Home Blog Page 228

Puntland oo shaacisay in DF ay duulaan dagaal ku tahay magaalo ka tirsan maamulkaas

WQPuntland Cqafaar Cilmi Xaange

Wasiirka Qorsheynta Puntland, Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay duulaan dagaal kusoo qaaday deegaano ka mid ah kuwa hoostaga maamulkaas.

Wasiirka ayaa sheegay inuu socdo qorshe aan lagu dhawaaqin, balse ay Dowladda Federaalka muddada ku kordhineyso, taasoo sida uu sheegay ay xiggi doonto caburin iyo in lagu duulo qaybo ka mid ah Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa dadweynaha Soomaaliyeed inaan u sheego waxaa cad oo meeshaan la qarinayaa, oo aan horey loo sheegin oo Dowladda Federaalka aysan ku dhawaaqin, laakiin in badan laga hadlay waxa weeye, waxaa meesha ka socda ajande qarsoon oo ah ku darsasho,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa jirta, waana arki doontaa sababta ay Dowladda Federaalka u diidan tahay heshiiskan inay gasho oo u xagal daacineyso, oo hadba boorka isugu qarineyso wax kale maaha, waxaa weeye ku darsasho.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa taas barbar socdo marka ku darsashada la sameeyo in caburintii halkaa laga sii wado, dadka Soomaaliyeed-na qori leeskugu dhiibo. Meelaha dagaalka laga wado waxaa ka mid ah Gedo oo ciidamada lagu sii daabulayo.”

Wasiir Xaange ayaa ku waramaya inay xogta ku helayaan inay Dowladda Federaalka duulaan ku tahay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

“Waxaa hadda warbixinta nagu soo gaareysaa oo masuuliyiintan qaarkood ka hadleen meelo ka mida Puntland la rabo in weerar laga bilaabo, oo ay lahaayeen ciidamadii ayaa Burtinle la keenayaa. Nasiib-darro Somaliya cid xoog ku juujuubi karta ma jirto,” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay doonayaan in dadku ogaado qorshaha socda, isagoo intaa ku daray inaanan Soomaalida la khasbi karin.

“Waxa hadda socdo waa ajande qorsheysan, waxaan rabnaa inay dadku sii ogaadaan qorsheyaasha la qarinayo ee socda. Jujuub Soomaalida cid ku qabsan karto ma jirto.” Ayuu yiri Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Qorsheynta Puntland.

Dhowaan, ayaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo aad ugu dhow Farmaajo waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay ku dhow yihiin Burtinle ayna soo qaban doonaan Senator Cabdiraxmaan Faroole, sida uu hadalka u dhigay.

Puntland oo war cusub kasoo saartay shirka doorashooyinka ee Afisyoone

puntland logo

Qoraal cusub oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlay shirka arrimaha doorashooyinka ee Afisyoone, kaas oo uu fashil ku yimid todobaadkii hore, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Afhaayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Daparani oo war kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu kusoo laabto shirka Afisyoone, si loo sii ambaqaado wadahadallada ku aadan doorashooyinka dalka.

Jaamac Daparani ayaa tilmaamay in Puntland ay weli diyaar u tahay inay sii socdaan dadaallada xalka looga gaarayo muranka hareeyey doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale afhayeenka ayaa  intaasi ku daray in weli ay fadhiyaan gogosha, wuxuuna ka dalbaday Farmaajo in uusan fashilin wada-hadallada doorashooyinka dalka.

“Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan  fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli lagu kala kacay shirkii gogol xaarka u ahaa wada-hadallada doorashooyinka ee Afisyoone, kadib markii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland ay isku fahmi waayee qodobada qaar ee miiska saaran, kuna aadan sida loo wajahayo shirka guud.

Somaliland: “Wasiirka reer Puntland ee leh waxaan qabsaneynaa Laascaanood, xafiiskiisa baa inoo muuqda”

astaanta somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay sheegashadii dhawaan kasoo yeertay maamulka Puntland, ee ku shaacisay in maamulkooda uu maalmo gudahood gacantooda kusoo celinayaan magaalooyin ay isku hayaan Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad oo barta maqal dhageysiga Clubhouse kula hadlayay jaaliyadda Puntland ayaa wuxuu sheegay inay wadaan maamul ahaan nidaam iyo qorshe ay dib ugu qabsanayaan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo Somaliland qeybo badan ay ka haysato.

Wasiirka arrimaha bulshada Somaliland, Mustafe Godane oo daba socda hadalka Wasiir Dhabancad ayaa sheegay inuu waxba kama jiraan yahay sheegashada Puntland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland gacanta ku hayso deegaanada gobolka Sool iyo Sanaag.

“Wasiirka leh Sool baan qabaneynaa, ciidamada Somaliland waxay xafiiskiisa u jiraan wax ka yar 19 km, haddii uu daaqadiisa furo oo uu eego wuu arkayaa, cid ka hor joogtana ma jirto ee Somaliland iyada ayaa masuuliyadeeda u dhawraysa wax badan,” ayuu yiri wasiirka  Wasaarada shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Mustafe Maxamuud Cali.

Magaalada Laascaanood ayaa maamulka Somaliland xoog kula wareegay sanadkii 2007-kii, halkaasi oo dagaal xoog badan uu ku dhexmaray labada maamul.

Soomaaliya oo Warqad digniin ah u dirtay Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka

Wads Maxamed Cr Maxamuud

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warqad ka hadlaysa Arrimaha Doorashoooyinka u qortay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, qoraalka ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

Annaga oo tixraacayna warsaxafadeedkii soo baxay 31 March 2021 ee ka soo baxay Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Golaha Amanka Marwa Linda Thomas, dowladda Soomaaliya waxay tixgalin iyo qadarin u haysa kaalinta Golaha Amaanka iyo taageerada waqtiga dheer ee xubnaha golaha la garab taagnaayeen Horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xushmadda gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimadeeda iyo madax banaanideeda siyaasadeed.

Taariikhda dhowaanahan Soomaaliya waxay wajahaysay xaalado adag iyo caqabada siwalba ha ahaata waxaan awoodnay in aan annaga oo wadajirna qaran ahaan uga wada hadalno waxa na dhexyaala, isku tanaasulno lana imaano hal abuur aan ku xalino.

Deganaanshaha siyaasadeed wuxuu sal u yahay dhammaan dadaalada horumarineed ee aan qorsheyneyno inaan ku hirgalino Soomaaliya, sidaas darteed, waxaan ka simanahay golaha amaanka, heshiisna ku nahay danta dadka Soomaaliyeed ee ah qabashada doorasho loo dhan yahay sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan.

Sidaa darteed. waxaan jeclaan lahayn inaan hoosta ka xariiqno mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waxyaabaha soo socda:

A: Doorashooyinka qaran ee Soomaaliya, sida ummadaha kale ee madaxbanaan u leeyihiin aaya ka talinta Qarankooda ayay hay’adaha dalkeeni go’aan uga gaarayaan arrimaha horyaala, sida ku cad sharciga Lr. 30 ee ay meel mariyeen Baarlamanka. Sidaa darteed, waxaan ka mahadcelineynaa taageerada hagar la’aanta ah ee UNSC ee gobonimada Soomaaliya, sharafka dhuleed, midnimada iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

B: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u arkaysaa faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelinta toos ah oo lagu sameeyay arrimaheena gudaha iyo jabin la jabiyay shuruucda Golaha Amniga iyo qaanuunka Caalamiga ah.

C: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskii 17-kii Sebtember inuu saldhig u yahay Geedi socodka doorashada iyo talooyinka ay soo jeediyeen guddigii Farsamada Baydhabo ee 16ka Febraayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.

D: Iyada oo laga jawaabayo walaacyada la xiriira amniga doorashada, waxaan halkan ku xoojinaynaa in Guddi amaan oo Doorashooyinka Qaranka uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ay noqon doonaan kuwa farsaama ahaan wajaha arrimaha amaanka ee la xiriira doorashooyinka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo ka faa’iidaysanaysa fursadaan waxa qiraysa doorka iyo qiimaha golaha Amaanka ee Qaramada midoobey waxayna siinaysa tixgalin midda ugu saraysa.

Qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaana ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Akhriso Qoraalkii oo English ah:

Wasiir Beyle oo ka hadlay caqabadaha hortaagan in lacag cusub la soo daabaco

wasiirka maaliyadd somalia bayle

Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha hortaagan in xiligan ay dowladda federaalka daabacato lacag cusub.

Beyle ayaa sheegay in daabacada lacagta ay dadaalo ugu jireen tan iyo markii uu xilka qabtay oo ku siman Afar sanno ka hor, islamarkaana ay xanuun badan ku hayso in ilaa hadda aysan ku guuleysan daabacada lacagta cusub ee dalka.

Waxa uu is-dul-taagay in arrinta daabacada lacagta ay ilaa hadda hortaagan tahay in si sax ah loo jaangooyo cadadka lacagta, aqbalaada shacabka iyo dowladda goboleedyada, sidoo kale waxa uu xusay in ilaa hadda ay dhiman tahay in heshiis lala galo Shirkaddii loo dhiibi lahaa ee daabici laheyd.

“Soomaaliya waa ku ceeb in ay daabici wayso lacag, waana xannuun weyn oo nagu taagan, ilaa maalintii aan halkaan imid oo Afar sano laga jooga dadaal ma yareysan, waxaana dhiman in aan Shirkad u dhiibno si ay usoo saarta,” ayuu yiri C/raxmaan Beyle.

Waxa uu intaas sii raaciyey hadalkiisa “Waxaa kale oo yaalla ma aqbali doonaan dadka iyo Dowlad-Goboleedyada, imise ayay dhan tahay, maxaase nooga baxaya dabcan xal ayay u baahan yihiin su’aalahaas.”

Beyle ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in ka fikir badan ay u baahan-tahay tirada la daabacayo iyo qaabka loo meel-marinayo lacagtaas una bedeli laheyn tan hadda shaqeysa oo silac badan ka muuqdo

Prince Philip oo geeriyooday isagoo 99 jir ah

Prince Philip

Prince Philip, oo ahaa Boqoradda Elizabeth II ninkeeda, ayaa geeriyooday isagoo 99 jir ah, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham.

Amiirka ayaa boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad, waxaana uu ahaa seygii muddada ugu badan kasoo howl galay taariikhda boqortooyada Ingiriiska.

Bayaan kasoo baxay qasriga Buckingham ayaa lagu yidhi: “Waa murugo qota dheer in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh.

“Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle.”

Prince Philip iyo boqoradda waxay isu dhaleen afar carruur ah, siddeed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda halka 10 ay carruurtaas kale sii dhaleen.

16-kii bishii March ayuu Prince Philip dib ugu laabtay qasriga Windsor kaddib markii uu hal bil ku jiray isbitaal.

To mark their Diamond Wedding Anniversary on 20 November 2007, the Queen and Prince Philip re-visit Broadlands where 60 years ago in November 1947 they spent their wedding night
Qoraalka sawirka,Amiir Edinburgh wuxuu boqoradda barbar taagnaa in ka badan 60 sano oo ay xilka boqortooyada heysay, wuxuuna noqday seygii ugu muddada dheeraa ee soo maray taariikhda boqortooyada Ingiriiska

Dadweyne ayaa ubaxyo hor dhigaya Qasriga iyagoo boqortooyada u muujinaya sida ay uga murugeysan yihiin geerida Amiir Phlip.

Sidoo kale waxaa isasoo taraya farriimaha tacsida ah ee ka imaanaya madaxda Caaalmka. Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa sheegay in amiirka uu dhiirrigelin u noqday dhalinyaro badan.

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Isniinta qaddarin u sameyn doona amiirka, iyadoo kalfadhi gaar ah loo sameyn doono tacsidiisa.

Saciid Deni: Mala isaga haraayo in Dubbe nagu sifeeyo Shabaab

madaxweyne siciid deni3

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe.

Warbaahinta dowladda ayaa sii deysay Arbacadii muuqaal ay dowladdu kaga hadashay fashil ay sheegtay inuu ku yimid shirkii ka socday teendhada Afisyooni, wuxuuna madaxda Puntland iyo Jubbaland ku sifeeyay kuwa jid iyo jiha-diid ah oo aan ogoleyn wax doorasho ah.

Saciid Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in hadalkaas loo adeegsado ayaa hoosta ka xariiqay in la isaga hari doonin, balse wuxuu ka gaabsaday tallaabada ay qaadayaan.

“Walaahi eraygaas jid iyo jiha-diid ah waxyaabaha aan sheegaayey ee cabsida abuureysa qeyb kamid ah waaye. Aniga waxaan u dhadhansanayaan dhiigiinaa baneysaneynaa macnaheedu waaye. Maxaa yeelay waa kalmadihii Shabaabka lagu yaqaanay” ayuu yiri Saciid Deni oo su’aalo lagu weydiinayay barnaamijka awoodda 5-aad ee Tv-ga Dalsan.

Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay: “Marka in annaga Shabaab nagula sifeeyo oo uu wasiir Dubbe yiraahdo, runtii arrin la isaga hari doono ma ahan. Qoraalkana way ku taalay dowladda federaalka ahina way xigatay. Fahamka uu bixinayo erayga waa macno khatar ah”

Sidoo kale madaxweyne Saciid Deni wuxuu sheegay inuusan ogeyn shir burburay, isla markaana ay diyaar u yahiin ka qeybgalka wadaxaajoodyada la filayo iney kasii socdaan teendhada Afisyooni.

Sawiro M Farmaajo oo dalacsiiyey dhamaan ciidamadii ka dagaalamay Aw-dheegle iyo Bariire

dalacaad ciidamada awdheegle10

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyey saraakiisha, Saraakiil xigeenka iyo dhammaan askartii ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan maleeshiyada Al-Shabaab loogu geystay saldhigyada ciidamada Dowladda ee Aw-dheegle iyo Bariire.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yusuf Raage ayaa ka qeyb galay xafladda dalacsiinta oo Maanta ka dhacday Aw-dheegle, waxaana saraakiisha, saraakiil xigeenka iyo askartii ka qeyb qaadatay dagaalkaas la dalacsiiyey min hal darajo.

Saraakiisha iyo ciidamada la dalacsiiyey ayaa dhammaantood waxay ka kala tirsan yihiin Ciidamada guutada Gor-gor iyo kuwa 14 October.

Kooxda Al-Shabaab ayaa 3-dii Bishaan April waxay dagaal kusoo qaaday saldhigyada ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Aw-dheegle iyo Bariire, waxaana halkaas kasoo gaaray khasaaro xoog leh.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Awdheegle oo kaliya wax ka badan 100 askari isla markaasna Shabaab loo dhigay cashir aysan hilmaami doonin, sida uu hadalka u dhigay, inkastoo Shabaabna ay guul ka sheegatay weeraradaas.

Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

Halkaan hoose ka daawo sawirada xafladda dalacsiinta

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Jabuuti oo bilaabatay

Djibouti flag

Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa maanta oo Jimca ah ka bilaabatay codbixinta Doorashada 2021 oo ay ku loolamayaan Madaxweynaha Talada haya Ismaaciil Cumar Geelle & Musharaxa madaxa bannaan ee Sakariye Ismaaciil Faarax.

Goobaha la dhigay Sanaadiiqda codeynta waxaa lagu diyaariyay Gacmo dhaq (Hand Sanitazer), Marada Afka & sanka daboosha (Face Mask), waxaana aad loo ilaalinayaa isu dhawaanta dadka sida ka muuqaata muuqaallada laga soo duubay goobaha codbixinta.

“Waxa aan usoo baxay in aan codkeyga ku doorto Madaxweynaha Jabuuti, Dabcan waan dhageystay fariimaha Musharixiinta ee aan ku kala xulan karno, Dadku way ku kala duwan yihiin meelaha ay wax ka eegayaan balse waan ogahay qofka aan u codeynayo waxqabadkiisa & waxa aan ka filayo” Sidaasi waxaa yiri mid kamid ah Codeeyaasha.

Geelle, oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa ololihiisa ku soo gabagabeeyay Arbacadii dibad bax qurux badan oo kama dambeys ah oo ka dhacay garoon ay ka buuxeen taageerayaal faraxsan iyo dhaanto dhaqameed.

“Sida aan maanta kuugu arko adiga oo tiro badan, waxaan hubaa in sidoo kale aad tiro badan iman doontid goobaha codbixinta,” Geelle ayaa yiri ka hor dadweyne xirnaa funaanado ay ku xardhan yihiin xarfahiisa, IOG.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Hay’adaha ammaanka, waaxda Caafimaadka & Guddiga Doorashada faray in ay ku dedaalaan xasiloonida Jamhuuriyadda inta lagu howlan yahay Codbixinta Doorashada.

Dadka ka faalooda arrimaha Jabuuti ayaa aaminsan in Geelle uu mar kale ku guuleysan doono doorashada, waxaana shaki weyn laga qabaa in musharaxa la tartamayo uu diido natiijada kasoo baxdo codbixinta.

Guddiga Doorashada ayaa marka uu soo dhammeeyo codbixinta dadka qaatay kaararka kadib xiri doona Goobaha codeynta, waxaana uu ku dhaqaaqayaa tirinta si natiijada usoo baxda uu u shaaciyo sida ku xusan jadwal howleedka Guddigaas.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay fashilkii ku yimid shirka Afisyoone

beesha caalamka2

Hoos ka aqriso qoraalka Beesha Caalamka oo dhameystiran

Muqdisho, 8 Abriil 2021 – Saaxiibada Beesha Caalamka, waxay ka welweleen war-saxaafadeedyadii mas’uuliyiinta qaarkood ay shalay la wadaageen bulshada kuna tilmaameen kulankii gogo-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee albaabadu u xidhnaayeen una dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada aanu sameyn wax horumar ah.

Waxaan adkeynaynaa in wadahadalladan ay udub-dhexaad u yihiin xaqiijinta hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember ee loogu talagalay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, iyadoo la’aantood uu khatar gelayo horumarkii sanadihii ugu dambeeyay laga gaaray xasilloonida, horumarka dhaqaale iyo dib-u-hagaajinta hay’adaha ee Soomaaliya.

Waxaan ku boorinaynaa madaxda inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada si ay heshiis uga gaaraan arrimaha harasan, iyagoo u maraya isu-tanaasul. Waxaan mar kale ku celinaynaa in saaxiibada [caalamku] aanay taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore.

Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan.

Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY