaana dib loo qaado imtixaanka, xili ay fadeexad xoogani dul hooganeyso mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada kadib shaacintii natiijada imtixaanka. 

Soomow ayaa Wasiir Goodax usoo jeediyay in uu towbad keeno, maadama uu sheegay “cilmi baare Computer geliyay axaadiistii Nebiga NKKH uu soo saaray in cimrigiisa iyo tirada axaadiista aysan is keeni karin”, sida uu hadalka u dhigay.

 “Wasiir Goodax Jahli buu ku hadlay, Xukun baadil ah buu riday, aqoon la’aan Nabiga NNKH sharaftiisa, qiimahiisa iyo diintiisa aqoonin buu ku hadlay, wuxuu ku dhiiraday Axaadiista Nebiga, waxaana ugu baaqeynaa Alle u towbad keen, jidka aad furtayba waa jid xun” ayuu yiri.

Sheekh Soomow ayaa ku biiray guux xoogan oo looga soo horjeedo wasiir Goodax, kaasi oo ka dhashay natiijadii imtixaanka dugsiyada sarre ee dhawaan ay shaacisay wasaaradu.

Xiisad xoogan ayaa ka dhalatay natiijada imtixaanka dalka ee sanadkan oo ay ku dhaceen 8-kun oo Arday oo kamid ahaa 33-kun ee imtixaanka u fadhiistay, kuwaasi oo u badnaa gobolka Banaadir.

Trump oo shaaciyey heshiis nabadeed oo ay gaadheen Israel iyo Baxrayn

trump3

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyey in Israel iyo dalka Baxrayn ee Khaliijku ay gaadheen heshiis meel mar ah oo ay si buuxda ugu hagaajinayaan xidhiidhkooda.

“Waa dalkii labaad ee Carbeed ee muddo 30 maalmood gudahood ah nabad la qaatay Israel” ayuu ku yidhi qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay Twitter-ka.

Muddo tobanaan sanadood ah ayaa dalalka Carbeed badankoodu go’doomiyeen Israel iyaga oo ku akdaysanayey in ay xidhiidh la yeelan doonaan oo keliya marka khilaafka u dhexeeya Falasiiniyiinta la xaliyo.

Laaliin bishii hore ayaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabtu wuxuu aqbalay in uu xidhiidh la yeesho Israel.

Ma jirin wax hadal hayn ah oo ku saabsanaynd in Baxrayn ku dayan doonto Imaaraadka.

Trump oo bishii Jeeniweri soo bandhigay qorshihiisa nabadda Bariga Dhexe oo lagu doonayo in lagu furdaamiyo khilaafka Israel iyo Falastiiniyiinta, ayaa labadan heshiis ba ka odayeeyey.

Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa Jimcihii sheegay in uu “la dhacsan yahay” in “heshiis kale oo nabadeed” ay la gaadheen dal kale oo Carbeed.

“Waa waa cusub oo u baryey nabadda. Nabad baa nabad dhalisa, dhaqaalena dhaqaaluu kaabaa. Sannado badan ayaanu nabadda gelinay dedaal lagu gaadho, haatanna nabaddii ayaa midhaheedii noo dhashay” ayuu yidhi.

Baxrayn waa dalka Afraad ee Carbeed ee ku yaal Bariga Dhexe – marka lagu daro Imaaraadka, Masar iyo Urdun- ee aqoonsada Israel tan iyo markii la aasaasay dalkaas 1948.

”Maanta waxa la gaadhay heshiis kale oo taariikhi ah” ayuu Trump ku qoray boggiisa Twitter-ka waxaanu intaa ku daray ”Labadayada saaxiib ee waaweyn Israel iyo Boqortooyada Baxrayn ayaa gaadhay heshiis nabadeed.”

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale qoraalladiisaa uu Twitter-ka ku baahiyey ku lifaaqay nuqul ka mid ah warbixintii ay soo wada saareen saddexda hogaamiye – Trump, Netenyahu iyo dhaxal sugaha taajka Baxrayn Salmaan Bin Xamad Aal-Khaliifa.

Dhawaanahan ba cabsi ay si wada jira uga qabaan Iran, ayaa dhalisay xidhiidho aan rasmi ahayn oo labada dal yeeshaan.

Benjamin Netanyahu iyo Salmaan Bin Xamad Aal-Khaliifa
Qoraalka sawirka,Benjamin Netanyahu iyo Salmaan Bin Xamad Aal-Khaliifa

Bishii hore ayaa duulimaadkii ugu horeeyey ee diyaarad rayid ah oo ka kacday Israel caga dhigatay Imaaraadka, arintaas oo loo arkayey in ay tahay talaabo weyn oo loo qaaday dhanka xoojinta xidhiidhka labada dal.

Wiilka Madaxweyne Trump soddoga u yahay sidoo kalena ah la taliyehiisa, Jared Kushner, oo diyaaraddaa la socday ayaa ku tilmaamay heshiiskaa Imaaraadk inuu yahay mid ” gebigiisaba bedeli kara majaraha Bariga Dhexe.”

Jared Kushner

Baxrayn ayaa todobaadkii hore sheegtay in ay duulimaadyada rayidka ah ee u kala gooshaya Israel iyo Imaaraadka u ogolaanayso in ay hawedeeda maraan.

Trump ayaa lagu wadaa inuu Salaasada Washington ku qabto xaflad si rasmi ah loogu saxeexi doono heshiiska Israel iyo Imaaraadka.

Sannadkii 1999 ayaa dalka Mauritania ee ku yaal woqooyiga galbeed ee Afrika oo ah dal xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta uu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeeshay Israel, laakiin wuxuu xidhiidhkaa u jiray sannadkii 2010.

Dalkii labaad oo Khaliijka ah oo maanta xiriir rasmi ah la yeelanaya Israel

boqorka Bahrian iyo trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta ku dhowaaqo in Bahrain ay noqon doonto dalkii labaad oo ka mid ah Khaliijka oo xiriir la yeesha Israel kadib Imaaraadka Carabta.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay wargeyska Times of Israel in Trump uu warkan Aqalka Cad kaga dhowaaqi doono 1:00pm xilliga saacadda bari ee Mareykanka.

Boqortooyada Bahrain, oo ah dal aad u yar oo xuduud la leh Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa muddo la filayey inay noqoto dalkii labaad ee Khaliijka ah oo xiriir la yeesha Israel, maadaama muddo ay isku dhowaayeen Yahuudda.

Trump ayaa shir jar’aaid oo uu qabtay Khamiistii ku tusmeeyey in dal labaad uu kula biiri doono Imaaraadka Carabta xiriirka Israel, oo lagu saxiixi doono munaasabad ka dhaceysa Aqalka Cad 15-ka September.

“Toddobaadka soo socda waxaan Aqalka Cad ku saxiixi doonnaa heshiiska Imaaraadka iyo Israel, waxaana macquul ah in dal kale uu nagu soo biiri doono,” ayuu yiri Trump.

“Waxaad arki doontaan dalal kale oo si is-xig xiga u iman doono muddo kooban, waxaadna arki doontaan Bariga Dhexe oo nabad ah,” ayuu yiri Trump. Trump ma shaacin xilligaas dalka labaad ee ku xigi doona Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu wada-hadal la leeyahay Sacuudiga. “waxaan la hadlay boqorka Sacuudiga, wada-hadallo ayaa socda, balse waa billow,” ayuu yiri.

Sacuudiga waxay horey u sheegeen inay xiriir la yeelan doonaan Israel kaliya haddii Falastiin loo ogolaado inay dal noqoto.

Mareykanka oo war cusub kasoo saaray kulanka DF iyo maamul goboleedyada

US embassay

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn u bogaadisay imaatinka ay madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ku yimaadeen caasimadda si loo dhameeyo wadahadallada.

Safaaraddu waxey aaminsan tahay in imaatinka madaxweynayaasha ay tahay wax weyn isla markaana ay ka shaqeyn doonaan dhameynta wadahadalladii socday iyo hirgalinta hab walba oo la isku raaco iney doorashada u dhacdo.

Qoraalka lasoo dhigay twitter-ka waxaa si gaar ah loogu taabtay doorka uu madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ku leeyahay shirarka lagu xalinayo mugdiga jira ee ku saabsan arrimaha doorashooyika, si la mid ah bulshada reer Galmudug ayaa qoraalka lagu xusay.

“Waxaan boorineynaa in madaxweynayaasha maamul goboleedyada ay Muqdisho u joogaan soo gabagabeynta wadahadallada iyo bilowga hirgalinta hab la isku raacsan yahay oo horay loogu sii wado doorashooyinka, waxaan madaxweyne Qoor-qoor uga mahad celineynaa shaqadiisa adag iyo doorka taariikhiga ah oo ay dadka reer galmudug ku leeyahiin geeddi u socodka doorashooyinka” ayey safaaradu ku qortay twitter-ka.

Shirka ay yeelanayaan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa baaqday shalay oo Khamiis ah, waxaana la rajeynayaa inuu sabtida furmo inkastoo aan muddeyn rasmi ah la sameyn wali.

Lama oga doorka ay shirkaan ku yeelan karaan asxaabta mucaaradka, sidoo kalana waxey dadka oo dhami sugayaan waxa kasoo baxa.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY