Home Blog Page 165

Muxuu yahay “isku dayga dil” ee Erdogan ka badbaaday?

madaxweyne erdogan

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in gaadhi uu saarnaa askari ka tirsan ciidamada booliiska laga helay walxaha qarxa, kaas oo qayb ka ahaa ilaalada isusoobax uu ka qaybgalay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Qalabkan qarxa ayaa waxaa helay saraakiil ka tirsan sirdoonka Turkiga daqiiqado ka hor inta uusan bilaabmin isu soo bax ka dhacay magaalada Siirit ee koonfur bari dalkaasi. Waxaana ka hor tegay koox booliis ah oo bambaanooyinka ku takhusasay.

Qaar ka mid ah warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in uu ahaa isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynaha. Waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo cidda dhigtay qalabkan.

Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in booliska Turkiga ay bam hoos ka heleen gaari uu saarnaa askari ka tirsan booliska rabshadaha ka hortaga oo loo xil saaray inuu ka shaqeeyo munaasabad uu ka qeyb galay madaxweyne Tayyip Erdogan oo ka dhacday bariga Turkiga.

Qalabkan ayaa la sheegay in laga helay magaalada yar ee Nusaybin oo ku taalla xuduudka Suuriya, halkaasoo sarkaalku uu doonayay inuu u kaxeeyo meel 200 km (125 mayl) waqooyi bari ka xigta Siirt, oo ah goobta Erdogan uu markii dambe kula hadlay dad bannaanka isugo soo baxayt.

Gaadhiga ayaa la dhigay guriga sarkaalka oo ku yaala Nusaybin. Bamkii waa la furay, waxaana la bilaabay baadhitaan, sida ay sheegtay Anadolu.

Hamza Dag, oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya ee Erdogan, ayaa sheegay in booliisku ay dib u dhigeen sii deynta xogta si ay uga fogaadaan khalkhal gelin shacabka.

Kooxaha baadhitaanka ayaa sidoo kale hubiyay kamaradaha amniga ee gobolka.

Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay magaalada Siirt ayaa waxa uu ku sheegay in argagixisadu aanay meelna kaga jirin mustaqbalka dalkiisa iyo gobolkaba.

Waxa uu ku adkeystay in Turkiga uu sii wadi doono dagaalka uu ka wado gudaha iyo dibadda xuduudka inta uu ka saarayo argagixisada dalka.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyay doorka bulshada rayidka ah iyo adeegyada dowladda ee sanadihii lasoo dhaafay.

Qudbadii uu ka jeediyay Siirt, Erdogan waxa uu sheegay in uu rajaynayo in sarifka lacagaha qalaad ee isbedbedelaya iyo sicir-bararka ay si deg deg ah u degi doonaan,kadib markii uu iib taariikhi ah ka gaday

“Haddii Alle idmo waxaan xasilin doonnaa dhammaan isbedbedelka sicirka iyo sarifka lacagaha qalaad muddo aan sidaas u dheereyn,” ayuu Erdogan u sheegay dad isugu soo baxay magaalada Siirt ee bariga dalkaasi.

Erdogan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dulsaarku halis yahay isaga oo ku adkaystay siyaaddiisa ku aaddan arrintaas .

“Weligay kama tanaasuli doono arrintan sababtoo ah heerka dulsaarka ayaa ah cudur ka dhigaya kuwa taajiriinta ah kuwa sii taajira oo hodan sii noqdahala saboolkana uu ka sii dhigayo kuwo sii faqiira” lacagta Turkiga ee Liiraha.

Xayawaan hor leh oo laga helay fayraska Koroona

jeer coronavirus

Mas’uuliyiinta beer xayawaanka lagu xannaaneeyo oo ku taal dalka Belgium-ka ayaa sheegay in laba ka mid ah jeerta ku nool beertaasi la karantiilay kaddib markii laga helay fayraska Korona.

Ma cadda sida labadani Jeerta ahi oo lagu kala magacaabo Imaani oo 14 sano jir ah iyo Hermien, oo 41 sano jir ah, ay u qaadeen fayraska cudurkani.

Maamulka beertan oo lagu magacaabo Antwerp ayaa sheegay Jeertaasi lagu arkay astaamaha cudurkaasi sida diif ka qulqulaya sankooda.

Xayiraado ayaa lagu soo rogay beertani xayawaanka ilaa iyo inta ay labadani Jeer jirkooda laga waayayo fayraska cudurkaasi.

Horey waxaa caalamka oo dhan uga jiraya warar sheegayay in xayawaanno kala geddisan laga helay cudurkan dunida saameeyay.

Sida caadiga ahi, sanka Jeerta ayaa ah mid inta badan qoyan balse dhakhaatiirta ku takhasusay cudurrada ku dhaca xayawaanka ee beerta Antwerp ayaa waxay go’aansadeen in ay baaraan diif ka qulqulayay labadani Jeer, waxaana markiiba la xiray halkii ay beerta ka joogeen.

Shaqaalihii xannaanadooda ka shaqeynayay oo markii la baaray laga waayay cudurkaasi ayaa hadda la amray in ay af-saabtaan isla markaana ay xirtaan muraayadaha indhaha ayna isticmaalaan jeermis-dile ka hor inta aysan taaban ama wax siin Jeerta kale ee halkaasi ku jirta.

“Inta aqoontayda ah, waa markii ugu horreysay ee Jeer laga helo cudurkan. Adduunka oo dhan fayraskan waxaa inta badan lagu arkay daanyeerta iyo bisidaha,” ayuu yiri Francis Vercammen oo ah dhakhtar ka hawlgala beertaasi.

Horraantii usbuucan ayaa dowladda Canada waxay xaqiijisay in cudurkan laga helay deero, waana markii ugu horreysay oo cudurkan laga helo ciddoodka dalkaasi ku nool.

Balse maadaama inta badan aan baaritaan lagu sameyn ugaarta iyo duurjoogta kale, cidna ma xaqiijin karto sida uu cudurkan ugu dhex faafay ciddoodka iyo xayawaanaadka kale.

Xayawaankii ugu horreeyay oo laga helay fayraska Koroona

Horraantii bishii Abriil ee sanadkii hore ayaa dalka Mareykanka waxaa cudurkani laga helay Shabeel dhiddig ah oo da’diisa lagu sheegay afar sano islamarkana lagu magacaabo Nadia oo ku jiray beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee Bronx.

Shabeelkan, ayaa inta la ogyahay noqday xayawaankii ugu horreeyay ee laga helay cudurka Covid-19 ee aadanaha ku dhaca.

Saraakiisha beertani lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Bronx, ee ku taalla magaalada New York, ayaa waxay sheegeen in natiijada baaritaankan lagu xaqiijiyay Shey-baar ku yaalla Iowa.

Nadia iyo lix xayawaan oo kale ayaa la rumaysan yahay in cudurkan ay ka qaadeen mid ka mid ah ilaalada duurjoogta.

Ma inaan ka walwalnaa xayawaanka faafinaya fayraska Koroona?

Dhammaadkii bishii Maajo ee sanadkii 2020-ka yaa dowladda Netherlands waxay sheegtay in fayraska corona oo laga helay mid ka ah beeralayda dalkaasi uu u gudbiyay ama ka qaaday xayawaan.

Saynisyahannada ayaa aaminsan in fayraskani Koroona uu markii ugu horreysayba ka yimid xayawaanka, balse tan iyo markii uu Wuhan ka billawday, wuxuu ku faafay dhammaan qaaradaha adduunka waxaana isu gudbinayay ama isku faafinayay bini’aadamka.

Waxaa sidoo kale jira su’aallo ku saabsan sida uu fayraska ugu dhacay xayawaankan. Balse waxaa cad in faafidda iyo khatarta ama halista fayraska uu ku badanyahay bani’aadamka.

Sidoo kale dhammaadkii bishii Luuliyo ee isla sanadkaasi ayaa Bisad ku nool dalka Ingiriiska waxaa laga helay cudurkani Koroona.

Bisaddan oo ka mid ah xayawaanka guri-jooga ah ee dadku ay dhaqdaan ayaa khubarada caafimaadka waxay sheegeen in ay tahay markii ugu horreeyay ee laga helo xayawaan la xannaaneysto ee dalka UK, waxaana ay intaa ku dareen in taasi aysan ka dhignayn in xayawaankaasi uu faafiyo fayraska.

Waxaa la rumeysan yahay in bisaddan ay xanuunka ka qaaday qof xannaaneysanayay, oo markiisii hore laga helay fayraska.

Muxuu yahay hubka uu Shiinaha heysto ee uu Mareykanku ka baqayo?

gantaal chinese

Xoghayaha Gaashaanshigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa shalay sheegay in tallaabada uu Shiinuhu ku hormarinayo hubka hypersonic uu walaac ka abuurayo gobolka.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uu isku diyaarinayo inuu wajaho khatarta uga imaanaysa Shiinaha.

Austin ayaa tegay magaalada Seoul si uu uga qeyb qaato wada hadallada ammaanka ee lala galay Kuuriyada Koofureed. Xilligaas, labada dal ayaa ka wada hadlay cabsida laga qabo dalalka deriska ah sida Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa isku dayaya inay horumariyaan hub awood leh oo dheeraad ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabineysay hubkeeda. Isla markaas, Ciidamada Shiinaha ayaa labo jeer riday gantaallo kuwaas la mid ah, kuwaas oo la ogaaday inay beegsanayaan bartilmaameedka loogu talogalay.

Waxaa la rumeysan yahay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay tijaabadaas.

Bishii July, Shiinaha ayaa sameeyay tijaabo ay khubarradu ku sheegeen inuu yahay hubka nooca hypersonic. Inkastoo Shiinaha uu sheegay inay ahayd tijaabada hub hore oo duug ah.

Isagoo ka hadlayay tijaabadii hubka Shiinaha ee July, ayaa Lloyd Austin wuxuu sheegay inay ka walaacsan yihiin awoodda militari ee Shiinaha isagoo sababta ku sheegay inay taasi walaac ka abuureyso dalalka deriska ah.

Wuxuu soo hadal qaaday dadaallada uu Shiinuhu ku horumarinayo hubka cusub si uu u xoojiyo awooddiisa militari.

“Waan sii wadi doonnaa xoojinta awooddeenna si aan nafteenna iyo tan xulafadeennaba u difaacno waan isku diyaarin doonnaa inaan wajahno khatarta Shiinaha,” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa sidoo kale horumarinaya hubka hypersonic

Bishii la soo dhaafay, Madaxa Ciidamada Mareykanka Jeneraal Mark Milley ayaa sheegay in Mareykanku uu horumarinayo hubka hypersonic.

Khubarrada ayaa aaminsan in Mareykanku uu ka walaacsan yahay in Shiinaha iyo Ruushka aysan ka baaqsan doonin horumarinta hubka.

Bishii September ee sanadkan, Mareykanka ayaa sheegay inuu ku guuleystay tijaabada hubka Hypersonic.

Hubka Hypersonic ayaa ilaa shan goor ka dheereeya dhawaqa wuxuuna ka hortagi karaa hubka hawada ku jira.

Si kastaba, khubarrada qaar ayaa sheegay in gantaallada hypersonic ay sababi karaan labo xaaladood sida inuu walaac abuuro amaba xabbad-joojin.

‘Hannaanka diblomaasiyadeed ee ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi’

Isagoo ka hadlayay Kuuriyada Waqooyi, ayaa Lloyd Austin wuxuu sheegay in arrinta dalkaasi uu kala hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed Soo Wook, iyo sidoo kale iskaashiga ganacsi.

Wuxuu sheegay in dadaallada Kuuriyada Waqooyi ay walaac ammaan ka abuurayaan gobolka. Wuxuu intaas raaciyay in Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ay diyaar u yihiin in wada xaajood laga galo arrinta Kuuriyada Waqooyi.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed Soo Wook ayaa sheegay in si loogu guuleysto nabad waarta oo ka dhalata gacanka Kuuriya, ay muhiim u tahay xulafadiisa inay fahmaan dadaalka Kuuriyada Koofureed.

Inkastoo xaalad dhaqaale oo ba’an ay ka jirto saameynna uu ku yeeshay xanuunka coronavirus, haddana Kuuriyada Waqooyi ayaa diidday dalabka Mareykanka ee ah inay wada hadallo yeeshaan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Mareykanka looga baahan yahay in marka hore uu wax ka beddelo aragtidiisa ku aaddan Kuuriyada Waqooyi uuna ka qaado cunaqabateynta.

Maamulka Joe Biden, ayaa dhanka kale, sheegay in cunaqabateynadaas caalamiga ah aan la qaadi doonin ilaa Kuuriyada Waqooyi ay joojiso horumarinta hubka nukliyeerka.

Horraantii toddobaadkan, Pentagon-ka ayaa sheegay in Mareykanka ay tahay inuu xoojiyo iskaashiga dalalka uu xulafada la yahay si looga hortago khatarta militariga Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

XIGASHO BBCSOMALI

Itoobiya oo sheegtay in magaalooyin horleh ka qabsatay TPLF

abiy axmed2

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay iney magalooyin hor leh ay ka qabsadeen fallaagada TPLF, magaalooyinkasi oo ka tirsan deegaanka Amxaarada oo ay dagaallada ugu badan ka dhacayeen.

TPLF dhankooda waxay sheegeen magaalooyinka laga qabsaday qaarkood iney uga baxeen xeelad dagaal.

Wasaaradda waxbarashada dalka Itoobiya ayaa xirtay dhammaan dugsiyada sare ee dalkaasi si ardayda ay dadka beeraleyda ahi ee ku maqan safka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF uga caawiyaan goosashada dalagyada beeraha.

Madaxweyne sheegay in dadka laga talaalay Covid-19 ay halis ugu jiraan inay qaadan HIV/AIDS

madaxweyne Bolsonaro brazil

Maxkamadda Sare ee dalka Brazil ayaa furtay baaritaan ku saabsan hadallo been abuur ah ee uu sheegay madaxweyne Bolsonaro kuwaas oo tibaaxaya in dadka laga tallaalay xanuunka Covid-19 ay halis sare ugu jiraan inay qaadaan xanuunka AIDS-ka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu hadalkan yiri isagoo oo tebin toos ah ka waday baraha bulshada, inkastoo markii dambe dambe laga masaxay baraha Facebook, YouTube iyo Instagram iyagoo adeegsanaya siyaasadahooda ka dhanka ah wararka been abuurka ah.

Mr Bolsonaro ayaa had iyo jeer shaki geliya waxtarka tallaalada fayraska koroona.

Waxa uu durba wajahayaa baaritaan gooni ah oo ku saabsan sida uu u maareeyay cudurka faafa ee fayraska koroona.

Intii lagu guda jiray tebinta tooska ah, Mr Bolsonaro wuxuu sheegay in “in dadka si buuxda looga tallaalay Covid-19 ay halis ugu jiraan cudurka (Aid-ka)”

Sheegashada waxaa si adag u diiday saynisyahano iyo khubarada caafimaadka.

Ilhaan Cumar oo soo bandhigtay cod halis ku ah nolosheeda oo loo soo diray

Ilhan omar

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay waxay kusoo bandhigtay farriin cod ah oo hanjabaad ah, oo loogu sheegayo in la dili doono.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in lagu tilmaamay in ay tahay Jihaad doon xiriir la leh ururada xagjiriinta, waxayna goobta ay saxaafadda kula hadlaysay ka daartay codka loogu hanjabayay.

“Waan ognahay waxaad ku sugan tahay. Waxa aad rabtana in aad dalkeyna qabsataan. Ha welwelin, waxaa jiro dad badan oo jecel inay helaan fursad ay kugu dhaafiyaan Adduunkaan xun, waan ognahay waxaad tahay,” ayuu yiri qof aan la aqoon oo cod usoo diray Ilhan.

“Waxaad tahay khaa’inul wadan. Ma sii noolaan doontid wax badan, waxaan ku dammaanad qaadi karaa taas. Haddii aan nahay shacabka waan kacnay markaan, waxaana la idin horgeyn doonaa maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana lagugu soo oogi doonaa dambiga.”

Ilhaan ayaa sheegtay in farriinta codka ay tahay tusaale kamid ah hanjabaadaha iyo dhibaateynta ay Jamhuuriga ku hayaan dadka Muslimka ah.

Farriinta codka ee loo soo diray Ilhaan ayaa waxay kusoo aadeysa saacado kadib markii wada-hadal taleefon ah uu dhex maray Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga iyo Lauren Boebert oo Jamhuuri ah, kaasi oo ku dhammaaday buuq kadib markii Boebert ay diiday inay si cad raali-gelin uga bixiso inay Ilhaan ku tilmaamtay halis.

Boebert ayaa dirtay taleefonka kadib markii uu soo shaac-baxay muuqaal ay Ilhaan Cumar oo Muslim ah, ugu yeertay inay xubin ka tahay “kooxda jihaadka.”

Muuqaalka ayaa muujiyey Lauren Boebert oo leh “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.”

“Xubintan ayaa loo ogolaaday inay kamid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tiri Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda ka hor Ilhaan Cumar ugu yeertay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.”

Ilhaan Cumar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fileysay raali-gelin.

“Intii ay raali-gelin ka bixin laheyd hadalladeeda Islaam naceybka ah iyo beenta ay abuurtay, Boebert waxay diiday inay si shaacsan u qirato hadalladeeda halista iyo naceybka ah. Waxay taa beddelkeed laba jibaartay hadalladeeda, anigana waxaan go’aansaday inaan dhammeeyo taleefonkii aan miro-dhalka aheyn,” ayey tiri Ilhaan.

Tan iyo markii Ilhaan Cumar ay ku biirtay aqalka Koongareeska, waxay mar walba la kulmaysay hanjabaado dil ah, iyadoo caddeysay sababta loo bartilmaameedsanayo inay tahay isirkeeda iyo diinteeda Islaamka.

MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

farmaajo6

Muqdisho, Diseembar 02, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Dooxa kaga qayb galay Furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

DHAMMAAD.

Maxaad ka taqaanaa magaalooyinka ugu qaalisan iyo kuwa ugu raqiisan ee adduunka?

tel aviv israel

Tel Aviv ayaa loo magacaabay in ay tahay magaalada ugu qaalisan adduunka in lagu noolaado, iyada oo sicir bararka cirka isku sii shareeraya iyo dhibaatooyinka la xiidhiidha dhanka isgaadhsiinta badeecada ee dunida ay kor u kiciyeen qiimihii.

Magaaladan Israel ku taal ayaa markii ugu horeysay kaalinta koowaad ka gashay sahan ay sameeyeen Unugga Sirdoonka Dhaqaalaha (EIU), iyagoo ka soo kacay kaalinta shanaad sannadkii hore waxayna ku riixeen Paris inay la wadaagto Singapore kaalinta labaad.

Dimishiq, oo ku taal dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Suuriya, ayaa sii xajisatay booskeeda oo ah tan ugu jaban adduunka.

Sahanku wuxuu isbarbar dhigayaa qiimaha doollarka Mareykanka ee badeecadaha iyo adeegyada ay bixiyaan 173 magaalo.

EIU waxay sheegtay in xogta ay uruurisay bilihii Ogosto iyo Sebtembar ay muujisay in celcelis ahaan qiimuhu kor u kacay 3.5% marka loo eego lacagta gudaha – sicir bararka ugu dhaqsaha badan ee la diiwaan geliyo shantii sano ee la soo dhaafay.

Gaadiidka iyo waxa khuseeya ayaa lagu arkay qiimaha ugu badan ee kor u kaca, iyadoo qiimaha halkii litir ee shidaalka ah uu kor u kacay 21% celcelis ahaan magaalooyinka la darsay.

Tiigsashada Tel Aviv ee halka ugu saraysa ee EIU ee Qiimaynta Qiimaha Nolosha Adduunka ayaa inta badan ka tarjumaysa qiimaha sare u kaca ee lacagta Israa’iil, ee lagu magacaabo Shekel, marka loo eego dollarka. Qiimaha gudaha ee ku dhawaad ​​10% ee badeecadaha ayaa sidoo kale aad u kordhay, gaar ahaan kuwa raashinka.

Sahankan ayaa lagu ogaaday in Tel Aviv ay tahay magaalada labaad ee ugu qaalisan dhanka khamriga iyo gaadiidka dadweynaha, halka shanaad ay ka tahay alaabta daryeelka shakhsi ahaaneed, iyo lixaad ee dhanka madadaalada.

Duqa magaalada Tel Aviv, Ron Huldai, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Haaretz uga digay in sare u kaca qiimaha hantida – oo aan lagu darin xisaabinta EIU – ay la macno tahay in magaaladu ay ku sii jeeddo “xaalad qarax oo kale ah”.

“Tel Aviv waxay noqon doontaa mid aad qaali u ah, sida dalka oo dhan uu u sii qaaliyoobayo,” ayuu yidhi.

“Dhibaatada aasaasiga ah ayaa ah in Israa’iil aysan ka jirin xarun kale oo magaalo weyn ah, Maraykanka, waxaa ku yaal New York, Chicago, Miami iyo wixii la mid ah. Britain, waxaa jira Greater London, Manchester iyo Liverpool, halkaas waxaad u guuri kartaa magaalo kale. haddii qiimaha maciishada uu aad u culus yahay.”

Sannadkii hore, Paris, Zurich iyo Hong Kong waxay wadaageen kaalinta koowaad ee sahanka EIU. Zurich iyo Hong Kong ayaa sanadkan galay kaalinta afaraad iyo shanaad, waxaana ku xiga New York, Geneva, Copenhagen, Los Angeles iyo Osaka.

Tehran ayaa kor u kacday heerka ugu sarreeya, iyada oo ka soo booday 79th ilaa ay timi 29th, iyada oo cunaqabataynta dhaqaale ee Maraykanku ay sii waday inay sababto gabaabsi badeecado ah iyo kor u kaca qiimaha wax soo dejinta ee Iran.

EIU waxay sheegtay in sicir bararka yimi uu qayb ka yahay isbeddellada uu keenay cudurka faafa ee coronavirus.

“In kasta oo inta badan dhaqaalaha uu hadda soo kabanayo markii la soo saaray tallaalka Covid-19, magaalooyinka waaweyn ee adduunka ayaa wali la kulmaya kor u kac joogto ah oo kiisas cusub ah, taas oo keentay xannibaado bulsheed oo soo cusboonaaday. Magaalooyin badan tani waxay carqaladaysay saadka badeecadaha, taasoo keentay gabaabsi iyo qiimo sare oo wax lagu kala. “

Waxay warbixintu intaas ku dartay: “Isbeddelka baahida macaamiisha waxay sidoo kale saameyn ku yeelatay caadooyinka wax iibsiga, halka kalsoonida maalgashadayaasha ay saameysay lacagaha,Taas oo iyana sii kordhisay sicirkii”

EIU waxa ay sheegtay in la filayo in qiimaha uu u kaco ilaa dhexdhexaad sanadka soo socda iyada oo bangiyada dhexe ay si taxadar leh u kordhiyeen heerka ribada si ay u joojiyaan sicir bararka.

Shanta magaalo ee ugu qaalisan

  • 1 Tel Aviv
  • 2 Paris and Singapore in joint place
  • 3 Zurich
  • 4 Hong Kong

Shanta magaalo ee ugu jaban

  • 1 Damascus
  • 2 Tripoli
  • 3 Tashkent
  • 4 Tunis
  • 5 Almaty

Source: EIU’s World Cost of Living index

Ilhan Cumar oo sheegtay in ay wajahayso halis weyn oo nafteeda ah

ilhan omar4

Xildhibaanada Aqalka Congresska Maraykanka Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay wajahayso halis weyn oo nafteeda ah, kadib markii sida ay sheegtay ay heshay farriimo cod ah oo hanjabaad ah.

Shir jaraaid ayay ka daartay codka loo duubay, kaas oo ay warbaahinta laga sii baahiyay.

Iyada oo marti ku ahayd barnaamijka Peacon ee taleefishinka MSNB ee Mahdi Xassan uu daadiyo ayay sheegtay in aysan xitaa aqoonin sida uu hadda xaalkeeda yahay.

Farriinta loo duubay waxaa ku jiray erayo hanjabaad ah oo lagu eedeynayo in ay tahay Jihaad doon, lagana taqalusi doono.

“Markii ugu horeysay ee xisbiga dhexdiisa la ii xushay in aan ku tartamo kursigan, maalin kadib waxaa isoo gaartay farriintii ugu horeysay oo hanjabaad dil ah “ayay tiri Ilhaan oo muujisay in hanjabaadaha ay muddo soo jiitameen.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan soo cusboonaysiiyay weerarada afka ah ee uu ku qaadayo Ilhaan, wuxuuna markan ku eedeeyay Ilhaan in ay dayacday dalkeedii Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in inkasta oo siyaasiyiin kale ay helaan hanjabaado, haddane kuwa iyada loo jeediyo ay sababta tahay diinteeda iyo isirkeeda, waxayna intaas ku dartay in dhamaan hanjabaadaha ay ku jiraan fikrado uu horey uga faafiyay Trump.

Ilhaan waxa ay qabtaa in xitaa haddii iyada aanan wax la yeelin, ay waxyeelo gaari karto qof kasta oo iyada u eg.

Dhanka kale Ilhaan waxa ay ka hadashay haweenay xildhibaan ah oo Aqalka ay iskula jiraan oo Ilhaan ku tilmaamtay argagixiso. Ilhaan waxa ay ku baaqdey in laga qaado talaabo ku habboon, sidoo kalena lasoo saaro sharciyo hakamaynaya hadalada caynkaas ah.

Jamhadda TPLF oo laga qabsaday magaalo taariikhi ah

ethiopian army

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigreeda ee TPLF.

Qabsashada magaaladaasi ay qabsadeen ciidamada dowladda ayaa noqoneysa guushii ugu dambeysay ee ay dowladdu sheegato tan iyo markii todobaadkii hore uu ra’iisalwasaare Abiy Axmed u baxay furimaha hore ee dagaalka si uu u hoggaamiyo hawlgalka ciidamada.

Jabhadda Tigreeda ee TPLF ayaa sheegtay in “xeelad” ahaan ay ka baxeen meelo gaar ah.

Magaalada Lalibela oo caan ku ah kaniisadaha dhagxaanta gudahooda laga dhisay, ayaa bishii Ogosto waxaa la wareegtay fallaagada TPLF.

Magaaladaasi oo ay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO u aqoonsatay mid taariikhi ah ayaa ku taal gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya, waxa ayna ahayd goob loo dalxiis tago ka hor intii aysan qarxin colaadda dalkaasi muddo haatan laga joogo sanad.

Colaadda ayaa ka billaabatay waqooyiga gobolka Tigray, waxa ayna markii dambe ku faaftay qeybo kale oo ka tirsan Itoobiya, iyadoo kooxda TPLF ay isku dayday in ay duullaankeeda ku qabsato magaalada Addis Ababa oo koonfurta kaga beegan gobolka Tigreeda iyo xuduudka dalka Jabuuti ee dhanka bari, taasi oo muhiim u ah marinka saadka guud ahaan Itoobiya oo aan lahayn Bad.

Cabsi laga qabay in fallaagada TPLF ku ay qabsato magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayaa keentay in bishii hore dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK in ay muwaadiniintooda ku booriyaan in ay ka baxaan gudaha dalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganaysa afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaa shalay sheegtay in militarigoodu uu sidoo kale ku kalsoon yahay in “muddo yar” ay dib ula wareegaan magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie.

Fallaagada TPLF ayaa bishii hore qabsatay magaaladaasi Dessie, arrintaasi oo loo arkayay in ay dhibaato wayn ku tahay dawladda, maadaama ay magaaladani isku xirto Addis Ababa iyo xuduudka Itoobiya la leedahay Jabuuti.

Sida ay dowladdu sheegtay, magaalooyinka kale ee fallaagada lagala wareegay waxaa ka mid ah Shewa Robit, oo qiyaastii 220km u jirta Addis Ababa.

Teleefishin u janjeera dhanka dowlada ayaa talaadadii baahiyay muuqaalka ra’iisalwasaare Abiy Axmad oo xiran tuutaha ciidaamda, isla markaana diirad ku eega dhulka buuraleyda ahi.

“Cadowgu waa la jebiyay. Hawsha noo hartay waa in aan cadowgu xididdaha u siibno oo aan baabi’inno,” ayuu ku yiri askar fadhida geed hoostiisa.

Usbuucii la soo dhaafay ayuu hoggaamiyaha kooxda TPLF, Debretsion Gebremichael, wuxuu dhambaal u diray Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in uu ka walaacsan yahay duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee sida uu sheegay lala beegsanayo dadka rayidka ahi.

Debretsion ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka heshay dalka Shiinaha, iyadoo sidoo kale hub ka heshay waddamada Iran, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Itoobiya iyo waddaamada kale ee uu soo hadal qaaday ayaan dhammaantood ka jawaabin eedeyntaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa hadda booqasho ku jooga dalka Itoobiya, waxaana la filayaa in uu la kulmo ra’iisalwasaare ku xigeenka dalkaasi, Demeke Mekonnen, oo la wareegay shaqada maalinlaha ah ee dowladda Itoobiya maadaama Abiy Axmed uu ku maqan yahay furimaha hore ee dagaalka.

Dowladda Shiinaha ayaa ka soo horjeestay “faragelinta” shisheeyaha ku hayo arrimaha Itoobiya, xilli xukuumadda Abiy Axmed ay cadaadis xooggan kala kulmayso Mareykanka iyo qaar ka mid ah waddamada reer Yurub, gaar ahaanna arrimaha la xiriira tacaddiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in ay dhaceen intii ay colaaddu socotay.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa shirkadda Twitter ku eedeysay in ay bartilmaameedsanayso bogagga lagu dhaliilo fallaagada TPLF.

Haseyeeshee shirkaddaTwitter ayaa sheegtay in ay wali “dhexdhexaad ka tahay afkaarta siyaasadeed iyo tan qowmiyadeed” ee dalkaasi.

Shirkadda Facebook ayaa tirtay qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay ra’iisalwasaare Abiy, iyadoo sheegtay in qoraalkaasi uu ku xad gudubtay shuruucdeeda ka dhanka ah hurinta rabshadaha.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY