Home Blog Page 540

Koox hubaysan oo weerartay saldhig waqooyiga Gaalkacyo ku yaal

Gaalkacyo

Koox hubaysan ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday saldhig ciiddan oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyaga oo u adeegsaday weerarkaas bambo gacmeedyo iyo rasaas toos ah.

Weerarkan oo socday daqiiqado kooban, ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka booliska Puntland iyo dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka saldhiga la weeraray.

Dableyda weerarka geysatay oo ilaa hadda aan la garaneyn heybtooda iyo inta ay taradoodu dhameed ayaa goobta iskaga baxsaday.

Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaas caawa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana socda howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii geystay weerarkaas.

Ciidamada ammaanka Puntland ee ka howlgala waqooyiga Gaalkacyo ayaa caawa xiray waddooyinka muhiimka ah ee soo gala saldhiga, iyadoo aad loo adkeeyey dhamaan amaanka xarumaha maamulka ee ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa mararka qaar magaalada Gaalkacyo ka geysta dilal qorsheysan, kuwaas oo ay horay ka sheega jireen mas’uuliyadooda, balse weerarkaan ayeysan sheegay wali.

Gudoomiyeyaasha G Gedo oo kulan soo dhoweyn iyo xog waraysi ah Muqdisho loogu sameeyey

gudoomiyeyaasha gobolka gedo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan iskugu jiray soo dhaweyn iyo is xog wareysi waxay magaalada Muqdisho ugu sameeyeen qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo ee Jubbaland.

Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah, Baardheere, Luuq, Dolow iyo Beled-Xaawo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo, oo si toos ah u ula shaqeeya Dawlada Federaalka ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna la kulmayeen masuuliyiinta Dawladda.

Mas’uuliyiinta ka tirsan xukuumadda oo ay kulankaas la qaateen guddoomiyaashu ayaa kala ah wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali iyo xubno kale.

Gaba-gabadii kulankaas ayaa waxaa la sheegay in wasiirrada ka socday xukuumadda iyo guddomiyaasha degmooyinka gobolka Gedo ay isla qaateen in xukuumaddu kala shaqeyso masuuliyiinta gobolkaas fududeynta iyo hirgalinta adeegyada ay u baahanyihiin degmooyinka iyo deegaanada gobolka Gedo, iyaga oo balan qaaday wasiirradu in howlaha gobolkaas ay doorkeeda ka ciyaari doonto dowladda federaalku.

Turkey oo soo eryey markab Israel leedahay xilli ay ka sii darayso xiisadda baddu

markab turkey

Ciidamada badda Turkiga ayaa markab laga leeyahay Israel ka qabtay kana soo eryey meel u dhow badda Qubrus, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka taagan badda Meditareeniyaanka oo kheyraad badan oo dabiici ah lagu arkay.

Markabka oo lagu magacaabo Bat Galim, oo uu leeyahay machadka darasaadka badda ee Israel, ayaa cilmi-baaris ka sameynayey biyaha Qubrus, isaga oo la shaqeynaya mas’uuliyiinta dalka Qubrus, sida ay sheegtay warbaahinta Israel, oo soo xigatay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Israel.

Sida ay sheegeen warbixino, maraakiibta badda Turkiga ayaa la xiriiray markabka Israel kadibna weydiiyey inuu sharaxaad ka bixiyo dhaq-dhaqaayada uu halkaas ka wado, waxaana kadib ay ka dalbeen inuu ka tago aagaas badda Meditareeniyaanka ah.

Dhacdan ayaa timid toddobaad kadib markii Turkey ay Libya la saxiixay heshiis ballaariyey aagga dhaqaalaha Turkiga (EEZ), islamarkaana kusoo daray dhul-badeed ay Greece sheegtay inuu ku jiro xuduuddeeda.

Marka laga reebo qab-weynida qarannimo ee ku jirta dalalkan iyo kheyraadka halkaas ka buuxa, Greece iyo Turkey labaduba ma aysan xadeyn aaggood dhaqaalaha, taasi oo u ogolaaneysa inay dhul-baaxad weyn kheyraad ka raadsadaan.

Qubrus, Israel iyo Masar oo xadeeyey aaggooda dhaqaalaha ayaa helay goob gaas uu ka buuxo oo sare u qaadi kara dhaqaalahooda.

Heshiiska Turkey iyo Libya ayaa ka carreysiiyey dalalka Greece, Qubrus iyo Masar oo dhammaantooda sheeganaya inay xuquuq u leeyihiin gobolka gaaska uu ka buuxo.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyey heshiiska, kuna sheegay mid “ku xadudbaya xuquuqda madax-banaani ee dal kale, islamarkaana aanu waafaqsaneyn xeerka caalamiga ah ee badda.”

Sawirro Ra’iisul W Kheyre oo khudbad qiime leh ka jeediyay madasha Dooxa

kheyre doha5

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirrigelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato.

Dowrka Ganacsatada

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa caddeeyay in markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa kaliya ee bulaalay dadkana badbaadiyay uu ahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo hantay kalsoonida dadka.

“Si muuqata ayay ganacsatada Soomaaliyeed u ahaayeen laf-dhabarta dalkeenna 30kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo keenayay badeecooyinka iyo adeegyada kale ee dalka looga baahan yahay. Xitaa markii ay adkayd in ay dadku isugu gudbaan gobol ilaa gobol, bahada ganacsigu waxa ay awoodi kareen in ay meel kasta oo dalka ah isaga gooshaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Isgaariinta Casriga Ah

“Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu wanaagsan qaaradda Afrika, adeeg xawaaladeed oo casri ah oo adeegyo siiya Soomaalida iyo dad aan Soomaali ahayn oo ku nool dunida dacalladeeda, Habka xaawaadalaha lacagta ee mobile-lada loo adeegsado, kaas oo bishii sameeya 155 milyan oo xawilaad ah.” Ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay Khudbaddiisa Madasha Dooxa.

Dowladda iyo Dhiirigelinta Ganacsiga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda oo dadaal xooggan ku bixineysa dhiirri gelinta ganacsiga iyo ganacsatada una sahleysa maalgashiga Soomaaliya, ay saddexdii sano ee la soo dhaafay meel marisay sharciyada arrintaas la xiriira ee ay kamidka yihiin Xeerka Maamulka Maaliyadda, Sharciga Isgaarsiinta, Sharciga maalgashiga iyo Sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo dhamaan sahlaya in Soomaaliya ay noqoto meel soo jiidata maalgashadayaasha.

Soomaaliya waxa ay leedahay Imkaaniyaad aad u mihiim ah, Xeebta aad ugu dheer qaaradda Afrika, Khayraad kalluun oo aan wali sidii la rabay looga faa’iideysan, beero, macaadin, shidaal, gaas iyo adeegyo kale.

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kale oo Khudbaddiisa ku sheegay in Khayraadka Soomaaliya ceegaaga ee maalgashiga u baahan uu horseedi karo in dhaqaalaha Soomaaliya uu si dhaqso ah u kobco, taas oo hagaajineysa xaaladda nololeed ee dadka hadii si wanaagsan looga faa’iideystana ay suugal noqoneyso Xaqiijinta amniga cuntada oo joogto ah, Abuurista fursado shaqo oo aad u badan, horumarka ganacsiga heer qaran iyo caalamkaba iyo Uruurinta dakhli badan iyo kordhinta wax soosaarka gudaha.

Soomaaliya: jihada cusub ee dunidu ku soo hiraneyso

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto jiho cusub oo dunidu ku soo hiraneyso sanadaha soo socda, maalgashadeyaashuna aysan ka qeyb qaadan oo kaliya dib-u-dhiska Soomaaliya, balse ay sidoo kale ka faa’iideystaan kheyraadka iyo imkaaniyaadka dalkeenna, Soomaaliyana ay kaalinteedii saxda ahayd ka ciyaari doontaa gobolka iyo dunidaba intiisa kale.

Sawirro Caasimadaha Soomaaliya iyo Qatar oo la mataaneeyey

Cumar filish iyo dhigiisa dooxa jamaal madar al naciim1

 Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Filish) oo la kulmay Dhiggiisa magaalada Dooxa ee dalka Qatar Mudane Jamaal Madar Al-naciimi ayaa la saxiixay heshiis lagu mataaneynayo labada Caasimadood.

Labada Guddoomiye ayaa isla falaanqeeyey fursadaha iskaashi iyo xoojinta xiriirka Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Dooxa, waxa ayna qalinka ku duugeen heshiska mataaneynta labada Caasimadood oo ka kooban 10 qodob.

Heshiiska Maataneynta Muqdisho iyo Dooxa ayaa dhigaya in la isdhaafsado waayo-aragnimada dhanka shaqada iyo tayeynta shaqaalaha oo muhiimad gaar ah u leh Dowladda Hoose ee Xamar, maadaama muddooyinka danbe Maamulka Gobolku ay xoogga saarayeen tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha Gobolka.

Sidoo kale, Heshiiskan waxa uu dhiirri gelinayaa isu-fur-furnaanta dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee labada Caasimadood, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo Qatar ay kaalin muhiim ah ka qaadato iyo sidii loo tayeyn lahaa qalabka iyo xirfadda waaxyaha Dowladda Hoose ee fayo-dhowrka, bixinta adeegyada aasaasiga ah iyo bilicda magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar oo uu kaga qeyb galay Madasha Dhaqaalaha ee Dooxa, waxa uuna kulan Doceedyo la qaadan doonaa Maayarada Caasimadaha Caalamka ee ka soo qeyb galay madashan, si uu u suuq geeyo fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee ka jira Caasimadda Muqdisho.

R/W Kheyre oo la kulmay xoghayaha maaliyadda Mareykanka kadib khaladkii deyn-cafinta Soomaaliya

kheyre iyo Steven Mnuchin1

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay xogahayaha maaliyadda Mareykanka, kadib markii dowladda Mareykanka ay samaysay khalad meesha ka saari kara qorshihii deyn cafinta Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeyska Foreign Policy, wasaaradda arrimaha dibedda iyo tan maaliyadda Mareykanka, ayaa hilmaamay inay ku wargeliyaan Congress-ka in lacagta lagu taageerayo deyn cafinta Soomaaliya lagu daro miisaaniyadda 2020 ee uu dhowaan diyaariyey congress-ka.

Khaladkaas ayaa meesha ka saaraya in Soomaaliya ay hesho deyn-cafin sanadka 2020, maadaama barnaamijka deyn cafinta Bankiga Adduunka iyo IMF ee HIPC uu u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo.

Khayre ayaa xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Steven Mnuchin kala hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda.

Xubno ku dhow Kheyre ayaa sheegay in kulanka sidoo kale lagu soo qaaday, khaladka dhacay ee uu wariyey wargeyska Foreign Policy, waxaana Mnuchin uu sheegay in xal la heli doono.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed, hase yeeshee khaladka dhacay ayaa dhaawac xooggan gaarsiin kara Soomaaliya.

Dalal dhowr ah ayaa horey u ballan-qaaday inay deynta ka cafinayaan Soomaaliya. Horaantii sanadkan kadib markii ay ku qal-qaalisay wasaaradda maaliyadad Mareykanka, Midowga Yurub, UK iyo Qatar ayaa ogolaaday inay bixiyaan $150 milyan oo ka mid ah $330-ka milyan ee IMF ay ku leedahay Soomaaliya. Sidoo kale, Norway ayaa ogalaatay inay Soomaaliya ka bixiso $360-ka milyan ee uu ku leeyahay Bankiga Adduunka.

Si kastaba, dhammaan dadaalladaas ayaa burburi doona, haddii Mareykanka aanu xal u helin khaladkii ka dhacay, sababtoo ah barnaamijka HIPC ayaa u baahan in dhammaan dalalka daymaha bixiya, oo Mareykanka uu ku jiro, ay deyn cafinta Soomaaliya wada ansixiyaan mar qura, haddii aysan sidaa dhicinna ma shaqeynayo.

Soomaaliya oo barbaro la gashay Eritrea kana hartay tartanka K/Cagta CECAFA

xulka somalia

Xulka Soomaaliya ayaa isaga haray tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii ay barbaro gool la’aan ah la galeen Eritrea, wuxuuna ahaa kulankii labaad oo ay difaacdeen shabaqooda.

Kulanka dhawaan soo dhamaaday wuxuu ahaa mid ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah, walow ay xiddigaha Soomaalida khasaariyeen fursado ay ciyaarta ku go’aamin kareen.

Qaranka Soomaaliya ee haray wuxuu shabaqa difaacday saddex kulan, kaliya hal guuldaro ayey la kulmeen, waxeyna heleen 5-dhibcood taasoo ka dhigan iney kaalinta 3-aad ka galeen Group-ka A.

Omar Abdullahi ayaa dhaliyay goolka qura oo ay Soomaaliya ka dhalisay tartanka, sidoo kale saxaafadda Uganda waxey hadal hayaan in goolhaye Saciid Aweys uu ilaa iyo hadda yahay kan ugu fiican tartanka dhanka goolka maadaama uu badbaadiyay fursado ka badan goolhaye walba oo kale.

Xulka Eritrea waxey fursad u heystaan iney soo gaaraan semi final-ka tartanka kadib dhibicdii ay heleen, waxeyna kaalinta labaad ku galeen 7-dhibcood, kaliya Djibouti oo la ciyaareysa Uganda ayaa la dhibco noqon karta.

Puntland oo qaadacday Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya

siciid deni 182019

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay , in loo baahanyahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda Sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi.

Mudane Deni, ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee harsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado.

Daawo hadalka madaxweynaha

Madooneysa inaad hurdo fiican hesho? Hab raac

Hurdo

Maka daashay inaad xal u hesho hurdo la’aanta marka aad sariirta tagto? Halkan hoose ka akhriso shan qodob oo muhiim ah oo kaa caawinayo dhibaataas.

1. Marka hore waa in aad daalan tahay

Waa Muhiim inJimicsi kugu filan aad sameyso maalin kasta balse iska ilaali inaad jimicsi samyeyso afarta saacadood ee ka horreysa xilliga jiifka sabatoo ah waxa uu kicinayaa Hormoonka adrenaline.

Iska ilaali hurdada maalinkii haddii aysan hurdada kugu yareyn habeenkii, Seexashada maalinkii gaar ahaan wixii ka dambeeya afarta galabnimo waxay sababbtaa iney hurdada habeenki ay kuu gooyso ama aad weyso.

2. Ka warqab cuntada iyo cabitaanka aad isticmaasho

Woman eating doughnuts in bed

Safarka hurdada waa in uu bilowdaa waqti hore ku dhawaad lix saacadood ka hor, marka sidaa darteed cabataankaaga isha ku hay, sababtoo ah xilliyadaasi dambe waa in aad iska ilaalisaa cabitaanada fudud ee ay ku jirto maadada caffeine-ka sida Shaaha, qaxwada iyo cabitaanada laga helo energy-ga. Caffiene-ka waxa uu jirka qofka ku jirayaa ugu yaraan sagaal saacadood.

Inta badan dadka way ku adag tahay iney seexdaan iyagoo calooshooda maran tahay, balse caloosha oo la buuxiyo waxay sababtaa hurddo la’aan marka sidaa darteed waxaa lagaga baahan yahay inaad cunteyso afar saacadood ka hor inta aadan seexan.

3. Joogtee hurada ka hor inaad sariirta ku nasato

Man listening to music on headphones at dusk, looking through the window while sitting on his bed.

Maskaxda ayaa ku dageeyso haddii aad joogteyso nasashada sariirta dusheeda ah ka hor inta aadan seexanin. Marka hore biyo qandac ah ku soo qubeyso saaxibtaa ama saaxiibkaa la hadal ama qoyskaaga, buug akhri ama miyuusik dhageyso nalkana iska gaabi.

4. Ku dadaal nadaafadda goobta aad seexanayso

Cat on a bed, asleep at the feet (with colourful stripy socks) of a person

Guryaheena waa iney ahaadaan goob nadaafaddoodu ay aad u sarreyso. Waxaa sidoo kale muhiim ah in qolka aad seexanayso ugu yaraan aad ku dhex jirto muddo saacad ah isagoo mugdi ah. Iska ilaa qolalka ay ku xiran yihiin telefishinada amaba amaba aaladaha kale ee elektaroonikada ah.

5. Jadwal u sameynta waqtiga jiifka

Pink alarm clock on turquoise-blue background

Waxaa laga yaabaa inaad maqashay ganacsatada guuleysatay ee dunida iney seexdaan afar saacadood balse xaqiiqda ayaa ah qofkasta ma awoodo inuu sidaasi sameyo.

Jiifka saacado yar waxa uu sababaa in dhibaato ay u geysato jirka iyo maskaxda qofka bini’adamka ah. Haddii aad joogteyso inaad seexato wax ka yar shan sacaadood, waxaa aad khatar ugu jirtaa cudurada ku dhaca wadnaha iyo kansarka marka sidaa darteed waa inaad xaqiijisaa inaad seexato toddobo ilaa siddeed saacadood habeenkii, xitaa maalmahaaga fasaxa.

XIGASHO: BBCSOMALI

Puntland oo samaysanaysa Khariirad u gaar ah

wagp Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoquraadiyada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo hadal ka jeediyay Munaasabadda Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa sheegay in Wasaaraddiisu waddo Qorshe lagu kala astaynayo dhammaan Soohdimaha degmooyinka, taasi oo tiir muhiima u ah hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarinayso Daraasad ku saabsan Hannaanka kala xadeynta degmooyinka Puntland, waxaana uu xusay in hawshaasi loo xil-saaray Sharci-yaqaan ku xeel-dheer Arrimaha Xuduudaha, si qaab cilmiyaysan loo maro Nidaamka kala Xadeynta degmooyinka oo door muhiima ka qaadanaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Puntland.

Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ay diyaarinayso Khariirad ama Map aan ahayn Khariiradda Soomaaliya, balse sida uu sheegay u gaar ah dowladda Puntland, si loo jaan-gooyo goobaha Cod-bixinta degmooyinka.

Hoos ka daawo Khudbadda wasiirka

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY