Home Blog Page 420

Howlgallo dad badan lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyey Galmudug

Ciidanka xoogga

Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan howlgallo ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen agagaarka magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska  guutada 15-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu eedeeyey inay duugis ku sameeyeen baraago biyo laga cabo iyo duminta guryo la daganaa.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in ujeedka howlgalladaan uu ahaa kuwo lagu xaqiijinayey amniga deegaanadaasi, si looga hortago colaad beeleedyo ka jira halkaasi.

“Iyadoo Laga Jawaabayo Fariimo bulsho oo laxariira Adkeynta Amniga Aaga kusuntan inaan hub lagu qaadan karin cabir fogaantiisuna tahay 18km oo Jiha Kasta uga baxsan degmada balanbal ayaa si loo fuliyo waxaa howlgal aagaas ka sameeyey Ciidamada Guutada 15aad waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay dad lagu soo eedeeyey inay ka danbeeyeen duugis lagu sameeyey baaraago iyo guryo la dumiyey” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Guutada 15-aad ee deegaanada Galmudug.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo looga hortagayo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

DF Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay warar warbaahinta Kenya ka qoreen hayada NISA

astaanta soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay warbixin been abuur iyo gef ah oo shalay ay laba wargeys oo kasoo baxa dalka Kenya ka qoreen hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Labadan wargeys, ayaa ayaga oo adeegsanayo warqad la been abuuray oo ay ku sheegeen caddeyn, waxay daabaceen warbixino ay ku sheegeen in NISA ay xiriir la leedahay Al-Shabaab, islamarkaana sarkaal ka tirsan uu 1.5 milyan oo dollar siiyey sarkaal Shabaab ah.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay faafinta warar been iyo marin-habaabin ah oo ku saabsan Haya’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) oo ay daabaceen The Star (Kenya iyo Standard Media (Kenya).

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay “si xoogan u naqdineyso weerarada aadka u xun iyo olalaha gefka ah ee lagu beegsanayo dowladda iyo hay’adaheeda.”

“NISA waxaa ka go’an dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna dambi u aragtaa warka ceebeynta ah ee wareegaya baraha bulshada, ayada oo la isku dayayo in la sumcad dilo hay’adda.”

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo wareejinta iyo daabacaadda wararka la been abuuray ee la xiriira NISA.

“Waxaan sidoo kale ku boorineynaa shacabka iyo hay’adaha warbaahinta inay muujiyaan go’aan qaadasho wanaagsan ka hor inta aysan sii faafin ama dib u daabicin wararka marin-habaabinta ah ee aan la xaqiijin.”

Caasimada Online ayaa baaris ku sameysay asalka been-abuurka labadan wargeyska, iyo halka ay ka keeneen wararka ay ka faafiyeen NISA.

Hoos ka aqriso qoraalka dowladda Soomaaliya.

Turkiga oo ka hadlay eedaynta in ciidamada ay DF u tabobaraan lagula dagaalo M/Goboleedyada

gorgor ururka 4aad3

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmax ayaa ka hadlay waxa ay kala socdaan in ciidamadii ay soo tababareen loo adeegsaday dagaalo siyaasadeed oo ka dhacay gobollada Gedo iyo Galgaduud.

Safiirka oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in ay ka war hayeen in gobolladaas la geynayo ciidamada, isla markaana aysan aaminsameyn in ciidamadaasi ay ku lug yeesheen dagaal sokeeye oo ay dhacdadaas u arkaan amar guud.

“Marka hore waxaan rabaa in aan sheego annaga waxaan dhiseynaa Soomaaliya iyo ciidankeeda qalabka sida, halkaana kuma dhiseyno ciidan aan anagu leenahay, is kaashiga militeri ee naga dhexeeya anaga iyo Soomaaliyana waa mid aad muhiim u ah, markii aan tababarno askarta waxaan xafladda qalin jebinta ku casuumnaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Intaas kadibna dowladda Soomaaliya ma siino tilmaamo ku aadan halka ay u adeegsan doonaan ciidankan, sababta oo ah ma lihin maamulka dhaq-dhaqaaqyada howlgelinta oo kaliya waxaan u tababarnaa ciidamada, dowladda Soomaaliya ayaana iska leh go’aamada la xariira adeegsiga ciidamada, fal-celinta iyo dhaleeceyna ciidamadii la geeyay gobollada aan kasoo hadalnay, waxaan ku aragnay wargeysyada iyo baraha Internet-ka, marka arintan waxaan u aragnaa in siyaasadda xukuumadda ay tahay mowduuc ay leedahay Soomaaliya.”

“Ma faro gelin karno, mana faro geli doono arrimaha gudaha Soomaaliya oo waxaan ka taaganahay dibadda, laakiin hadii ay jiraan dhaliilo ama siyaasado is diidan waa in ay ka doodaan Soomaalida dhexdeeda oo ay is xaliyaan,” ayuu yiri Mehmet Yılmaz.

Safiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay howsha saldhigga militeri ee Turkisom ee ku yaalla Muqdisho, waxuuna sheegay in lagu tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si gaar ahna sare loogu qaado tayada ciidanka militeriga Soomaaliya.

“Illaa hadda ciidamada xaruntaas ka qalin-jebiyey ayaa kala ah, hal xilli waxbarasho oo ay ka qalin jabiyeen saraakiil iyo hal xilli waxbarasho oo kale oo ay ka baxeen saraakiil xigeeno, waqtigaana waxaa xarunta si xoog leh uga socda tababar lagu soo saarayo guurooyin ka mid ah militeriga Soomaaliya, ”ayuu yiri safiirka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Tababarka guutooyinka ciidanka xoogga Soomaaliya ee aan soo saarno waa sidan, marka hore waxaan xeradan Turkisom ku siinaa tababar aas-aasi ah, kadibna anaga oo u kala qaadeyna koox-koox ka kooban 350 askari ayaan u dirnaa dalka Turkiga, si ay halkaas igu soo qaataan tababar militeri oo hor marsan, kaas oo ah dhanka dagaalka,

“Dalka Turkiga markii ay tagaan askartan waxaa lasiiyaa tababar dhanka Kumaandooska ah, marka ay soo dhameystaan waxbarashadooda waxaan askartan ku wareejinaa wasaaradda difaaca Soomaaliya, askartan aan tababareyno waxay ka koobanyihiin illaa 10 guuto ama 5,000 oo askari, hada qiyaastii 2,000 ayaan siinay tababar dhanka Kumaandooska ah, markii aan dhameystirno barnaamijka tababarka guutooyinka, waxaan sii socon doona tababarka saraakiisha ciidamada,” ayuu yiri.

Laascaanood: Khamri la qabtay iyo Saraakiil looga baqayo inay Saldhiga jabsadaan

lasanod

Booliiska Magaalada Laascaanood ayaa la sheegayaa inay labo habeen ka hor ay gacanta ku dhigeen Khamri aad u tiro badan oo isugu jira dhalooyin iyo jirikaano.

Khamriga iyo dadkii watay ayaa lagu hayaa Saldhiga Booliiska.

Dhanka kale waxaa cabsi xoogle laga qabaa in Saraakiil ka tirsan Saldhiga 7-aad ay weerar ku soo qaadaan Saldhiga Booliiska oo ay xoog kula baxaan eedaysaneyaasha iyo Khamrigaba, arintan oo ah mid ay horey u sameeyeen oo aan waxba laga qaban.

Shacabka Laascaanood ayaa dhegta u taagaya xiliga Saldhiga la jabsan doono.

Dadkii Somaliland diirtay ee Xasuuqii Kalshaale geystay Jamhadnimo laga yeelimaayo

siilaanyo xirsi suleymaan iyo qabyaalad

Waxaa muuqata in Beesha dhexe ee Somaliland aanay waxba dhaafaynin  oo markay 29 sano manfac, mansab iyo dhulba ay Somaliland diirteen ay hadda bilaabeen inay Jamhadnimaddii keliya ee Reer Khaatumo u hadhsanayd ugu yimaadaan oo ka bililiqaystaan.

Waxwalba waxaa ka sii daran khibrad la’aanta iyo mabda xumada, Jamhadaha Reer Khaatumo waxay ka hadlaan midnimadda Soomaaliya, weligood Somaliland ma dhaafin oo waxay ka dagaalamaan Gobolka Sool iyo Buuhoodle, halka kuwa beesha dhexe ay ka hadlaan askari la bedelay, mushahar la jaray iwm, saldhigyadoodana QARDHO ayaa ugu sokeysa.

 Ma haboonayn  in Qoladda HABARJECLO ee labada sano xukunka ka maqnayd ay maanta Jamhadnimo bilaabaan, haddiise ay ka maarmi waayeen ha ogaadeen in degaamada SSC abaalka u yaal uu yahay Xasuuqii Khalshaale, isku dirkii beelaha iyo cabudhitintii Laascaanood ee CAAGLAHA LOO ADEEGSADAY, iyadoo la raacayo nidaamka dhexdooda isku cabudhi.

Sax maaha in Somaliland noqoto meel 3 habrood ku legdamaan, HABAR-YOONIS, HABARJECLO IYO HABAR-AWAL, waxba kuma jabna inaan dhowaan aragno JABHADDA HABAL-AWAL. Wax la aqbali karo maaha in sadexdii habrood ee Somaliland diirtay ay maanta Jamhado u sameystaan.

MAAMUL AMA JAMHAD WAXAA YEELAN KARA REER SSC, SIDAASDARTEED SHACABKA GOBOLADDA SOOL, SANAAG IYO CAYN WAXAA KU WAAJIBA INAY HABARTII SOMALILANDNIMADA KU CAASI-GAROWDA AY XUKUUMADA KA CAAWIYAAN SIDII SHARCIGA LOOGU SOO DABAALI LAHAA, SIDOO KALE ISIMADDA WADAHADALKA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND KU HADAAQAYA EE LAFTA TOOBINKA KU HAYA.

Jabuuti: 141 qof oo maanta laga helay COVID-19 iyo hal sabab oo kordhisay kiisaska

Djibouti flag

Tirada dadka uu ku dhacayo cudurka Coronavirus ee dalka Jabuuti ayaa sare usii kacday, ayada dowladda ay maanta shaacisay in xanuunkan laga helay 141 qof oo kale, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

141-ka qof ee cudurka laga helay ayaa ka mid ahaa 1,560 qof oo cudurka laga baaray 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Waa tiradii labaad ee ugu badneyd ee maalin qura laga helo cudurka COVID-19 ee dalka Jabuuti. Tiradii ugu badneyd maalin qura ayaa la diiwaan geliyey shalay, taasi oo ahayd 156 qof.

Wasaaradda caafimaadka Jabuuti ayaa sidoo kale shaacisay in tirada guud ee dadka cudurka laga helay ay iminka gaareyso 732 qof, ayada oo cudurka laga baaray 6,550 oo qof. Dadka u dhintay cudurka ayaa weli ah laba qof kaliya

Dadka laga helayo cudurka ee dalka Jabuuti, ayaa si xowli ah sare ugu sii kacaya, waxaana sababta ugu weyn ay dowladda ku sheegtay dadka oo aan qaadaneyn talooyinka la siiyey ee ah inay guryahooda ku nagaadaan kalana fogaadaan.

Inkasta oo bandow dala saaran yahay, haddana waxaa la araa dad xaafadaha isugu tegaya, kuwa cayaaraya kubbad, qaar dheelaya laadhuu, turub iyo waxyaabo kale, taasi oo sahashay in cudurka xowli u faafo.

Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo gaaray 116 iyo tirada maanta la diiwaan-geliyey

Coronavirus2

Tirada dadka qaba cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa dhaaftay 100, kadib markii dad hore leh cudurka maanta laga helay, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 36 qof oo hor leh laga helay cudurka maanta, taasi oo ah tiradii ugu badneyd ee la diiwaan-geliyo muddo 24 saac gudaheed ah.

36-ka qof ayaa ka mid ahaa 47 qof oo cudurka laga baaray, waxaana arrin cabsi muujinaysa ah, in 47 qof oo la baaray kaliya laga waayey 11 ka mid ah, oo 36 laga helay.

Dadkan ayaa 27 ka mid ah waxay yihiin rag, halkan 9 ay yihiin haween, sida warbixinta lagu sheegay. Tiradan ayaa ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiijiyey ee cudurka Coronavirus 116 qof.

Bukaanada cudurka maanta laga helay ayaa 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%), halka 5 ka mid ahna ay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). Kaliya hal qof ayaa wuxuu ka weyn yahay 60 sano.

Sida ay ku talisay wasaaradda caafimaadka, si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah.

Fiiro gaar ah: Waxaan warbixintan ka reebnay hal kiis oo dhimasho oo cusub oo aan kasoo xiganay bogga wasaaradda caafimaadka, balse ay dib uga saareen, mana naqaan sababta. Tirada dhimashada ilaa hadda waa 5 qof oo horey loo ogaa.

Asalka warka wargeysyada Kenya ay maanta ka qoreen NISA iyo halka laga keenay been abuurkooda

somalia kenya flag

Laba ka mid ah wargeysyada dalka Kenya ayaa maanta qoray inay heleen wax loogu yeeray warbixin sir ah, oo muujineysa “xiriir” ka dhaxeeya madaxda sare ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo hoggaanka kooxda Al-Shabaab.

Waregysyadan – The Standard iyo The Star – ayaa caddeyntood ugu weyn ah “Jeeg” lacageed oo gaaraya 1.5 milyan oo dollar, oo ay sheegeen in taliye ku-xigeenka NISA Cabdullaahi Kulane uu u diray Al-Shabaab. Waxa soo bandhigeen warqad ay ku sheegeen inay tahay Jeegga.

Hase yeeshee, ma qaadan waqti fog inaan muddo kooban ku ogaanno xaqiiqda warbixinada labada wargeys iyo inay yihiin been cad oo la dhoodhoobay, oo lagu sumcad dilayo NISA, islamarkaana sare loogu qaadayo xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya.

The Standard iyo The Star waxay sheegeen inay xogtan ka heleen saraakiisha dowladda Kenya, balse warbixintooda oo dhan waxaa saldhig u ahayd bogga facebook ee lagu magacaabo Mudaaharaadka 7 of February, oo ah bog lagu mucaarado dowladda Soomaaliya, laguna aflagaadeeyo madaxda sare ee  dalka.

Warqadda la leeyahay waa Jeeg lacageed, oo kasoo baxay xawaaladda TAAJ, lagana helay saraakiisha dowladda Kenya, ayaa xaqiiqdii ah warqad boggan facebook lasoo dhigay 11-kii April, taasi oo qeyb ka ahayd fariin qoraal WhatsApp oo la sheegay inuu dhex-maray Cabdullaahi Kulane iyo sarkaal Shabaab ah oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Filo.

Waxaa yaab leh in warqad laga soo qaaday bog facebook oo ujeedkiisa cad yahay, ay wargeyso waa weyn ku sheegaan in laga helay dowladda Kenya.

Boggan facebook ayaa sidoo kale 8-dii April daabacay nuqullada fariin qoraal WhatsApp, oo la leeyahay waxa uu dhex maray Cabdullaahi Kulane iyo Sheekh Cabdiraxmaan Filo.

Jay Bahadur, oo ah madaxii hore ee kooxda kormeerka QM ee Soomaaliya iyo Eritre ee UN Monitoring Group, ayaa sheegay in waxyaabaha is-diidaya ee ka muuqda “Jeegga” ay ka mid tahay inuu ku taariikheysan yahay 25-ka March, balse WhatsApp-ka Sheekh Cabdiraxmaan Filo ee copy-ga Jeegga sawirkiisa lagu diray, ku qoran tahay in markii ugu dmabeysay ee la isticmaalay ay ahayd 19-ka March.

Jay Bahadur waxa uu sidoo kale sheegay in number-ka WhatsApp ee la sheegay inuu leeyahay Cabdiraxmaan Filo uu weli yahay mid shaqeynaya oo markii la waco ay qabaneyso gabar Soomaaliyeed. Halka Bogga Mudaaharaadka 7 of February uu sheegay in taleefonka lagu soo qabtay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab.

Caasimada Online ayaa sidoo kale aragtay in warqadda lahgu sheegay Jeegga ay ku qoran tahay la daabacay 10:13 PM oo habeenimo, taasi oo dhalineysa su’aasha ah in xafiisyada TAAJ ay shaqeeyaan xiligaas?

Sidoo kale, waxaa Caasimada Online warqadda uga muuqda, inkasta oo wargeysyada Kenya ku sheegeen in Jeegga uu yahay 1.5 milyan oo dollar, haddana markaad u fiirsato tirada numberada xisaabeed, xaqiiqdii waa 15 milyan oo dollar, sababtoo wuxuu u qoran yahay sidan, 1,5000,000, taasi oo muujineysa in wax qof abuuray ay tahay. Xitaa miisaaniyadda NISA ee sanadkii oo dhan ayaanba dhameyn 15 milyan iyo wax u dhow.

Bahaduur ayaa sidoo kale sheegay in caqliga uu diidayo in lacag intaas le’eg oo ah hal milyan iyo bar dollar la mariyo xawaalad, iyo kaaga sii daran’e in sarkaal sare sirdoon, oo weliba xlkiisa sidaas u sarreeyo uu magaciisa rasmiga ah ku qoro Jeeg uu u dirarayo Al-Shabaab.

Waxa kaliya ee halkan ka muuqda ayaa ah isku day lagu sumcad dilayo NISA, qorshihii la doonaba ha laga lahaadee iyo dadaal lagu sii hurinayo xiisadda ka dhex -oogan Soomaaliya iyo Kenya.

DF oo shaacisay inay wax ka bedeleyso bandowga saaran Muqdisho

xijaar taliyaha booliiska

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay is-beddel ku sameyneyso bandowga xilliyada habeenii ah saran magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Bandowga, oo hadda socday labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxa uu ka billowdaa 8:00 fiidnimo, wuxuuna ku eg yahay 5:00 Subaxnimo. Hase dowladda ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameyn doonto bandowga.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in maadaama la guda geli doono bisha Barakeysan ee Ramadan ay wax ka bedeli doonaan Bandowga inkasta oo uusan shaacin nooca is-beddel.

Si kastaba warar ay heshay ayaa sheegaya in wax laga beddeli doono saacadaha bandowga, islamarkaana laga yaabo in la qafiifiyo xeerarka la socda bandowga.

Taliye Xijaar ayaa dhanka kale sheegay in Bandowga dowladda soo rogtay la gaarsiin doono guud ahaan gobolada dalka, waxaana wararku ay sheegayaan in goobaha la gaarsiin doono ay ku jiraan magaalooyinka maamul goboleedyada raacsan dowladda, sida Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Bandowga Muqdisho ayaa loo soo rogay iyada oo uu qeyb ka yahay qorshaha ay dowladda ku dooneyso in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Hir-Shabeelle oo hal sabab garoomadeeda ugu mamnuucday duullimaadyada qaar

madaxweyne waare

Warqad kasoo baxday xaafiiska madaxweynaha maamulka  Hir-Shabeelle Maaxmed Cabdi Waare ayaa lagu dalbaday in la joojiyo duullimaadyada tayidka ah ee ka dega magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka Hir-Shabeelle.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in aan in duullimaad gaar ah oo aan fasax heysan uusan kasoo degi karin garoomada deegaannada Hir-Shabeelle, waxaana sababta lagu tilmaamay in amarkani la xariiro xaaladda deg dega ah ee dalku galay.

“Anaga oo tix gelinayna xaaladda caafimaad ee deg dega ah ee wadanku ku jiro, gaar ahaan dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, waxaan ha kinay dhamaan duullimaadyada rayidka ah ee soo aada Hir-Shabeelle, sidaas darteed waxaan idinka codsaneynaa in aad naga tala gelisaan duullimaadyada oo soo dalbada codsi gaar ah”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle Waare.

Sidoo kale warqadan ayaa lagu cadeeyay in Hir-Shabeelle aysan ogolaan doonin duullimaad rayid ah oo aan fasax ka heysan in uu  mar dambe kasoo dego garoomada maamulkan, waxaana la fasaxay oo sidoodii duullimaadyada u sii wadan kara, diyaaradaha sida gurmadka iyo samafalka ee UN-ka iyo AMISOM.

“Ma ogolaan doono duullimaad aan heysan fasax gaar ah, ee ay wada gaareen wasaaradda iyo dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, duullimaadyada gurmadka iyo samafalka ee UN-ka iyo AMISOM, waxay ku soconayaan sidii hore ay u qorsheysteen”ayaa sidoo kale lagu yiri go’aankan kasoo baxay Hir-Shabeelle.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY