Home Blog Page 230

DF oo go’aan kasoo saartay dacwadihii loo haystay Janan

cabdirashiid janan

Qoraallo kasoo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu shaaciyey in la soo xiray gal dacwadeedkii loo heystay wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Cabdirashiid Janan oo loo heystay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, ayey markii labaad dowladdu ka soo saartay warqad lagu cadeynayo in aan loo heysan wax dembi ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Soomaaliya ayaa horay dembiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Gedo ugu soo oogay Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale warqad kale oo ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Benaadir ayaa lagu cadeeyey in gabi ahaanba la xiray gal-dacwadeedka Cabdirashiid Janan.

Dhawaan hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay dalab ah in cadaaladda la hor keeno Cabdirashiid Janan, si loo hubiyo dembiyada lagu eedeynayo.

Ma jirto wax sharci ah oo loo maray in laga laabto dambiyadii loo haystay Janan, marka laga reebo inuu heshiis siyaasadeed la galay dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo Janan uu dhowaan kasoo goostay maamulka Jubaland soo wareegay dhanka dowladda.

Hoos ka aqriso warqadaha

Q/Midoobe oo war cusub ka soo saartay shirka Afisyoone

james swan

Qoraal ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay wadahadallada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay dhiiragelisay joogitaanka dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee shirka horudhac u ah shirka wadatashiga ee 3-dii ilaa 4-tii April ka dhacay Muqdisho

QM ayaa sidoo kale ku boorisay dhinacyada ku shirsan Afisyoone inay xal ka gaaraan caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

“Waxaan fahamsanahay inay madaxda qorsheynayaan sii wadida wada-hadalkooda, waxaana ku boorineynaa inay heshiis ku gaaraan wada-hadalladooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Shirkan u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa muddo hal maalin ah hakad la galiyey.

Kulankii shalay oo ahaa maalinkii labaad ee shirka ayaa soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka.

Madaxda ayaa la sheegay in maanta ay soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah, ayada oo kulanka dib loo billaabi doono maalinta Talaadada, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in hakadka uu kasii dheeraado hal maalin.

DF Somalia oo taageertay tallaabadii uu qaaday boqor Cabdalla-ha dalka Jordan

boqor Abdullah

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageereyso tallaabooyinka uu qaaday boqorka Jordan Abdalla bin Hussein ee ka dhanka ah walaalkiisa Hamza bin Hussein iyo xubno kale oo laga shakiyey.

Mas’uuliyiinta Jordan ayaa Sabtidii xiray in ka badan 20 qof, waxayna xannibeen dhaq-dhaqaaqyada dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada Hamza bin Hussein, ayada oo ay jirto wax ay saraakiisha ugu yeereen halis ka dhan ah “amniga iyo xasilloonida dalka.”

Amiir Hamza bin Hussein, oo ah wiilka ugu weyn ee boqor Husssein iyo xaaskiisa Mareykanka ah Queen Noor, ayaa loo sheegay inaanu guriga ka bixi karin illaa laga baarayo shirqool la tuhunsan yahay in lagu afgambin lahaa boqor Abddullah oo ay isku aabe yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay waxay ku tiri “ayada oo la eegayo xiriirka qotada dheer ee dhow iyo danaha ay wadaagaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Haashmiyadda ee Jordan, Soomaaliya waxay shaaca ka qaadeysaa inay si xooggan oo adag u taageereyso dhammaan ficillada iyo go’aanada uu qaatay Boqor Abdullah bin Al-Hussein, si uu ilaaliyo amniga iyo xasilloonida boqortooyada.”

Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay horumar iyo barwaaqop u rajeyneyso Jordan iyo inay ku guuleysato hadafyada shacabka, ayada oo uu hoggaaminayaan boqorl Abdullah, iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha Hussein bin Abdullah. 

Boqor Abdullah ayaa sidoo kale taageero ka helay inta badan dalalka kale ee Carabta iyo Mareykanka. 

Maxay gabadhani halka milyan ee dollar kaga heshay shirkadda Uber?

uber

Shirkadda Uber ayaa lagu amray inay siiso $ 1.1m (£ 795,000) haweeney indhoole ah oo loo diiday in ay raacdo gawaadhidooda 14 jeer.

Lisa Irving waxay tiri mararka qaar, darawallada waxay ahaayeen kuwo hadalo aflagaado ah igu yidhaahda, ama ku dhibaateeya sidii ay ugu qaadi lahaayeen gaardhiga eyga hagaya, ee Bernie.

Mid ka mid ah darawallada ayaa la sheegay in uu soo gaabiyey safarkeedii ka dib markii ay si been ah ugu sheegay in ay timid meeshii ay u socotey.

Garqaade madaxbanaan ayaa xukumay Uber wadayaasheeda inay si sharci daro ah ku takooreen iyaga oo u eegaya xaaladdeeda darteed.

Waxay diiday sheegashada Uber ee ah in shirkadda lafteedu aysan masuul ka ahayn, maxaa yeelay, waxay ku doodday, darawalkeedu wuxuu lahaa xaalad qandaraasleyaal halkii uu ka ahaan lahaa shaqaalaha.

Mrs Irving, oo ka timid San Francisco, ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay amnigeeda ka dib markii ay ku xannibantay dhowr jeer xilli dambe habeenkii sababo la xidhiidha diidmada darawallada.

Waxay sidoo kale ku eedeysay in safarada la joojiyay ay sidoo kale keeneen inay ka daahdo shaqada, taasoo gacan ka gaysatay in shaqada laga eryo.

Afhayeen u hadlay Mrs Irving ayaa yidhi: “Dhamaan dadka Mareykanka ah ee ay tahay inuu xoreeyo kacaanka tagaasidu, dadka indhoolayaasha ah iyo kuwa araga naafada ka ah waxay ka mid yihiin kuwa u taagan inay sida ugu badan uga faa’iideystaan.”

Qeybta ugu hooseysa ayaa ah sida uu qabo sharciga Naafada Mareykanka, in eyga hagayaa uu awood u leeyahay inuu aado meel kasta oo qof indhoole ah uu aadi karo.

Hadal ay u soo saareen warbaahinta xukunkaas ka dib, afhayeen u hadlay Uber wuxuu ku sheegay in shirkaddu ay “ku faanayso” caawimada ay siiso rakaabka indhoolayaasha ah.

Darawallada adeegsada barnaamijka Uber-ka waxaa laga filayaa inay u adeegaan macaamiisha iyo xayawaanaadka u adeega ayna u hogaansamaan marin u helka iyo sharciyada kale, waxaana si joogto ah u siineynaa darawallada barashada masuuliyaddaas.

“Kooxdayada u heellan waxay eegaan cabasho kasta waxayna qaadaan tallaabada ku haboon,” ayay shirkaddu raacisay xogta ka soo baxday.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Uber ay wajahdo dagaal sharciyeed oo kaga yimi bulshada indhoolayaasha ah.

Sannadkii 2014, Xidhiidhka Indhoolayaasha Qaranka ee Mareykanka ayaa dacweeyay barnaamijkooda ku saabsan xeerarka eyga hagaha ah.

Kiiska waxaa la xaliyay sanadkii 2017 markii Uber ay ogolaatay inay hubiso in wadayaasheeda ay ogaadeen inay sharci ahaan waajib ku tahay inay u adeegaan dadka iyo eyda hagaysaba.Waan ka xumahay inay tan dhacdo, ayay Mrs Irving u sheegtay wargeyska San Francisco Chronicle.

“Waxaan jeclaan lahaa in la ixtiraamo xuquuqdayda madaniga ah. Laakiin waxay diraysaa farriin culus oo ah in tan aan la aqbali karin.” ayay ku sidoo kale tidhi.

James Swan oo ciidamada Somalia ku sifeeyay geesiyaal u dagaalamaya badbaadinta dalka iyo dadka

james swan

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ka hadlay weerarkii ay shalay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku qaadeen xarumaha ciidamada Dowladda ee Awdheegle iyo Bariirre ee Shabeellaha Hoose.

James Swan ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay naf-hurnimada maalinkasta ay sameeyaan askarta ciidamada dowladda, kuwaasi oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.

Waxaa uu si weyn u cambaareyay weerarkaas, asagoona ciidamada dowlada ku sifeeyay ‘geesiyaal u dagaalama bad-baadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed’.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarada lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Swan.

Sidoo kale waxa uu ka tacsiyadeeyay ciidamadii ku dhintay weerarkaas oo shalay ku qaadeen dagaal-yahaano ka tirsan Shabaabka, halka kuwa ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg-deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay.”

Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60-aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

Shirka D federaalka, M goboleedyada iyo G Banaadir oo maalintii 2aad galay

madaxda m goboleedyada

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii labaad ka socda shir gaar ah oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dibad-joog ka ah warbaahinta, iyada oo ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, si xal looga gaaro is mari-waaga doorashooyinka dalka.

Inta badan waxaa shirkani diirada lagu saarayaa isku dhowaanshaha labada dhinac, iyaga oo shalay dood adag ka yeeshay qodobada qaar ee la’isku hayo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulanka maanta uu ka duwan yahay kii shalay, isla-markaana hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay warbixin ka dhageysan doonaan guddigii farsamada ee ku kulmay Baydhabo, kaas oo dejiyay tallaabooyin looga gudbi karo caqabadaha jira, si dalka ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.

Turkiga oo cambaareeyey weerarradii Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada ee Awdheegle iyo Bariire

wasiirka arimaha dibada turkey

War-Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si adag loogu cambaareeyey weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin magaalooyinka Awdheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraalkan ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Waxaa na murjiyey in aan helno warka sheegaya in askar iyo dad badan oo rayid ah ay naftooda ku waayeen Soomaaliya maanta (3da Abriil) weeraradii argagixiso ee lala beegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.”

Qoraalka wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan foosha xun ee argagaxiso, waxaana si kal iyo laab ah ugu tacsiyeynaynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay Soomaaliyeed. Waxaan Allaah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii ku nafwaayay weeraradaasi si deg deg ahna u bogsiiyo dhaawacyada kale.”

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa mar kale qoraalkaan ku balan qaaday inay sii garab taagnaa doonto Soomaaliya, si gaar ahna ay uga gacan sii doonto la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

“Turkiga wuxuu sii wadi doonaa go’aankiisa ah inuu garab istaago dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhinacooda marka laga hadlayo argagixisada,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo faahfaafin ka bixiyey weerarradaas ayaa sheegay Bariire iyo Awdheegle ay Al-Shabaab uga dileen 85 dagaalame. Sidoo kalena ay ciidamada dowladda Soomaaliya nolosha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame oo Shabaab ah, intii ay soceen dagaalladu.

Ciidamada la weeraray ee ku sugnaa saldhigyada Bariire iyo Awdheegle ayaa ka kala tirsanaa guutooyinka 14-ka October iyo Gor Gor oo ay tababartay dowladda Turkiga oo dhismaha ciidanka xoogga ka caawisa Soomaaliya.

Al-Shabaab oo si gaar ah guulo uga sheegtay dagaalkii Bariire waxay tilmaameen in 47 askari ay ku dileen saldhigga ay weerareen ee ciidamada dowladda, isla markaana ay ka furteen lix gaari oo tikniko ah.

Hase yeeshee saraakiisha militeriga Soomaaliya ayaa beeniyey sheegashada kooxda, iyagoo soo bandhigay muuqaallo laga soo duubay meydad aad u badan oo dagaalamayaasha Al-Shabaab looga dilay dagaalkii Bariire.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intii uu socday dagaalkii Bariire waxay weerar kale ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladu ku leeyihiin degmada Awdheegle, si aysan isugu gurman labada ciidan, balse waxaa la sheegay in ciidanka Awdheegle ay u diyaarsanaayeen weerarka, maadaama uu ka dambeeyey kan Bariire.

Intii ay socdeen dagaallada Bariire iyo Awdheegle dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay hoobiyeyaal ku garaacayeen deegaanada Janaale, Sabiib iyo Caanoole, taas oo lagu macneeyey tallaabo ay ku arbushayeen isu gurmadka ciidamada dowladda.

Ciidamada oo sheegay inay soo bandhigayaan khasaarihii ay shalay Shabaab gaarsiiyeen

general odowaa

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage oo wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanada Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in weeraradii ay soo qaadeen Al-Shabaab ay ka hortegeen ciidamada dowladda, lagana dilay in ka badan 100 dagaalame, sida uu hadalka u dhigay

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa sidoo kale xusay in khasaarihii ugu xooganaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaalladaasi, isla-markaana ay maanta soo bandhigi doonaan.

“Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si xirfad leh uga jawaabay weerarka Al-Shabaab, waxa aan dhihi karaa dagaal uu cadawga ku qaado xero ciidanka Dowladda ay leeyihiin kuwii ugu khasaaraha badnaa ee cadawgu kasoo gaaray ayuu kamid ahaa weerarka ka dhacay Shabeelaha Hoose” Sidaasi waxaa yiri Gen. Odowaa Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey  “Ciidamada Xoogga saacadaha soo socda waxa ay soo bandhigayaan khasaaraha gaaray Cadawga, Awdheegle oo keliya waxa aan ku dilnay in ka badan 100-Maleeshiyo,”.

Ugu dambeyn Odowaa ayaa carabka ku dhuftay in dhimaasho iyo dhaawac ay dhankooda soo gaareen ciidamada dowladda, balse uu aad u hooseeyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ciidanka gaaray dhimasho & Dhaawac balse aad ayay uga hooseysaa waxa meesha ka dhacay” ayuu sii raaciyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,” ayuu markale yiri taliyuhu.

Weeraradii shalay ka dhacay Bariire iyo Awdheegle oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoog leh, kadib dagaallo dhex-maray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.

Faahfaahin qarax caawa ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir

qarax muqdisho 2272019

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin hor dhac ah ka soo saaray qarax is-miidaamin ah oo caawa ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Seddaxda-geed.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku xaqiijiyey in qaraxaas uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa, kaas oo beegsaday maqaayad laga cunteynayey.

Sidoo kale Afhayeenka booliska ayaa qoraalkaan ku sheegay in 10 qof ay ku waxyeelowday qaraxa, kuwaas oo lix dhimasho tahay, afarna dhaawac.

“Caawa abaare 19:00 fiidnimo, ayaa naftii halige isku qarxiyay goob shaah laga cabo, oo dhalinyaro isugu timaado, qasaaraha qaraxa ayaa ah 6 dhimasho ah (4 Dhalinyaro ah, 1 wiil saqiir ah iyo naftii haligihii) iyo dhaawaca 4 kale, barxada 5ta geed ee agagaarka Saldhiga Boliiska Degmada Shangaani,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sadiiq Aadan afhayeenka booliska Soomaaliya.

Maqaayada uu qaraxaan ka dhacay ayaa ku taalla meel aan ka dheereyn saldhigga booliska degmada Shangaani, waxayna ciidamadu xireen wadooyinka soo gala aagga uu qaraxaasi ka dhacay.

Shirkii madaxda dowladda iyo D/Goboleedyada oo maalintii kowaad soo xirmay

madaxda m goboleedyada

Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maanta ka dhacay teendhada Afisyoone ayaa lasoo geba-gebeeyey, kadib saacado ay is hor fadhiyeen madaxda.

Shirka ayaa waxaa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, hoggaaminayey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka maanta wuxuu ahaa kalsooni dhis, oo ay dhinacyadu isugu soo dhowaanayeen, islamarkaana aysan jirin qodobo badan oo si weyn looga dooday.

Waxay sidoo kale sheegeen in madaxda ay ku ballameen in mar kale ay berri shir isugu yimaadaan, taasi oo ay ku tilmaameen horumar, maadaama markii ugu horreysay ay isa soo hor-fariisteen madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ay sida weyn isku hayaan ee Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY