Home Blog Page 651

Algeria oo dalka Guinea kaga badisay 3 Goal

guinea iyo algeria

Xulkii metelayey Jamhuuriyadda Guinea oo guuldarro la yaab leh la hoyday, kolkii ay 3 gool oo aanay waxba kaga jawaabin ay Algeria kaga badisay.

Ciyaartan oo loogu baxayay siddeed dhammaadka, koobka Qaramada Afrika ayaa ka mid ahayd ciyaaraha ay taageerayaashu indhaha gaarka ah ku hayeen, gaar ahaan Guinea oo ciyaartoygooda Naby Keita ka maqan yahay, dhaawac awgii ayaa la eegayey halkay maqnaanshihiisa gaadhi karaan.

Jawi deggan oo ciyaartu ku bilaabatay ayaa hal mar isbeddelay markii ciyaaryahanka Mohamed Youcef Belaili, uu daqiiqaddii 24-aad kaga naxsaday Guinea goolkii koobaad.

Waxaana lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta oo 1:0 ay guusha ku hoggaaminayso Algeria, waxaana la filayey in Guinea ay dardar cusub la soo geli doonto, oo ciyaarta barbardhac ku soo celin doonto.

Hase yeeshee waxay wax waliba isbaddeleen, markii ciyaaryahankii reer Manchester City ee Riyad Mahrez, oo rejada ka sii laalay, isla mar ahaantaana goolkii labaad u dhaliyey Algeria, daqiiqaddii 57-aad.

Guinea oo u muuqatay, inay qanacday ayaa samaysay iskudeyo goolal loo fishay, asee ay ku hungoobeen. Waxaana xaaladdu sii xumaatay markii ciyaaryahanka garabka uga dheela Algeria ee Adam Ounas uu u saddaxeeyey xulka Guinea, sidaana natiijadu ku noqotay 3:0.

Xulka Algeria waxa uu iska sii xaadiriyey siddeed dhammaadka koobka qaramada Afrika, waxaa uu ka mid yahay xulalka durba saadaashu hayso ee la filayo inay koobkani hantaan.

Wargeyska The Standard: Soomaaliya waxay horseed ka tahay dalalka go’doomiyay Kenya

farmaajo abiy uhuru

Faalladan oo uu u qoray Macharia Munene oo ah faale qore sare oo ka tirsan warbaahinta Kenya, ayaa cinwaan looga dhigay “Soomaaliya ayaa deriska ku hoggaamineyso in Kenya cadaadis la saaro,”

Faallada waxaa lagu sheegay in Kenya ay u muuqato in ay haatan wajahayso go’doon la mid ah kii ku dhacay 1970-meeyadii, xilligaas oo ay ku wareegsanaayeen dowlado hanti-wadaagga qaatay. Kenyana, waxay go’aansatay inay la jirsato Reer Galbeedka iyo Israa’iil, taas oo ka dhigtay dal gebi ahaanba go’doonsan.

Wargeyska ayaa sheegay in 1970-meeyadii ay Soomaaliya dooneysay inay qaadato qeybo ka mid ah Kenya, Itoobiyana ay u wareegtay dhanka hanti-wadaagga, Suudaan qaxooti umbay u soo diri jirtay Kenya. Waxaa intaa sii dheeraa ayuu leeyahay in madaxweynihii Uganda ee xilligaasi, Idi Amin, uu culays saaray deriskiisa. Tanzania iyadu waxay xirtay xadkii ay la lahayd Kenya.

Haatan oo la joogo sanadka 2019-ka, ayaa waxaa muuqata in dhacdooyinkii 1970-kii ay soo noqonayaan, in kastoy wax yar ku kala duwan yihiin.

Ugu horreyn, golaha wasiirrada ee xisbiga talada haya ee Jubilee ayaaa kala qeybsan, iyadoo mucaaradka madaxweyne Uhuru Kenyatta, ee gudaha xisbigiisa ay doonayaan inay sharciyadda ka qaadaan. Arrimaha siyaasadda gudaha, iyo caqabadaha dibedda ayaa tijaabo u ah hoggaanka Uhuru Kenyatta, iyo welibo inuu dalka ka saari karo caqabadaha soo wajahay.

Dhul-boob

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayay tahay ayuu Wargaysku leeyahay inuu wax ka qabto deriska ku soo jeestay Kenya. Itoobiya ayaa haatan gashay marxalad isbaddel, oo Kenya kala wareegtay doorkeedii ahaa inay xarun u ahayd nabadda iyo dhaqaalaha gobolka. Suudaan, weli sidii umbay qaxooti u soo dirtaa. Ugandhana maanta ganacsi ahaan way ka wareegtay Kenya. Tanzania waxayba muujisay in aysan jeclayn dadka reer Kenya. Waxaas oo dhanna waxaa ka daran Soomaaliya, taas oo mar kale hoggaanka u haysa weerrada ka dhanka ah Kenya, iyadoo sheegatay dhul badeed ay Kenya leedahay.

Soomaaliya ayaa dacwadda muranka badda ee kala dhexeeya Kenya u gudbisay maxkamadda cadaaladda dunida ee ICJ
Soomaaliya ayaa dacwadda muranka badda ee kala dhexeeya Kenya u gudbisay maxkamadda cadaaladda dunida ee ICJ

Faallada Wargeysa ayaa sheegaya in Soomaaliya, kaddib markii ay ku guuldareysatay inay dhul-badeedka qaadato, waxay haatan tijaabineysaa in Uhuru Kenyatta uu awood u leeyahay inuu ilaaliyo danaha Kenya iyo in kale. Waxay kaashatay shirakdo reer Yurub ah oo u ooman shidaal, kuwaas oo u diray maxkamadda cadaaladda dunida ee ICJ, taas oo uu madax ka yahay nin Soomaali ah.

Qoraaga ayaa qabo in maxkamadda ICJ ay dhul badeedkaas u xukumi doonta Soomaaliya, Kenya ayuu sheegay inay iska indha-tiri doonta go’aanka maxkamadda.

Faallada waxay leedahay qolyaha badda lagu muransan yahay daneynaya waxay tartan kula jiraan xoogag qaaradaha dunida ka soo tallaabay, oo ay dantoodu ku jirto inay Soomaaliya kala qeybsanaato.

Soomaaliya oo qasan waxay u suuragelineysaa ayuu leeyahay inay ka howlgalaan badda Soomaaliya iyadoo aan lala xisaabtamin. Maraykanka ayaa Soomaaliya ka dhigtay goob ay ku tijaabiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo waxyaabo kale. Hindiya iyo Shiinaha waxay ku tartamayaan xaalufinta kalluunka badda Soomaaliya.

Wargayska ayaa sheegay in in kastoo saamenyta England ee dunida ay sii yaraanayso, kaddib codenytii ka bixintaanka Yurub, oo laga yaabo inay yaraato faraha ay kula jiraan arrimaha Soomaaliya, ayaa haddana waxaa laga yaabaa inay danahooda dhaqaale ku jirto hub inay ka iibiyaan waddamada sida weyn u iibsado, sida Cusmaaniyiinta cusub (Turkiga) iyo waddamada Carabta, ee hodanka ku ah saliidda. Usmaaniyiinta ayaa waqti badan iyo dhaqaale geliyo tababariidda ciidamada Soomaaliya. Waddamada Carabtana waxay ku andacoodeen in Soomaaliya ay Carab tahay, waxayna u digeen Kenya.

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar oo ku baaqay in xilka laga qaado Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland

ugaas cabdilaahi koosaar

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

DAAWO:

Madaxweyne Deni oo magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda

puntland logo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee
Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland

2. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland

3. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka

4. Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

5. Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland

6. Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda

7. Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, Waana saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka oo wax ka bedelay maamulka shirkadda DPW Berbera Invest Ltd

muniir abusite

Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Muniir Abusite ayaa wax ka bedel ku sameeyey maamulka shirkaddii Maalgashiga ee Somaliland sameysatay ee DP World Berbera Investment Limited.

Shirkadda ayaa Directors-ka laga saaray Baashe Omar iyo Sacad Cali Shire.

dpw berbera investments

Dagaal khasaare balaadhan dhaliyey oo degmada Ceel Afweyn ka dhacay

war deg deg

Sida ay sheegayaan warar hordhaca oo aan ka helayno Degaamada Degmadda Ceel Afweyn waxaa dagaal aad u qadhaadhi uu halkaasi ku dhexmaray Beelaha Biciide iyo Sacad Yoonis oo horey xurgufi ugu dhexaysay.

Waxaa la soo sheegay dhimasho iyo dhaawac farabadan oo labada dhinac kala gaadhay, iyadoo dhimashada la gaadhsiinayo toban qof ku dhowaad.

Dhaawacyada aadka u culus ayaa loo qaaday cusbitaalada waaweyn ee Burco iyo Ceerigaabo.

Ma jiro war xaqiiqo ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.

Dowladda Iran oo shaacisay inay sare u qaadday heerka uranium-keeda tayaysan

trump iyo rouhani

Dowladda Iran ayaa shaacisay inay sare u qaadday heerka uranium-keeda tayaysan. Arintan ayaa kusoo beegmaysa toddobaad kadib markii uu dalkaasi shaaciyay inuu jebiyay qodob kamid ah heshiiskii 2015-kii kaasoo ku aaddan xaddiga loo oggol yahay ee keydkiisa uranium-ka ay tayadeedu hooseyso.

Go’aankan ay gaartay xukuumadda Tehran ayaa qeyb ka ah dadaalka ay ku dooneyso inay cadaadis ku saarto dalalka Yurub si ay uga khafiifiyaan cunaqabateynta Maraykanka ee wax u dhintay dhaqaalaha Iran.

Maraykanka ayaa horay uga baxay heshiiska nukliyeerka, waxaana uu cadaadis buuxa ku saarayaa Iran inay gasho wadaxaajood cusub oo lagu xakameynayo damaceeda nukliyeerka.

Wasiirka ku xigeenka arrimaha dibedda Abbas Araqch ayaa sheegay in Iran ay dhankeeda doonayso sii jiritaanka heshiiskan, balse aanay ilaa hadda helin wixii loo ballanqaaday.

Xuseen Ibish oo ka tirsan mac-hadka Maraykanka ee daraasaadka Carabta iyo Khaliijka ayaa sheegay in Iran ay si weyn u dareentay cunaqabateynta Maraykanka:

Dalalka Yurub ayaa doonaya inuu sii jiro heshiiska, balse waxaa kooban taageerada ay sii karaan Iran.

Waxa ay ku dhex wareereen Tehran iyo Washington.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Iran ayaa ka codsaday waqti dheeraad ah oo ay uga soo tashadaan arintan.

Dalalka Yurub ayaa ku dadaalaya inay ka hortagaan fashil ku yimaada heshiiska, balse haddii Iran ay sii wado inay jebiso qodobada, waxaa lagama maarmaan noqoneysa inay isaga baxaan.

Iiraan maxaa ku kallifay iney kor u qaaddo tayeynta Yuraaniyamka?

Horraantii bishii May, wuxuu mdaxweyne Trump cadaadis saaray Iiraan si ay uga badbaaddo cunaqabateyn kale oo uga timaadda dhanka Mareykanka kuwaas oo ku qotomay inaan Iiraan saliidda laga iibsan karin.

Cunaqabateyntaasi ayuu Mareykanka uga gollahaa inuu ku wiiqo awoodda dhaqaale iyo dakhliga Iiraan ka soo geli lahaa saliidda laga iibsado.

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani wuxuu isla markiiba shaaca ka qaaday inuu dalkiisa ka baxayo ballaamihi uu ku galay heshiiski nukliyeerka.

Ruuxaani wuxuu sida oo kale quwadaha reer galbeedka uu u qabtay iney 60 maalmood gudahood ku diidaan cunaqabayentii saliidda Iiraan lagu soo rogay.

Muxuu salka ku hayaa khilaafkan soo cusboonaaday?

Xiisadahan ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labadan dal ayaa imanaya kaddib markii ay Iiraan joojisay waajibaadkii ka saarnaa heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka sidoo kalana ay ku gooddisay inay dib u bilaabi doonto barnaamijkii ay ku kobcinaysay yuraaniyam-keeda.

Heshiiskii 2015, waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sannadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu dalkaasi ku rogay.

Mareykanka waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan.

Baarayaasha Mareykanka ayaa bilowgii bishan Iiraan ku eedeeyay inay walxaha qarxa u adeegsanayaan waxyeelleynta maraakiibta shidaalka qaadda ee ka baxaya Isu-tagga Imaaraatka Carabta. Maamulka Tehraan ayaa iska fogayay eedahaasi.

Daawo Prof Cali Khaliif iyo kooxdii Harti-Waqooyi oo soomeer ku jira maanta u hadh-galay Beesha Arab

kooxda hartiwaqooyi

Kooxda Hargeysa ka sheegatay Harti Waqooyi oo uu hogaamiyo Profesoorka dib-u-socodka noqday ee Cali Khaliif, ayaa ku jira xaalad soomeer ah oo laga yaqaano galbeed fog ee degaamada Soomaalida.

Soomeer waxaa la odhan jiray marka arday quraanku ay reeraha u soo hoydaan oo inta xeedho loo dhiibo reeraha ay kula soo meeraystaan.

Xeedhada ayaa loogu ridaa reer waliba wixii u karsaday, bariis, galay, hadhuudh iwm.

Kooxdan soomeerka ku jirta ee meeraalaysanaysa oo cid ay metelaan jirin ayaa maanta u hadh-galay Beesha Arab.

BAL DAAWO CALI IYO CADAMI MEESHA AY KU DAMBEEYEEN:

Daawo Khudbaddii Madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyey soo noqoshadii Gini

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Hargeysa ayaa khudbad u jeediyey dadweyne farabadan oo soo dhoweyn u sameeyey.

DAAWO:

Caaqil Sanyare: Faysal C Waraabe waxa Isaaq ku tashado ayuu sheegaa waana colaada ay Harti-Waqooyi u qabaan

Mid ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Sool oo ka Jawaabaya Aflagaadooyin qabiilaysan oo Gudoomiyaha cunsuriga ah ee Xisbiga UCID u jeediyey qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Faysal Cali Waraabe uu ku hadlo wuxuu Isaaq ku tashado, islamarkaana uu baahinayo colaada ay Harti-waqooyi u qabaan.

DAAWO CAAQIL SANYARE:

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY