Home Blog Page 227

Guddoomiye ku xigeen G Banadir: cidna laga aqbali maayo fowdo iyo qalqal galin amni

caliyare cali

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aan cidna laga aqbali doonin fowdo iyo iyo qalqal galin amni.

hadalka gudoomiye Xigeenka ayaa daba socday fowdo iyo qalqal gelin uu saaka ku kacay Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John), kaas oo mudo daqiiqado ah xilkii looga xayuubiyey.

Taliyihii Booliiska G Banaadir Saadaq John oo xilka laga qaaday iyo Farxaan Qaroole oo lagu bedelay

farxaan qaroole iyo saadaqj

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa hadda xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Waxaana xilka Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare,

Farxaan Qaroole ayaa ahaa Taliyaha Ciidanka Haramcad.

Saameyntii Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo daaqadda ka baxday

beesha caalamka2

Safiirada QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ku guuldarreystay tallaabooyin saddex ah oo ay qaadeen oo lagu wiiqayo awoodda Farmaajo, islamarkaana lagu raadinayo xal doorasho oo uusan qeyb ka aheyn, sida ay sheegayaan xogo laga helalayo ilo wargal ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wakiilada beesha caalamka ay ka quusteen in la helo xal looga gudbo is-mari waaga doorashada, hase yeeshee qorshayaashooda ayaa fashilmay.

Qorshayaashaas oo la damacsanaa in lagu wiiqo awooda Madaxweynaha ayaa kala ahaa

1- Saaxiibada Caalamka ayaa isku dayay in hoggaanka doorashada Soomaaliya uu la wareego Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, islamarkaana ay qeyb kala noqdaan maamul gobaleedyada dalka, taas oo ugu dambeyn la sheegay in ay ka socon weysay dhinaca Rooble oo si cad u diiday qorsheyaashii la soo maleegay.

2- Beesha Caalamka waxay isku dayday in ay heshiiyaan maamul gobaleedyada dalka islamarmaana go’aan mid ah ka qaataan arrimaha la isku hayo ee doorashada, waxaana kulamadii dhici lahaa ka baaqday maamulada taabacsan Villa Somalia oo lagu cadaadiyay in aysan ka qeyb gelin. Haddii maamulada heshiin lahaayeen waxaa meel cidlo ah kusoo dhici lahaa madaxtooyada oo u muuqan laheyd caqabadda doorashada.

3- Beesha caalamka waxay isku dayday in khilaafka doorashada Soomaaliya ay kala hadasho Guddoonka Golaha Shacabka oo cabsi weyn laga qabo in uu ku dhaqaaqo muddo korarsi, waxaana la sheegay in arrintaasna ay u socon weyday.

Tallaabooyinka beesha caalamka ayaa keenay in wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay qoraal u dirto Golaha Ammaanka, kaasi oo looga digay “faro-gelinta” arrimaha doorashada.

Waxaa taasi xigay in xalay uu baarlamanka shaaciyey in maanta uu dhacay kulan looga hadlayo “doorashooyinka qaranka,” lana rumeysan yahay in muddo kordhin lagu sameynayo, waxaana muuqata in saameyntii beesha caalamka ee Soomaaliya ay daaqadda ka baxday.

Ciidamo tiro badan oo caawa la dhigay wadooyinka Muqdisho

booliis howlgal amni

Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa caawa lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee gala xarunta Villa Somalia iyo baarlamaanka, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka loo diray fariin loogu sheegayo in beri uu jiro kullan deg deg ah oo looga doodayo mooshin ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Ciidamadaan ayaa xiray wadooyinka gala xarunta baarlamaanka iyo Villa Somalia, waxaana la xayiray isu socodka gaadiidka.

Warar ayaa sheegaya in Guddoonka baarlamaanka uu damacsan yahay inuu muddo kordhin labo sano ah u sameeyo hayadaha Dastuuriga ah ee Dawlada, isagoo cuskanaaya in lagu heshiin waayay qabsoomida doorasho dadban, sidaasi darteedna la aadi doono doorasho qof iyo cod ah mudo labo sano ah kadib oo mudo kordhin ah.

Baarlamaanka Soomaaliya oo berri oo Isniin ah ka doodi doona arrimaha doorashada

gudoomiyaha baarlamaanka-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiramaan

Guddoonka Golaha Shacabka ee BS ayaa Iclaamiyay berri oo Isniin ah kulan looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya.

Farriin loo diray Xildhibaanada ayaa loo sheegay in ajandaha shirka berri yahay, Mooshin ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Laftagareen oo galabta Baydhabo tegay iyo rajadii shirka Afisyooni oo sii yaraatay

Laftagareen2

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib safar maalmo badan qaaday oo uu ku joogay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba ee Shaatigaduud, waxaana la sheegay inta uu joogo halkaas inuu kulamo la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Laftagareen ayaa noqday madaxweynihii labaad dib ugu laabtay deegaanada maamulkiisa, iyadoo aan la gaarin heshiis doorasho, waxaana xusid mudan in beesha caalamku ay madaxda Soomaalida u sheegtay in aysan Muqdisho ka tegi karin iyadoo aan la gaarin heshiis doorasho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalmo ka hor Dhuusamareeb ku tegay safar qaatay laba maalmood, kadib markii ay ka dhamaatay mudadii uu dastuurka maamulkaas u ogolaa inuu ka maqnaa karo deegaanka, waxuuna dib ugu soo laabtay oo haatan uu ku sugan yahay Muqdisho.

Hay’adda Duulista rayidka oo cadeysay inaan keenista Qaadku cid gaara u xirnayn

qaad

Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in dad gaar ah aysan u xirneyn ka ganacsiga iyo keenista Jaadka.

Daawo:

Ra’iisulwasaare Rooble oo isku-shaandheyn ku sameeyay 2 Wasaaradood

rw Rooble2

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Wasiirada wasaaradaha Shaqada iyo Arima Bulshada iyo Duulista Hawada.

Duraan Axmed Faarax ayaa noqonaya wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista hawada halka, Maxamed Salaad Oomaar uu noqonayo Wasiirka wasaarada shaqada iyo Arimaha bulshada.

QM, M Yurub, IGAD iyo AU oo sheegay inay ixtiraamayaan madaxbanaanida somalia

beesha caalamka2

Midawga afrika, midawga Yurub, IGAD iyo qaramada midoobay ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay ixtiraam u hayaan madaxbanaanida somalia iyagoo Hogaamiyayaasha soomaalida ugu baaqay in ay danta Dalkooda Ka horumariyaan Danta Gaarka Ah isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo qalalaase keeni kara.

Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in ay doorashsaldhig u noqonayaan Heshiiskii 17 Septermper iyo warmurtiyeedkii guddiga farsamada ee 16 february ay baydhabo ku shireen arimaha doorashada iyagoo ku taliyay in lagu jaangooyo wakhtiga ugu yar ee dib u dhac Doorasho.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo saraakiil Mareykanka ah oo Muqdisho kulan ku yeeshay

friendship between somalia and usa

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda xil-gaarsiinta ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka tirsan militariga Mareykanka

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, kulanka ayaa looga hadlay hadlay xoojinta xiriirka militari ee u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka, iyo sidoo loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka socda gudaha Soomaaliya iyo tababarada Mareykanka uu siiyo Ciidanka Xoogga dalka.

“Kulanka Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka Milatari ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ,iyo sidii loo dardargalin lahaa howlaha tababaridda iyo taageeridda Mareylanka ay siiyaan CXDS,” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxaya Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Mareykanka uu kordhiyo taageerada iyo tababarada uu siiyo ciidamada xoogga Soomaaliya, taasi oo wasiir Xasan Xuseen Xaaji uu u gudbiyey saraakiisha militariga Soomaaliya.

Mareykanka ayaa si gaar ah iminka u tababara ciidamada xulka ah ee Danab, ee la dagaalama Al-Shabaab.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY