Home Blog Page 539

Askar kasoo baxsatay Axmed Madoobe oo soo lugeeyey Kismaayo illaa Muqdisho

ciidanka xoogga qaybta 60aad

11 askari oo haray uga tirsanaa jiray ciidanka daraawiishta Jubbaland ee Axmed Madoobe, oo ka soo lugeeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidankan oo markii hore ay tiradoodu gaareysay 16 askari ayaa Al-Shabaab dagaal culus kula galay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 60KM u jirta magaalada Kismaayo.

Dagaalkaas waxaa looga dilay shan askari, waxayna Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Jamaame oo ay muddo joogeen. Markii ay ku adkaatay inay sii joogaan Jamaame, kuna laaba waayeen dhulka uu ka arimiyo maamulka Jubbaland ayey go’aansadeen inay u soo lugeeyaan  Muqdisho.

Cabdirisaaq Cabdi Cumar oo ah sarkaalka hoggaaminaya ciidankaas ayaa sheegay in mudo todobaad ah ay ku qaadatay inay soo gaaran Muqdisho iyagoo dagaallo culus kala soo kulamay Al-Shabaab.

Cabdirisaaq waxa uu sheegay in socdaalkii ay uga soo baxeen Jamaame ay ku soo galeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo mid ah goobaha ay ugu awoodda badan yihiin Al-Shabaab, isagoo sheegay in ilaa seedax goobood oo ay Zekawaad ku aruursanayeen ay kula dagaaleen Al-Shabaab kuna laayeen.

Waxa uu sheegay in rafaad dheer kadib, 11-koodii oo wata hal askari ay maalinka hor soo gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ugu horeysay meel ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inay Baraawe ka soo raaceen Doon, taas oo keentay xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho, halkaas oo sida uu sheegay ay ka soo wadeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo ay ka codsadeen inay ka horyimaadaan.

Ugu danbeyntii sarkaalka u hadlay ciidankaas ayaa sheegay inaysan wali helin cid la hadashay dadaal badanna ay galiyeen sidii ay ku heli lahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse wali aysan u suurta galin.

Waxay madaxda ugu sarreysa dalka ka codsadeen inay u raadiyaan xuquuqdooda, iyagoo sheegay inay wataan hubkooda oo dhameys tiran meeshii loo dirana ay ka howlgalayaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta hor tegay xildhibaanada golaha shacabka ayaa mar uu soo hadal qaaday awoodda Al-Shabaab waxa uu sheegay inay jiraan 15 askari oo ka soo baxay Kismaayo, kuwaas oo soo dhex maray Al-Shabaab lugna ku soo galay Muqdisho, taas oo sida uu sheegay muujinaysa itaal yarida Al-Shabaab.

Jeneral Odawaa oo shaaciyey cidda bixisay amarka lagu soo rogay xeendaabka Villa Somalia

Gen Odawaa Yuusuf Raage

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka mid ahaa saraakiil maanta hor tagtay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu bixiyey amarka xildhibaanada iyo xubno ka tirsan wasiirada maalmahaan looga reebay ilaaladooda markii ay soo galayaan xeyndaabka laga ilaaliyo Villa Somalia.

Odawaa ayaa sheegay in amarkaas ay keentay xaaladii dhacday habeenkii Arbacada, taas oo aheyd weerar ka dhacay Hotelka SYL oo ku yaalla gudaha xeyndaabka laga ilaaliyo madaxtooyada, isagoo xildhibaanada u sheegay in go’aankaas uu ahaa mid lagu xaqiijinaayo amaanka madaxtooyada.

“Xildhibaanada sharafta leh waxaan habeen iyo maalin u taaganahay waa adinka amaankiina khalad waa dhici karaa markii shaqo lagu jiro, waxaad la socotaan koonaha SYL waa dhacdadiid shanaad oo ka dhaceysa, waxaad la socotaan dhamaantood waxay u dhaceen sidii dhacdadii habeen dhaweed, dad isusoo akeysiiyey ciidamada amniga oo lugeynaaya ayaa hoteeladii gudaha u galay, sidaas darteed waa la kala garan waayey, sababta ay ragaas meesha ku yimideena waxay aheyd ciidamadii istaafyada u ahaa masuuliyiinta markii ay soo gaaran iridka dhamaantood halkaas ayaa lagu dajiyaa istaafyada isma garanayaan qofka soo dhax galana lama garan karo” ayuu Baarlamaanka ka hor yiri Jeneraal Odawaa.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay bixiyeen amar ah in qofka masuulka ah ee ku gudbaya wadada hor marta madaxtooyada aan laga reebi karin istaafkiisa, balse dadka laga reebaayo istaafka ay yihiin oo kaliya mas’uuliyiinta galaya madaxdtooyada.

“Qofka istaafka laga reebaayo waa qofka markii uu ka soo gudbo xeendaabka hore kadib gudaha is kaga reebaaya ilaaladiisa ee markaas u gudbaaya madaxtooyada iyo xaafiisyada kale ee gudaha ku yaalla” ayuu yiri Taliye Odawaa.

Ugu danbeyntii taliyaha ayaa sheegay in dib u eegis ay ku samey doonaan sida amarkaas uu u saameynayo mas’uuliyiinta degan gudaha xeendaabka laga ilaaliyo madaxtooyada oo loo fasixi doono inay la soo galaan ilaaladooda, maadaama ay ku yaalaan guryahooda.

Halkaan ka Daawo


Odowaa oo ka hadlay amarka Villa Somalia

Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa sheegay in uu bixiyay amarka looga joojiyay ilaalada xildhibaanada wadfooyinka laga soo galo madaxtooyada.

Slået op af Caasimada Online i Mandag den 16. december 2019

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Geneva uga qaybgelaya Madasha Qaxootiga Adduunka

kheyre geneva

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo kasoo dhoofay dalka Qatar, ayaa soo gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo uu uga qayb gelayo madasha qaxootiga adduunka oo maanta furantay.

Madasha Qaxootiga adduunka oo la qabanayo markii ugu horreysay ayaa ah fursad mabaadii’da mas’uuliyad wadaagga caalamiga ah ee qaxootiga loogu bedelayo ficil, laguna soo bandhigayo ballan qaadyo, tabarrucaad, sidoo kalana la isku dhaafsado khibradaha dalalku u leeyhiin arrimaha qaxootiga.

Wasiirrada qorsheynta iyo gargaarka iyo mas’uulyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya ka qayb galka madasha qaxootiga adduunka oo soconeysa mudda sedax maalin ah oo ku eg Deseembar 18, 2019.

Ka qayb galayaasha ayaa ka hadlaya xaaladda taagan iyo sida loo xoojinayo ka jawaabidda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga iyada oo addunyada dacalladeeda ay ku suganyihiin Malaayiin qof oo ay saameeyeen dagaallo, rabshado iyo dhibaatooyin kale.

Tirada qaxootiga dunida ayaa kor u dhaaftay 25 mliyan, waxaana Soomaaliya ku nool 35,438 ruux oo isugu jirta qaxooti iyo dad kale oo megengalya doon ah.

Madasha ayaa sannadkaan diiradda lagu saarayaa isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca.

Soomaaliya ayaa madasha ka cadeyneysaa in ballan qaadkeeda diiradda lagu saarayo sedax arrimood oo kala ah, isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadda, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha iyo xaluusha.

Sawirro Kaamirooyin aan noocooda horey loo arag oo lagu xiray jidadka Muqdisho

CCTV camera muqdisho

Waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa inta badan lagu xiray kaamirooyin cusub oo lagala socon doono dhaq-dhaqaaqyada.

Kaamirooyinkaan ayaa lagu arkay inta badan isgoyska wadada Makka Al-Mukarama ayaa ah kuwa loogu talagalay in lagu sugo Amniga.

Kaamerooyinka oo ah nooca CCTV ayaa ku duwan kuwii hore oo muddo kadib howlgab noqday, waxayna wataan baallooyin u gaara, anteenooyin iyo qalab kale, waxaana lagu bilaabay wadooyinka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo isgoysyada waaweyn.

Kaamirooyinkaan ayaa waxaa laga maamulayaa Xarunta Nabadsugidda ee Habar Khadiijo, waxaana halkaas lagu diyaariyey shaashado tiro badan oo lagala soconayo dhaqdhaqaaqa Isgoysyada magaalada Muqdisho.

Marka Isgoysyada Muqdisho dhan lagu xiro kaamirooyinkaan ayaa wuxuu qorshaha yahay in la furo jidadka xiran ee Muqdisho, iyadoo halkaas la dhigi doono kaliya ciidamo baarayo gawaarida, waxaana dhaqdhaqaaqa lagala socon doonaa kaamirooyinkaas.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli Al-Shabaab ay amarro kusoo rogtay xarumaha ganacsiga waaweyn ee magaalada oo damiyey kaamerooyinkooda wadooyinka kusii jeeday, kadib markii qaar ka mida Kaamerooyinkaasi ay suurageliyeen in la garto xubno Al-Shabaab ka mida oo qaraxyo fuliyey.

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii dhowaa ka nasatay qaraxyadii waa weynaa ee ay fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada oo xukuntay Oday xil muhiim ah u hayey Al-Shabaab

Axmed cali aybakar

Axmed Cali Aybakar  oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Al-shabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho  oo uu ku lahaa  wakaalad iyo kor joogtayn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada.

Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan Alshabaab ah  oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay

Bishii Luulyo ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu garsoorayaasha  xafiiska  ka  codsaday in la geeyo eedeysanaha  xabsiga dhexe  garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay.

Ugu horeynba  Maxkamadda ayaa u jeedisay eedda loo heysto Axmed Cali Aybakar ee ah ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Al-shabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kirayn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed.

Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa  shaqsi  ku iibiya agagaarka qubuuraha Barakaat agabka duugitaanka maydka loo isssticmaalo, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen waratada  dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kireeyay bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay xaruma caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga maxkamadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka.

Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo, weerar culusna ku qaaday dowlada

Axmed Madoobe3

 Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe oo hoggaaminayey xubno ka tirsan maamulkiisa oo maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweyey garoonka Kismaayo, iyadoo si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Intii uu ku sugnaa madaxweynaha Jubbaland Niarobi wuxuu kula kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, isagoo kala hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020-ka, khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya dowladda iyo arrimo kale.

Sidoo kale wuxuu la kulmay siyaasiyiin caan oo ay ka mid yihiin madxaweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galleed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay saaxibo ku yihiin siyaasadda.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay ku fashilantay isku wadida siyaasadda dalka, isagoona intaasi ku daray in cadaadis iyo cunaqabateyn ay isugu dartay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland.

Mar uu ka hadlay xaalada gobolka Gedo ayu sheegay in dowladda Federaalka ay ka wado howlo lagu carqaladeynayo amniga iyo Dowladnimada, isagoo sheegay inay wax natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka, sida uu yiri.

Axmed Mdooba ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay shaqadeedii oo dhan kusoo ururisey “halkee dhisan oo aan duminaa” ee aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin.

Dib u soo laabashadiisa ayaa ku soo aadeysa, iyadoo halkiisa yahay khilaafka dowladda iyo Jubbaland, waxaana haatan Muqdisho ka socda kulamo u dhexeeya madaxda dalka iyo xubno ka mid ah maamulka gobolka Gedo.

Tan iyo markii dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxa ay Jubbaland wajaheysay khilaaf ka dhashay doorashooyinkii maamulkaasi, kadib markii ay ka hortimid dowladda dhexe oo marar badan xayiraad ku soo rogtay magaalada Kismaayo.

Ma jirta Somaliland la wada leeyahay Qaybtii 2aad W Maaliyada(Bushaaro Baanday)

somaliland malawada leeyahay

Ma jirta Somaliland la wada leeyahay Daawo warbixin ay diyaarisay Bushaaro Baanday Qaybtii labaad ku saabsan Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxii sirdoonka maamulkii CABDI ILEY oo la qabtay

cabdi maxamuud cumar ilay

 Ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wareejiyey madaxii sirdoonka ee maamulkii hore, Cabdi Maxamud Cumar (Iley), kaas oo in muddo ah baxsad ahaa.

Ninkaan oo lagu magacaabo, Mukhtaar Sheekh Suubane ayaa wuxuu ku jiray liiska xubnaha la raadinayey ee dambiyada geystay.

Wararka ayaa sheegaya in ay soo qabteen ciidamada Somaliland, xilli uu ku dhuumaaleysanayey gudaha magaalada Hargeysa.

Mukhatar Sheekh Suubane ayaa loo heystaa inuu geystay dambiyo isugu jira dil, kufsi, jir-dil maxaabiis, xilligii uu ahaa madaxii sirdoonka ee maamulkii hore.

Inta badan waxa ay Itoobiya xabsiga dhigtay madaxdii hore ee dowlad deegaanka oo uu ugu horreeyo, Cabdi Maxamed Cumar (Iley) oo dhowr mar maxkamad la soo taagay.

Sidoo kale waxaa lagu raad joogay xubno kale oo baxsad ah, kuwaas warqad soo qabasho u jareen maxkamadaha dalka Itoobiya.

Tan iyo markii talada la wareegay, Abiy Axmed ayaa waxa ay isbedallo ka dhaceen dalka Itoobiya, waxaana taasi ay sababtay in meesha uu ka baxo maamulkii Cabdi Iley oo hay’adda xuquuqda aadanaha ku eedeysay inuu geystay tacadiyo xoogan, isagoona la xiray 2018-kii, kadib markii uu is casilay.

Caafimaadka bulshada iyo isticmaalka telefoonnada casriga ah

isticmaalka telefoonka

Sare u kaca taleefoonada casriga ah xilliyada waddada lagu socdo waxay sababeen dhibaatooyin badan oo halis gelin kara nolosha qofka.

Dadka isticmaala Taleefoonada gacanta iyaga oo socda waddooyiinka, waxay la kulmaan shilal keeni kara in jirkooda uu dhaawac soo gaaro.

Sida ay sheegeen dhaqaatiirta, dhibaatooyiinka sare u kacday waxaa ka mid ah dadka Sanka ka jabay, kuwa ay ilkaha ka daateen iyo waliba dhaawac dhanka maskaxda ah.

Dr Boris Paskhover, oo ku taqasusay kabidda iyo hagaajinta lafaha marka ay jabaan oo ka howlgala Iskuulka caafimaadka ee Rutgers New Jersey, ayaa qiray in uu Taleefoonkiisa isticmaalo isaga oo socda, balse waxaa uu nagu baraarujinayaa in aan joojino inaan aad u isticmaalno.

Waxaa uu khabiirkani arrintani cilmi baarid ku sameynayay 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Dr Boris ayaa sheegaya in dad badan ay u yimaadaan iyaga oo qeyb ka mid ah jirkooda ay jaban tahay; marka la waydiyo waxay sheegaan in ay Teleefoon isticmaalayeen iyaga oo waddada socda.

“Qaar ka mid ah bukaannada ayaan waydiinaa sidee arrintan ku dhacday? waxay inoo sheegeen inay dhacday iyaga oo wadada ku socda in ay taleefoonka isticmaaleen ka dibna ay turunturoodeen oo ay kufeen”, ayuu yiri Dr Boris.

Dr Boris ayaa intaa ku daray in cilmi-baarista ay sameeyeen ay muujinayso in sannadkii 1998 illaa 2006-dii ay aad u yareyd tirada dadka ay soo gaartay waxyeelada la xiriirta Teefoonnada gacanta.

Balse waxa uu sheegay in tiradaasi ay aad sare ugu kacday laga soo bilaabo 2007-dii ilaa 2009-kii. Sannadba sannadka ka dambeeyana “sare ayey u sii keceysay”, sida uu sheegay dhakhatarkan.

Maxay yihiin dhaawacyada inta badan dadka soo gaara?

Dr Boris Paskhover, oo ku taqasusay kabidda lafaha marka ay jabaan ayaa sheegay in dhaawacyada dadka soo gaara intooda badan yihiin Sanka, jilbaha iyo qeybaha kale ee jirka.

“Shakhsiyan waxaan arkay dad dhaawacyo ka qaba jilbaha, jirka oo meelo ka dilaaca iyo dhaawacyo anqowga ah iyo xitaa dhaawacyo gudaha ah,” ayuu yiri Dr Boris.

Dr Boris Paskhover ayaa xusay in dadka inta badan iyaga oo taleefoonka ku mashquulsan ay ku dhacaan barkadaha dabaasha, halka qaarka kale ay ku dul dhacaan goobaha la suro wargeysaya lagu iibiyo ee jidadka dhexdooda ah.

Dr Boris ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyaro ay u badan yihiin dadka la kulma dhibaatooyiinka iyo dhaawacyada ka yimaada Telefoonada.

“Waxaan ogaanay in da’da u dhaxeysa 13 ilaa 29 jir ay yihiin kuwa ugu badan ee dhaawacyada ka soo gaaraan telefoonada oo ah jiilka ku wanaagsa isticmaalka mobile-ka.”

Dhibaatada caafimaadka maskaxda

Ku dhowaad afar-meelood, meel ka mid ah dhallinyarada caalamka waxay ku tiirsan yihiin telefoonada casriga ah, taas oo noqotay wax ay qabatimaan, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ku taqasustay cilmu-nafsiga.

Cilmi barista oo uu hoggaminayay machadka King’s College ee London, waxaa lagu sheegay in dabeecadaha qabatinka leh ay sababeen in dhallinta ay “argagaxaan” marka laga qaado mobile-ka.

Sidoo kale, da’yartan naftooda kama xakameyn karaan waqtiga ay ku bixiyaan isticmaalka telefoonka casriga ah.

Dhaqaatiirta waxay ka digayaan in qabatinka noocaas ah uu yeelan karo “cawaaqib aad u xun” oo ah in uu dhibaato u geysan karo caafimaadka maskaxda.

Cilmi baarista waxaa lagu eegay 41 warbixin oo lagu baaray caafimaadka 42,000 oo dhallinyaro ah. Waxaa la baaray “dhibaatada ka dhalata isticmaalka telfoonnada casriga ah”.

Waxaa la helay in boqolkiiba 23% uu keeno isbedel dabeecadeed oo si joogto ah u soo noqnoqda – waxaa ka mid ah, walwal la xiriira in mar uun telefoonka laga qaado oo ay isticmaali waayaan ama akhrinta farriimaha ay shaqeyn waayaan – kuwaas oo dhibaato ku ah waxyaabihii kale ee dhallintan ay qaban lahaayeen.

Doorashada Soomaaliya: Waa in aanan helin xujo iyo sambuus afar gees ah

gg doorashooyinka xaliimo yarey

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka doodaya arrimaha doorashada soo socota iyo shuruucda la xiriirta sidii loo qaban lahaa.

Xildhibaannada qaar ayaa dhaliilo u jeediyay guddiga doorashooyiinka Soomaaliya iyo sida ay hannaaka meelmarintan sharcigan horyaalla baarlamaanka “uga hor dhacayaan”.

Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi ayaa 11-kii bishan December sheegay in Guddiga ay “Baarlamaanka oo ka doodaya arrimaha sharciga doorashooyiinka ay ku garab fureen dood kale. Shalay oo u dambeysay waxay qabteen dood ku saabsan sharciga doorashooyiinka.

Sidoo kale Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah xildhibaan, ahna wasiir ka tirsan xukuumadda waxay isla maalintaa baarlamaanka ka hor sheegtay in “Guddoga oo laga rabay in marka sharciga la ansixiyo ka dib uu ka shaqeeyo qaabka doorashada dalka ay u dheceyso uu hadda Baarlamaanka sii hor ordaayo”.

“Xisbiyadii inta la shiriyo ayaa la leeyahay awooddiinii baa la qaadanayaa. Awoodda manta waxaa iska leh baarlamaanka uu sharcigan dhexyaallo”, ayey hadalka ku sii dartay.

Xildhibaan Axmed Macaliim Fiqi

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyiinka Xaliimo Ismaacil oo BBC Somali la hadashay waxay sheegtay “in su’aalo la weydiin karo, la doodi karo, balse aysan jirin eedo loo soo jeediyay oo baarlamaanka kaga timid”.

“Waxaan aaminsanahay in doorasho (qof iyo cod ah) waddankaan laga qaban karo”, ayey tiri Xaliimo.

Guddiga doorashada ee madaxa-bannaan ee Soomaaliya waxaa la dhisay 2015-kii, “Shaqadiisana ma ka mid ahan in uu saameynta iyo nooca doorashada ka doodo”, sida uu qabo Xildhibaan Fiqi.

Haddaba, guddoomiyaha Guddiga Xaliima Ismaaciil ayaa hortagtay xildhibaannada, shalay waxayna su’aalo ka weydiiyeen arrimahaas iyo qaban qaabada.

Xaliimo yarey uu baarlamaanka u khudbeysay waxay ka hadashay halka ay u mareyso “heerarka diyaargarowga howlaha doorashooyiinka iyo waajibaaka guddiga saaran”.

“Fulinta howlaha istiraatiijiyadda ee guddiga waxaa saldhig u ah mabaadii’da dastuurkeena ku meelgaarka ah, sharciga guddiga doorashooyiinka iyo sharciga axsaabta”, ayey tiri Xaliimo Yarey.

“Waa seddaxdaa kuwii aan afarta sano ku soo shaqeyneynay oo aan waxna khilaafeynin, haddii uu wax khilaafaayana noola sheegi doono nalagana sixi doono”.

“Waxaa kaloo jiro heshiiskii madaxda qaranka ee Baydhabo ee 2018-kii, qorshaha horumarinta qaranka oo aan aad ugu shaqeyno iyo natiijada ka soo baxday la tashiga dadweynaha Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda”.

Xaliimo Ismaaciil oo xildhibaannada la talisay waxay tiri: “Guddiga wuxuu diyaar u yahay in uu ku shaqeeyo shuruucda aad soo saartaan; shaqadeenu waa intaas; laakiin markaan ku shaqeyneyno waa in aan heli karno wax aan ku shaqeyn karno; waa inaanan helin wax xujo ah iyo sambuus afar gees ah”.

Guddiga doorashooyiinka waxaa u degsan toddobo yool, sida ay Gudoomiyaha u sheegtay baarlamaanka, kuwaas oo dhammaantood ay waxyaabo kala duwan uga qabsoomeen; waxaana ka mid ah lixdan qodob oo ay akhrisay:

  1. Diyaarinta xeerarka hagaya howlaha doorashada
  2. Dhismaha hay’adda guddiga doorashada
  3. Wacyi-gelinta codbixiyayaasha
  4. Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha xaqa u leh codeynta
  5. Diiwaan-gelinta xisbiyada siyaasadda iyo dejinta xeerarkooda
  6. Diyaargarowga qabashada doorashada

Sida gudoomiyaha Guddiga Doorashooyiinka Soomaaliya sheegtay, waxaa doorashada “loo qoondeeyay $23 milyan oo dollar oo $7 milyan oo ka mid ah ay dowladda federaalka ee Soomaaliya ay bixin doonto”.

Sidoo kale waxaa illaa iyo hadda la diiwaan-geliyay 63 xisbi siyaasadeed, welina waxaa diiwaan-gelinta sugaya 20 xisbi oo kale.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax oo ahna wasiirka waxbarashada oo ka hadlay Xarunta Baarlamaanka wuxuu yiri: “Anigoo runtii ku faraxsan amaanaayana diyaargarowga iyo shaxda iyo qaabka doorashada (ee guddiga madaxa-bannaan ay sameeyeen), haddana waxaad muudaa in ay ka hor dheceen sharciga soo baxaya, sharciganna waa in uusan marnaba saameyn ku yeelan diyaargarowgooda”.

Baarlamaanka waxaa horyaalla sharciga doorashada
Baarlamaanka waxaa horyaalla sharciga doorashada

Wuxuu intaa ku daray: “Waxaa wanaagsan in diyaargarowgooda ay ku saleeyaan hadba tilmaamta ka timaadda golaha shacabka.

Laakiin Xaliimo Yarey waxay tiri: “Xisbiyada maalin walbo ayaan la shirnaa, waa sameeyayaasha siyaasadda, waa kuwa aan beri wada shaqeyn doonno, waa kuwa aan beri tartanka wada gelin doonno, marka waa qasab in aan markasta wada socono”.

Goodax Barre

Xaliimo Yarey, waxay dalbatay in shuruucda la meelmarinayo ay noqdaan kuwo ilaaliyo xuquuqda muwaadinta ka qeybgalayo doorashada – tartame ama codbixiye, midkii uu noqdaba.

Sidoo kale waxay ku talisay in nooca doorashada ee la qaadanayo uusan noqon mid horseedi kara dagaal iyo khilaaf uuna noqdo “mid ilaalinaya midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

Xildhibaan Goodax oo u muuqday in arrimahaas uu ku taageerayay Guddiga wuxuu yiri: “Way ku wanaagsan yihiin in ay dadaalayaan, waxaana u fasiranayaa in gole shacab ahaan, aysan howsha horey inooga socon. In ay walwalaan oo ay is diyaariyaan iyagoo cabiraya meesha aan wax ku soo tuuri doonno, waa wax wanaagsan”.

“Waxaan xildhibaannada uga digayaa in aysan ku go’aan qaadanin diyaargarowga guddiga oo runtii sidiisa wax wanaagsan u ah. Guddigana diyaargarowgiina wuu fiican yahay, laakiin sabar yeesha, ka war suga inta halkan ay wax ka soo dhammaanayaan,” ayuu sheegay.

Xildhibaan Canab waxay qabtaa in doorashada si hoose loo dhaadhiciyo oo lagu qabto degmooyiinka iyo tuulooyiinka
Xildhibaan Canab waxay qabtaa in doorashada si hoose loo dhaadhiciyo oo lagu qabto degmooyiinka iyo tuulooyiinka

Arrimaha sida ugu badan looga doodayo Aqalka Baarlamaanka waxaa ka mid ah, doorashada ah qof-iyo-cod, balse waxay su’aal ka taagan tahay sida loo qaban karo iyadoon amniga weli uusan wanaagsanayn.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa tiri: “Waxaan rabnaa in maadaama aan markii hore ku soo tartannay magaalo madax (gobollada), in maanta la daadejiyo oo la gaarsiiyo degmo iyo tuulo oo qofka kursigiisa loo dhigo meesha uu ka soo jeedo oo uu ka soo tartamo. Sidaas ayaan qabaa aniga”.

Laakiin Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi ayaa soo jeediyay su’aal ah “Iyadoo la eegayo xaaladaha jira (amnidarada), in sannad wax ka yar lagu qaban karo doorasho (noocaas ah)?

Xaliimo yarey oo arrintaas ka hadashay ayaa BBC Soomaaliya u sheegtay: “Wixii na loo sameeyay ee noola igmaday waxay ahayd in waddankaan aan ka qabano doorasho qof-iyo-cod ah.

“Waxaan jirnaa muddo afar sano iyo bar ah, waxaan xilligaa ka soo shaqeyneynay farsamo ah sidii doorasho qof iyo cod ah loo qaban lahaa; taas waa farsamada.

“Doorasho waxaa la qaban karaa markii shuruucdeeda la hayo, markii siyaasiyan la isku wada raacsan yahay, markii ay farsamadeedu diyaarsan tahay. Anaga beri markii sharciga naloo dhiibo waxaan aaminsanahay in doorasho waddankaan laga qaban karo”, ayey tiri Xaliimo Ismaaciil, Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyiinka Soomaaliya.

XIGASHO: BBCSOMALI

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY