Home Blog Page 164

Haweeney Soomaali ah oo loo doortay hoggaanka magaalo 90% ay caddaan degen yihiin

Deeqo Dhalac mayor Maine usa

Deeqo Dhalac oo ah gabadh Soomaali ah ayaa loo doortay duqa magaalada Maine ee dhacda South Portland ee dalka Mareykanka.

Deeqo waxaa doortay xildhibaanada dowladda hoose ee South Portland kuwaas badandood ah dad caddaan ah kadib markii arkeen dadaalkeeda ku aadan ka shaqeynta arrimaha bulshada, sida ay ku warrantay warbaahinta CNN.

Waxay sheegtay in doorashadeeda ay ka dhigan tahay in guul la gaari karo marka ay dadka isku xiran yihiin.

Magaalada Maine ay gabadhan ka noqotay duq magaalo waxaa boqolkiiba 90 ku nool dad caddaan ah.

Deeqo waxay Mareykanka tegtay sanadkii 1992, waxay bilowday olole abaabul ah ay dadka soo galootiga ugu doodeyso inay noqdaan muwaadiniin Mareykan ah si ay u codeeyaan.

Deeqo Dhalac ayaa sanadkii 2018-kii loo doortay golaha deegaanka ee South Portland City ee dalka Mareykanka.

Waxay xilliggaas ka guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa deegaankaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo ka hadlay muuqaal si kaftan ah uga baxay xafiiskiisa

boris johnson

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska ayaa raali gelin ka bixiyay muuqaal kaftan ahaa uu kasoo muuqday shaqaale ka tirsan xafiiskiisa kaas oo ku saabsanaa in xilliggii lagu gudo jiray xayiraadda ka hortagga cudurka Karona xafiiska lagu qabtay munaasabadda kirismaaska.

Wuxuu amray ku bixiyay in la baaro in la jebiyay xeerarka iyo in kale xilliggaas.

Waxay arrintani ka dambeysay xilli marar badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu beeniyay in xafladdaas ay ka dhacday xilliggii xayiraadda.

Boris Johnson wuxuu sheegay in uu ka carooday markii uu arkay muuqaalka.

Wuxuu xaqiijiyay in wax xaflad ah aanan lagu qaban xafiiska isla markaana aanan la jebin xilliggaas xeerarkii ka hortagga Covid-19.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sidoo kale sheegay in haddi la xaqiijiyo dhacdada tallaabo laga qaadi doono dadka ku lugta leh arrintaas.

Raali gelintan Ra’iisul Wasaaraha ayaa timid ka dib markii muuqaal ay heshay warbaahinta ITV uu muujinayay madaxii saxaafada ee Ra’iisul wasaaraha xilligaas Allegra Stratton oo ku kaftamayay in xafladda ay dhacday bishii December ee lasoo dhaafay xilliggaas oo lagu gudo jiray xayiraadda ka hortagga cudurka.

Askari Kenyan ah oo toogtay xaaskiisa iyo lix qof

kenyan police

Askari ka tirsan booliska Kenya ayaa toogtay xaaskiisa iyo lix qof oo kale subaxnimadii hore ee saaka, sida saraakiisha ay sheegeen.

Waxay arrintani ka dhacday deegaanka Kabete oo u dhaw magaalada Nairobi.

Waxaana la sheegay in askarigii dilka geystay uu is toogtay, sida ay booliska sheegeen.

Ma kala cadda waxa askarigan ku khasbay dilka balse wararka waxay sheegayaan in khilaaf uu ka dhex taagnaa askariga iyo xaaskiisa, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa la sheegay in sarkaalka booliska ah markii uu toogtay xaaskiisa uu rasaas ku furay dad kale oo aan waxbo galabsanin.

Waxaa uu sidoo kale dhaawacay 2 qof oo haatan lagu daweynayo cisbitaalka deegaanka.

Museveni oo sheegay in Qaraxyadii Kampala laga soo qorsheeyay Soomaaliya iyo Kenya

yoweri museveni

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in weeraradii dhawaan ka dhacay magaalad Kampala ee caasimadda dalka Uganda ay hayaan xogo muujinayo in ay soo abaabuleen ama ay ka dambeeyeen kooxo ku sugan gudaha dalalka Soomaaliya iyo kenya .

Hadalkan ayaa madaxweynuhu waxaa uu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wakaalladda wararaka ee Reuters.

“Qaraxyadii ay dhawaan ka dhacay Kampala, waxaan haynaa caddeymo qaar oo muujinaya inay soo abaabuleen kooxo ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Museveni.

Abiy Axmed oo kasoo hanjabay jiidda hore ee dagaalka

abiy axmed2

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ‘dhawaan cagta la marinayo cadowga’ xilli uu shaaciyay in ciidamada militeriga ay TPLF dib uga qabsadeen magaalooyin muhiim ah.

Abiy oo ka hadlayay jiidda hore ee dagaalka wuxuu sheegay in dagaalyahanada fallaagada TPLF ay la kulmeen khasaare xilli ciidamada dowladda ay kala wareegeen magaalooyin dhaca gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku labisan tuutaha militeriga wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalyahanada TPLF ay isa soo dhiibeen xilli ay ciidamadiisa si wadaan howlgalka lagu qabsanayo dhul badan.

Balse TPLF waxay dhankeeda sheegtay in istaraatiijiyad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinkaas.

Shaley ayay aheyd markii hogaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabre Mikael, uu sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan waxa uu ku sheegay cadowga ku qasbaya wadahadalka nabadeed.

Telefishiinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael.

Hoggaamiyaha wuxuu sheegay ciidamada fallagada iney ciidamada cadowga uu ku tilmaamay ay iska caabbin doonan ayna gulo wax ku ool ah ka soo hoyin doonaan.

Lagama yaabo inaan Soomaaliya dib ugu laabto

dhadhaab

Iyadoo muddo bilooyin ah ay ka harsan tahay waqtiga kama dambaysta ah ee ay dowladda Kenya u qabatay inay xiri doonto xeryaha qaxootiga, ayaa arrintaasi waxaa ka digaysa hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

Hay’adda ayaa ku doodaysa inay tahay in si degdeg ah xal loogu helo qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab, kuwaas oo halis ugu jira inay waayaan kaalmada yarta ah ee ay haatan helaan.

Warbixinta hay’adda ayaa tilmaamaysa in saddexdii sanadood ee la soo dhaafay ay aad hoos ugu dhaceen qaxootigii iskood Soomaaliya ugu laaban jiray, arrintaas oo ku soo beegantay qulqulatooyinka oo sare u kacay, barakaca iyo abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Dhanka kale, hay’adda arrimaha qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, ayaa dadka gudaha Soomaaliya ku barakacay sanadkan ku tilmaantay inay gaarayaan 731,000 oo qof. Dadkaas ayaa badankood ku barakacay koofurta Soomaaliya.

Geeddiyo Cabdinuur waxay ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee dib ugu laabtay Soomaaliya afar sano ka hor, balse haatan dib ugu soo laabatay xeryaha Dhadhaab oo markii hore laga qaaday. Mar ay BBC-da la hadleysay ayaa waxay sheegtay in sababta ay xeryaha ugu laabatay ay tahay dhibaatooyin badan oo ay la kulantay.

Geeddiyo oo sanadkii 2011 tagtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, ayaa sagaal sano kaddib waxaa dib loogu celiyay magaalada Kismaayo, kaddib markii seygeeda sida ay sheegtay uu ku qasbay inay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Muddo lix bilood ah oo ay Kismaayo joogtay ayay sheegtay inay dib ugu laabatay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose oo markii hore ay ka timid.

“Bu’aale markii aan tegay dhibaatooyin badan ayaan la kulmay, waxaa ka mid ah wiilkeyga curadka ah ayay iga wateen Al-Shabaab,” ayay tiri Geeddiya. Wiilkeeda oo 18 jir ahaa ayay Geeddiyo sheegtay inuu dhiganayay madraso, markii maamulka Al-Shabaab uu isaga iyo arday kale ay kala baxeen dugsiga ayna u sheegeen in tababar loo qaadayo.

“Markii aan weydiiyay sababta ay wiilkeyga u qaateen, aniga ayaaba la xiray oo 1 beri xirnaa. Jirkeyga dhaawacyada ku yaalla haddii aad aragto waad yaabeysaa, ” ayay tiri Geeddiyo.

Qaxooti badan oo dib ugu laabtay deegaannada ay dowladdu maamusho iyo kuwa ay ka taliyaan Al-Shabaab ayaa waxay sheegeen inaysan helin waxyaabaha aasaasiga ah sida waxbarasho, taas oo ku qasabtay inay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga.

Geeddiya oo toddoba carruur ah dhashay, ayaa waxaa xeryaha ugu dhashay afar carruur ah. Seygeeda ayay sheegtay inay kala tageen markii ay Soomaaliya ku laabteen, kaddibna ay dib ugu laabatay xeryaha oo ay haatan muddo labo sano ah ku nooshahay.

“Waxba sooma qaadan, aniga iyo carruurteyda qaar ayaan la soo laabtay, dhibaatooyin badan ayaana waddada kula soo kulmay,”

Qaxootiga iyo Soomaaliya ayay sheegtay inay u dhaanto nolosha xeryaha, “Qaxootiga nabadgelyo ayaan ku heystaa, laakiin kuma heysto nolol. Ma heysto kaar qaxooti, waxaan ku noolahay xooggeyga,” ayay intaas ku dartay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30-ka bisha June ee 2022-ka.

Arrintaas waxaa shaaca ka qaaday wasiirka amniga gudaha ee Kenya, Fred Matiangí, kaddib markii uu shalay gelinkii dambe kulan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi.

Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Dr Matiangi wuxuu kaloo sheegay in mas’uuliyiin ka kala socda dowladda Kenya iyo hay’adda Qramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay isla garteen in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabo 5-ta bisha May ee 2022-ka.

Hannaankan ugu dambeeyay waxaa ka mid ah inaan cidna qasab lagu rarin oo qaxootiga ay iskood dalkooda ugu laabtaan ama la siiyo shati ay uga shaqaysan karaan ama ku degi karaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.

Balse Geeddiyo ayaa sheegtay inaysan u qorsheysneyn inay ku laabato Soomaaliya “Wax walba oo dhaca lagama yaabo inaan Soomalaiya dib ugu laabto.” Ayay tiri Geeddiyo.

Hay’adda Amnesty International ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Dastuurka Kenya uusan oggoleyn tallaabo kasta oo qaxootiga dalka looga eryayo.

“Xukun kasoo baxay maxkamadda sare ee Kenya sanadkii 2007 ayaa ka mamnuucaya dowladda Kenya in ay tallaabadaas sameyso. Maxkamadda xukunka kasoo baxay wuxuu dhigayay in ay sharci darro tahay, dastuurka dalka Kenyana ay khilaafsan tahay in dowladda Kenya ay si lama filaan ah u xirto xero dhan oo qaxooti ay ku nool yihiin iyadoo xaaladihii ay dadkaas kasoo carareen ay wali ka jiraan waddamadii ay kasoo tageen.”

Ilhaan Cumar oo shaacisay tallaabo adag oo laga qaadi doono gabadhii weerartay

ilhan omar4

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in afhayeenka Aqalka Nancy Pelosi ay tallaabo ka qaadi doonto Lauren Boebert kadib hadalladii Islaam naceybka ahaa ee ay ku weerartay.

Lauren Boebert ayaa Ilhaan Cumar ku qeexday inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka,” waxayna intaas ku dartay inay ammaan tahay in lala raaco wiishka xarunta Congress-ka kaliya haddii aanay wadan boorsada dhabarka lagu qaato.

Boebert ayaa kadib ka cudur-daaratay hadalladaas, hase yeeshee wada-hadal ay taleefonka ku yeesheen ayada iyo Ilhaan ayaa caro ku dhammaaday kadib markii ay diiday inay fagaare ka cudur-daarato, islamarkaana dib is-qabato.

Dimoqraadiga ayaa kadib ku baaqay in Aqalka Wakiilada uu ka xayuubiyo Boebert xubinnimadeeda guddiyada qaar.  

“Waxaan wada-hadal la yeeshay afhayeenka, waxaana aad ugu kalsoonahay inay toddobaadka soo socda qaadi doonto tallaabo adag,” ayey Ilhaan Cumar u sheegtay barnaamijka “State of The Union” ee taleefishinka CNN.

“Markii ugu horreysay ee aan imid Congress-ka, waxaan ka walaacsanaa inaan la i dhaarin doonin sababo la xiriira mamnuuca saarnaa xijaabka. Waxay ii ballan-qaaday inay wax ka qaban doonto wayna kasoo baxday ballan-qaadkeeda. Hadda waxay ii sameysay ballan-qaad kale oo ah inay arrintan wax ka qaban doonto, waana aaminsanahay.”

Weli ma jiraan wax jawaab ah oo ay Pelosi iyo Boebert ka bixiyeen hadalka Ilhaan Cumar. 

Hoggaamiyaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Kevin McCarthy ayaa difaacay Boebert toddobaadkii tegay, isaga oo sheegay inay si shaacsan iyo si gaar ah ugu cudur-daaratay Ilhaan.

Ilhaan ma aysan sheegin tallaabada ay qaadi doonto Pelosi. 

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin. 

Afhayeenka TPLF oo sheegay in Diyaaradaha aan duuliyaha lahayni dad ra’yid ah duqeeyeen

Debretsion Gabra Mikael tigree

Afhayeen TPLF Getache Reda ayaa qoraal uu bartiisa Faceebook soo dhigay ku sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya ay xalay duqeymo ka geysteen magaalada Maale.

Afhayeenka TPLF ayaa sheegay in duqeymaha ay gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay dad rayad ah waxyeeloobeen.

Wuxuuna intaa ku daray duqeyta diyaaradaha drone-ka iney iyagu caadi u tahay daqiiqado ka hor lafteeda ay kor heehaabayeen.

Dowladda Itoobiya ayaa dhanka kale sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan TPLF, OLA iyo BPLF oo damcay iney xadka sudaan ka tallaabaan ay ciidamadooda qalabka sida ka hortageen.

Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka billaawday 13 bilood ka hor ayaan weli u muuqan mid xal waara laga gaaray.

Wargeysyada Carabta oo Abiy Axmed ku sheegay cadow doonayo inuu haraad u dilo Masar iyo Sudan

ethiopia R AbiyAhmed

Wargeysyada Carabta ayaa qoraalladooda iyo nuquladooda waxey kaga hadlayaan xaaladdaha suurta galka ah ee ka dhalan kara colaadaha haatan ka aloosan dalka Itoobiya, iyo marka lagu biiriyo ismaandhaafyada kale ee ka jira mandiqadda Bariga Afrika, isku dhaca xuduudaha ee Sudan iyo Itoobiya, iyo arrinta biyo xireenka.

Qoraayaasha Masaarida, ayaa diiradda saaraya saameynta colaadaha haatan ka socda Itoobiya ay ku yeelan karaan dhibaatada biyo xireenka, ee u dhaxeysa maamulka Addis Ababa, iyo labada maamul ee kale ee Khartuum iyo Qaahira.

Dhawr qoraa ayaa sidoo kale is barbar dhigaya hab dhaqanka ra’iisal wasaaraha Abiye Axmed, ee ku aadan sida uu u maareynayo dagaalka gobolka Tigreega, iyo qalalaasaha biyo xireenka.

Xaaladaha suurtagalka ah

Maqaal kusoo baxey jariidada Al Caraby Al-Jadeed, oo xarunteedu tahay magaalada London, ayaa lagu soo bandhigay afar xaaladood oo suuragal ah, oo ka imaan kara colaadda haatan ka aloosan Itoobiya, iyadoo la eego dadaaladda caalamiga ee dhexdhexaadinta ah iyo kuwa gobolka, ee sii liicaya. Itoobiya ayaa gashey marxalad xasillooni darro ah, iyadoo kolkii hore u taagneyd tusaale ku dayasho mudan dhanka Bariga Afrika, marka la eego horumarka iyo barwaaqada.

Dhacdada koowaad, waa guusha ay gaareen jabhadda xoreynta ee dadka Tigreega iyo xulafadooda, tani waxey la macno tahay iney galaan magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa, oo ay afgambiyaan xukuumadda Abiy Axmed, iyadoo ay jirto suurtagalnimadaasi, haddana waxaa la leeyahay ma badna.

Midda labaad, waa Abiy Axmed, oo si nabad gelyo ah ku wareejiya xukunka Itoobiya, tani waa waxa uggu wanaagsan ee ay maqli lahaayeen jabhadda Tigreega iyo xulafadooda.

Midda saddexaad, waa in xukunka ay ciidanka ka tuuraan Abiy Axmed, laakiin afgambiga ay ku dhaqaaqaan ciidanka ma xalin karo dhibaatada, balse waxa ay dhibaatada kasii dari doontaa marka ciidanka laftiisu kala qeybsamo.

Marka laga hadlayo dhacdadii ugu danbeysay, oo ah xasilinta jiidda hore ee dagaalka, uu ra’iisal wasaare Abiy Axmed kula jiro falaagada Tigreega, kiiskan waxaa laga yaabaa Tigreegu baadi gooban maamul dowladeed nooca la yiraahdo “Confederal”, oo macnihiisu yahay dowladda hal maamul leh, haddana kala madax bannaan, iyo sidoo kale iney Tigreegu Itoobiya inteeda kale madax bannaani ka qaadato. Maxamed Abul Xasan, oo katirsan dadka indha indheeya Internet-ka Masar, ayaa ka hadlaya saameynta uu ku yeelan karo dagaalka haatan ka socda Itoobiya biyo xireenka.

“Dabcan, natiijada kasoo baxda dhacdada Itoobiya waxey saameyneysaa xasilloonida Geeska Afrika, iyo danaha istaraatiijiyadeed ee dalka Masar,” ayuu yiri Maxamed Abul Xasan.

Wuxuu aaminsan yahay ra’iisal wasaare Abiy Axmed, haddii ay mucaaradku ka guuleystaan, iney xukunka ka qaadayaan. Xaalku waxaa ku xiran yahay laba arrimood: midda koowaad, waa in lasii wado wadahadalada, si aan maamulka cusub looggu eedeyn khiyaano, ama inuu u dabcay maamulka Qaahira, taasoo ah tan inta badan la rajeynayo. Heshiis wadajir ah oo dhaxalgal noqda, kaasoo la wada maamulayo biyo xireenka,iyadoo la tixgalinayo walaaca Masar iyo Sudan.

Waxa uu intaa ku darey Maxamed Abul Xasan, in xaaladda saddexaad iney tahay in lagu sii jiro dhibaatada ka dhex aloosan dhinacyada ku diriraya Itoobiya, iyadoo aysan macno yeelan doonin midkoodna, sidaa daraadeed wada hadalada biyo xireenka ay istaagaan, hawsha dhismuhuna sii socoto. Marka dabadeedna wax waliba ay isku cakirmaan.

Waxa uu intaa ku darey khabiirka in xaaladda sii xumaaneysa ee Itoobiya, mid si xooggan saameyn ugu yeelan doonto biyo xireenka, taasoo fursad dhab ah u noqon karta Masar, si ay tabaha ay ciyaareyso ay u badasho, si wadiiqo kale ay ugu marto danteeda, iyo cid kale oo daneyneysa arrinta biyo xireenka.

Dhaleeceynta siyaasadda Abiye Axmed

Qaar badan oo kamid ah qorayaasha Masar, ayaa isla xiriirinaya qaabka xaaladda uu ku wajahay ra’iisal wasaare Abiy Axmed dagaalka gobolka Tigreega, iyo sidoo kale ismaandhaafka biyo xireenka weyn ee Itoobiya, taasoo ay qeyb ka yihiin Masar iyo Sudan.

Khabiir kale, oo layiraahdo Imad Al-Din Hussein, oo wax ku qorey wargeyska Al-Shorouk Al-Masryah, ayaa sheegay in haatan wixii ka danbeeya ay tahay in lala macaamilo ra’iisal wasaare Abiy Axmed, oo uu ku tilmaamey cadow khatar ku ah dadkiisa, iyo dhammaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Masar iyo Sudan.

Qoraa Imad, ayaa ku sababeeyey hailsta Abiy,” nin ku faanaya in qeyb kamid ah dadkiisa uu ku aasayo dhiigooda, oo aan ka waan toobeyn inuu duqeeyo biyo xireen u adeegaya dadkiisa, ugu danbeyna kamana baaqsan doono isku dayga quusta ee uu ku doonayo inuu haraad u dilo dadka Masar iyo Sudan”.

Isaga oo dhinac kale ka duulaya, Qoraa Imad, ayaa tilmaamey in qaar kamid ah Carabta Masaarida ah uu khiyaamey Abiy Ahmed, markii uu qabtey talada dalka Itoobiya, iyadoo ay haatan lasoo daristey ceeb iyo qoomamo, markii ay xaqiiqsadeen in hoggaamiyihii balan qaadey inuu ku faafinayo Afrika nabad iyo dimuqraadiyad inuu lasoo baxey waji aan wanaagsaneyn oo niyad jab leh.

Ibrahim al-Bahi, oo wax ku qorey wargeyska Egyptian Al Ahram, ayaa aaminsan in haatan dagaalka socda ay galin karto xaalad kale, oo ka halis badan waxa jira, taasoo caasimadda Itoobiya ay gacanta ku dhigi karaan mucaaradka, markaana ay Itoobiya ku dhacdo god dheer.

Wuxuu intaa ku darey in dhacdooyinka is daba joogga ah iney muujinayaan xaqiiqada jirta, taasoo ah taliska Abiy Axmed inuu wajahayo caqabado waa weyn iyo qalalaase sharci darro ah, marka loo eego dambiyadii laga galey gobolka Tigreega.

Dabadeed wuxuu is weeydiinayaa, in dowladda Itoobiya ay qaab cusub ula macaamili doonto dowladda Masar, mise isla qaabkii aan is badalka laheyn, ayaa sii socon doona, iyadoo dhibaatadu halkeeda kasii taagnaaneyso, waa tan biyo xireenkee, taasoo caqabad weyn ku noqon doonta mustaqbalka xiriirka Masar iyo Itoobiya, halka Itoobiya aaney muujineyn marnaba dabacsanaan.

Qoraagu waxa uu rajo ka muujiyey in Itoobiya ay Masar ula macaamili doonto qaab cusub, taasoo meesha ka saareysa wajiga qalafsanaanta, io madax adeega labadd dal kala fogeeyey sanadihii u dambeeyey.

Sida haweenka ay maskaxdooda u saameyso dhalmada

Gosiame Thamara Sithole uur

Waxaan wada ognahay in jirka haweeneyda uu ku dhaco isbeddelo badan oo jirka ah xilliga uurka iyo dhalmada kadib.

Laakiin waxa aan si fiican loo aqoon ayaa ah in dhalmada ilmaha ay sidoo kale wax ka beddesho dhismaha maskaxeed ee waalidiinta.

Waxaa la ogaaday in hooyooyinka ama aabayaasha ay la kulmaan isbeddel xagga maskaxda ah oo ku yimaada daryeelka caruurtooda dartii.

Sidaa waxa shaaca ka qaaday weriyaha dhanka Sayniska ee BBC-da Melissa Hogenboom, oo waraysi la yeelatay koox khubarro ah oo si mutadawacnimo ah isugu xilqaamay inay daraasad ku sameeyaan sida carruurtu u saamayso maskaxda.

“Isbeddelka la taaban karo ee heerarka hoormoonka xilliga uurka waxay saameeyaan maskaxda haweeneyda, waxayna u diyaariyaan dhalmada,” ayay tiri Pilyoung Kim, oo ah borofisar ku takhasusay cilmi-nafsiga oo ka tirsan Jaamacadda Denver, ee dalka Mareykanka.

“Waxaan ogaanay in biliha ugu horreeya ee xilliga dhalmada ka dib, hooyada maskaxdeeda ay kor u kacda,” ayay tiri.

“Haweenka intooda badan waxay dareemaan in waxqabadkooda maskaxeed uusan aad u fiicneyn muddadan, iyo inay leeyihiin awood ay wax ku xasuusan karaan,” ayay tiri.

De Lange waxa ay leedahay aragtiyo ku saabsan sababta ay sidaas u dareemi karaan marka maskaxdoodu koreyso.

“Waxay noqon kartaa muddadan in maskaxdu ay hagaagto oo ay bilowdo inay diiradda saarto wax kale,”

“Waxaa jira daraasado muujinaya in isbeddelladani ay la xiriiraan dabeecadaha taranka sida ku-xidhnaanta ilmaha,” ayay tiri.

.

Isbadalka ku dhaca maskaxda

Saynisyahanada iyo khubarada kale waxaa u suurogashay inay ogaadaan meelaha gaarka ah ee maskaxda ka saameyso koritaanka la xiriira.

Isbeddelladani waxay haweenka siyaan dhiirigelin dheeraad ah si ay uga jawaabaan wicitaannada carruurtooda, iyo inay dareemaan farxad marka carruurtooda yaryar ay dhoola caddeeyaan.

Waxa kale oo jira isbeddelo ku yimaada maskaxda ee la xiriira xakamaynta, taas oo u oggolaanaysa hooyada inay xakamayso welwelkeeda xilligga uu ooynayo ilmaha.

Arrinta aysan khubaradu ogayn ah in isbeddelladan dhawrka sannadood socday ay yihiin kuwa ka dhashay dhalmada iyo isbeddellada hormoonnada, ama in ay dhab ahaantii yihiin waxa loo yaqaanno “brain plasticity”: isbeddellada ma ahan kuwa ka imaanaya uurka balse kuwa ka yimaada dhinaca waayo-aragnimada.

neuroplasticity, waa qaabka ay maskaxda isku habeyso isla markaana habdhiska neerfaha si ay uga jawaabto isbaddalada dibadda ama gudaha.

Waxaana jira cadaymo muujinaya in korinka carruurta uu keeno isbeddel ku yimaada maskaxda.

Isbeddelladani waxay sidoo kale ku dhici karaan maskaxda waalidka. Kim waxa uu soo xigtay daraasad ay Israa’iil ku sameysay lammaane dhawaan carruur isu dhalay.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY