Home Blog Page 231

SAUDI ARABIA oo shuruud ku xirtay soo celinta xiriirka Israel

saudi flag

Wasiirka arrimaha dibedda ee boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in heshiiska suurtagalka ah ee soo celinta cilaaqaadka Israel uu ku xiran yahay horumarka geeddi-socodka nabadda Falastiin.

Amiir Faisal bin Farhan oo maanta la hadlay warbaahinta CNN, ayaa sheegay in xiriirka Israel oo caadi laga dhigo ay keeni karto faa’iido baaxad leh oo gobolka guud ah.

“Waxay aad u caawin laheyd gobolka, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo dhanka amniga,” ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay CNN, isaga oo intaa raaciyey inay macquul noqon karto heshiiska haddii la helo dowlad Falastiin ah oo dhulkeeda uu ku saleysan yahay xuduudihii 1967, ka hor dagaalkii Israel iyo Carabta.

“Sacuudi Carabiya waxey doonayaan in Falastiin ay noqoto dal madax bannaan sidii aan kal hor sheegnay,” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan.

“Waxa aan u baahanahay inaan ka dhabeyno waa heshiis nabadeed oo horseedaya dowlad Falastiin sharaf leh iyo madaxbannaanida lagu shaqeyn karo oo Falastiiniyiinta ay aqbali karaan,” ayuu yiri.

Boqortooyada Sacuudiga waxey muddo badan ku fakareysay soo celinta xiriirka Israel, balse waxey ku adkeysaneysaa iney ku tala jirto tallaabo lagu beddeleaayo abuuritaanka dowlad Falastiin ah.

Dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xiriirka Yahuuda kusoo celiyey heshiis uu soo agaasimay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, waxaana jirtay in Falastiiniyiinta ay si adag u cambaareeyeen, walow dadka qaar ay wali tuhunsan yahiin in Sacuudiga ay raaci doonaan kuwa ka horreeyay iyadoo aan la eegeynin danaha reer Falastiin.

Shir u dhexeeya DF iyo shanta maamul goboleed oo ka furmay Afisyooni

madaxda m goboleedyada

 Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shir gaar ah oo ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, iyo gobolka banaadir, kaas oo horudhac u ah shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka 2021-ka.

Shirkan oo albaabada ay u xiran yihiin ayaa goordhow si rasmi ah uga billowday Teendhada Afisyooni, waxaana goobjoog ah madaxweynaha Sppmaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada oo ay qeyb ka yihiin Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo ay tahay inay markii ugu horreysay la fariistaan dowladda federaalka ah.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah faahin kooban ka bixiyey shirkan, wuxuuna tilmaamay inuu furay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo intaasi raaciyey inay rajo wanaagsan ka qabaan in shirka uu guuleysan doono.

Caqabadaha waxa uu ka imaanayay meelaha qaar, waxa aan rajeyneenaa in is faham loo guuri doono si howsha si wanaagsan ay u dhacdo, waxaana rajeyneenaa in shirka uu guuleysto oo uu dhaco isu tanaasul, shacabka waxa aan leeyahay usoo duceeya,” ayuu yiri.

DF Soomaaliya oo shaacisay waqtiga dib loo billaabayo bixinta baasaboorada dalka

passport somalia

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dib u bilaabi doonto bixinta Baasaboorka, oo muddo aan la bixin sababo la xiriira cudurka Coranavirus oo dalka ku soo laba kacleeyay.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelisay in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay 4 April, 2021, dib loo billaabi doono howlihii bixinta Baasaboorka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa tilmaantay in xarun kasta oo baasaboorka laga bixiyo ay qaabili doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%).

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in qof kasta oo imaanaya xarumaha Hay’adda, uu markasta ximaado Af-xirka (Mask), islamarkaana uu ilaaliyo masaafada kala fogaanshaha (Social distance), kung ekaado barta loo calaamadeeyey ama loo tilmaamey.

Waxay sidoo kale sheegtay in xaruumaha Hay’adda uu soo geli karo oo kali ah qofka adeegga loo sameynayo, islarmarkaana Caruurta, Waayeelka, Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo dadka xanuunsan loo ogolaan doono tiro xadidan.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u xayirnaa qaadashada baasaboorada oo la xayiray muddo badan.

Madaxtooyada Jabuuti oo jawaab ka bixisay fariintii uu soo diray amiirka Al-Shabaab

Djibouti flag

Madaxtooyada Jabuuti ayaa jawaab ka bixisay hadalkii kasoo yeeray amiirka kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeydah, kaasi oo ku baaqay weeraro kali-duul ah oo laga fuliyo gudaha dalka Jabuuti.

Abu Cubeydah oo dhowaan soo duubay farriin 20 daqiiqo ah, kahor doorashooyinka madaxweyne ee 9-ka bishan ka dhacaya Jabuuti  ayaa yiri “Guud ahaan qabaa’ilka muslimka ah ee ku dhaqan Jabuuti waxaan leeyahay, dhulkiina waxa uu hooy u noqday Faransiis iyo Mareykan, ogaada shacabka reer Jabuutiyow, dowladda waqtigeedu sii dhamaanayo ee ina Cumar Geelle waxay ka mid tahay cadawga ugu weyn ee muslimiinta Bariga Afrika, Ismaaciil Cumar Geelle waxuu suurta geliyey in muslimiinta Bariga Afrika looga soo duulo dalkiina Jabuuti, gaar ahaan Soomaaliya.”

“Waxaan reer Jabuuti ugu baaqeynaa inay iska dul qaadaan xukunka  Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa waajib idin ku ah sidii aad dalkiina uga saari laheydeen Faransiiska mar kasta aflagaadeeya Nebigeenna Muxamed NNKH.”

Madaxtooyada Jabuuti ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka war hayso fariinta Al-Shabaab. “Waan ka fileynay hadal sidaas u xun, eedeymo aan sal laheyn iyo hanjabaad ka timaada urur halista ugu deg degta badan ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Jabuuti ayaa sheegtay inay tahay siina ahaan doonta saaxiib dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya iyo jilayaasha caalamiga ah ee dadaalka ugu jira inay gacan ka gaystaan xasilloonida Soomaaliya.

“Jabuuti waxa hanjabaad kasta oo si toos ah loogu jeediyo dalkeena u qaadan doontaa si dhab ah, si buuxda ayayna ugu diyaarsan tahay inay wax ka qabato,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Farmaajo oo sheegay inuu mar kale kulan isugu yeeray madax goboleedyada

villa somalia

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale kulan isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe.

Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 16-ka Febraayo 2021.”

Sida ka muuqata qoraalka Dubbe ee ah Ice-break, kulankan ayaa noqonaya mid kalsooni dhis iyo in meesha laga saaro kala shakiga xooggan ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Shirkan ayaa noqonaya kii lixaad ee Farmaajo uu ugu yeero madax goboleedyada tan iyo markii muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii Febraayo 2021.

Jeneraal Odowaa iyo taliyaha howlgalka Midowga Yurub oo kulamo yeeshay

odawaa

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhiga ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayey taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kor u qaadista tababarka ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan.

Odowaa oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn taliyaha howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Xoogga dalka.

Dhankooda saraakiisha howl-galka EUTM ayaa muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin wada-shaqeynta kala dhaxeysa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ururka Midowga Yurub ayaa si weyn dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uga taageero dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale tababaradooda.

KENYA oo DF u jeedisay eedeyn yaab leh oo la xiriirta WEERARKII Ceel-Cadde

somalia kenya flag

Kenya ayaa ku eedeysay hay’adaha amniga Soomaaliya inay ogaayeen weerarkii Al-Shabaab ay 15-kii January 2016 ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dilay 150 askari oo Kenyan ah.

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, eedeyntan yaabka leh ayey Kenya ku sheegtay dokumentiyada ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee la xiriira kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee Kenya ay isku dayeyso inay boobto.

Kenya ayaa sheeegtay in warbixino sirdoon oo aan la isku haleyn karin, cadaawad ay dadka deegaanka u qabeen ciidamada Kenya, iyo xiriirka Amisom dhexdeeda ah oo aad u xun uu horseeday khasaare xooggan oo ciidankeeda soo gaaray.

Hase yeeshee, ayey tiri Kenya, arrinta ugu walaaca badan ayaa ah in koox ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ay ka war-hayeen weerarka kusoo socday ee lagu beegsanayey Kenyan.

“Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay kooxda QM ee kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya ee UN Monitoring Group inay ka war-hayeen in dagaalyahanada Al-Shabaab ay isku urursanayeen meel u dhow Ceel-Cadde, inkasta aan la ogeyn bartilmaameedkooda dhabta ah – waxayna ku war-geliyeen dhiggooda Kenya,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Si kastaba kadib weerarka, ciidamada Kenya way beeniyeen in loo digay,” ayey tiri warbixinta.

Kenya ayaa sidoo kale eedeyn u jeedisay dadka deegaanka oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, ayada oo sheegtay xiriir la’aantooda ay sabab u aheyd inaysan xog badan helin, sababtuna ay tahay inay Kenyan-ka u arkeen cadow taageeraya beesha Ogaadeen ee ay is-hayaan, sida lagu sheegay warbixinta.

Sheegashada Kenya ayaan loo hayn wax caddeymo ah, waana qeyb ka mid ah difaacooda kiiska dacwadda badda ee aadka looga yaabay oo muujinaya in Kenya aysan haysan wax dood sharci ah oo ay ku boobto badda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo qoraal wadajir ah kasoo saaray wadahadalladii Doorashada

Deni iyo Madoobe

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa goordhoweyd soo saaray war-saxaafadeed xasaasi ah oo ay uga hadlayaan xaalada dalka iyo kulamadii u dambeeyay ee looga arrinsanayey doorashada ee ka dhacay Muqdisho.

War-saxaafadeedkan ay sida wada-jirka u soo saareen ayaa waxay walaac xoogan kaga muujiyeen qabsoomida shirweynaha looga arrinsanayo doorashada, ayaga oo madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday ku eedeyay inay xaggal daacineyso qabsoomidda shirkaas.

“Waftiga Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubaland oo muddo gaareysa sadex asbuuc ku sugan Magaalada Mogadishu, ayagoo ka jawaabey dalabkii Beesha Caalamka ee ahaa in shir wadatashi ah laysugu yimaado, ayaa wali ka dhursugaya qabsoomidda shirka.”

“Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujinayaan in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomicida shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu.”

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay fashil kusoo dhamaadeen kulamadii maalmihii u dambeeyay u socday shanta madaxweyne goboleed, kaasi oo loogu gogol xaaraye shirweynaha looga arrinsanayo doorashada.

“Waxaa jirey shir Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah u socday muddo 3 maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarey sidii farsamo ahaan shirku ku qabsoomi lahaa, haseyeeshee ma ay suurto gelin in guul laga gaaro habkii loo wajihi lahaa qabsoomidda shirka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in mas’uuliyiinta dowladda federaalka aysan wax is arag toos ah la yeelan intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho oo ku dhow bil, si looga arrinsado sidii uu ku qabsoomi lahaa shirweynaha muhiimka ah.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa si adag uga digay inuu sii dheeraado waqtiga kulanka loo dhan yahay uu qabsoomayo, ayagoona sheegay in haddii uu sii dheeraado uu keeni karo in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sii xoojiyey qoddob ay hore iskugu fahmi waayeen labada dhinac, kaasi oo dhigayay in laga wada xaajoodo sharciyada iyo awoodaha hay’adaha muddo xileedkoodii dhamaaday ee dowladda federaalka.

“Waxaan caddeynaynaa in aan diyaar u nahay qabsoomida shirka looga wada arrinsayo xaaladda doorashada dalka, ayadoo qabsoomidiisa loo marayo tub lays la ogol yahay, uuna saldhig u yahay heshiiskii 17-kii September 2020,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka ay sida wada-jir ah usoo saareen Puntland iyo Jubbaland.

War-saxaafadeedkaan ayaa imanaya xili ay fashilmeen kulamadii gooni-goonida ahaa ee maalmihii u dambeeyay u socday shanta madaxweyne goboleed, islamarkaana uusan muuqan is-faham guud oo horudhac u noqon kara shirweynaha doorashada oo gadaal ka riixeyso beesha caalamka. 

Kulankii Golaha shacabka oo maanta si habsami ah u furmay iyo xubno lagu ansixiyay

gudoomiyaha baarlamaanka-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiramaan

Kulankii golaha shacabka ayaa furmay iyadoo ay ka maqan yahiin 15-ka xildhibaan ee laga mamnuucay iney yimaadaan shanta kulan ee soo socota kadib fowdo ay sameeyeen kalfadhigii sabtidii la rabay iney yeeshaan golaha shacabka, waxaana maanta la ansixiyay xubno.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa furitaanka kulanka ka hadlay, wuxuuna sheegay in 139 mudane ay xaadir yahiin, wuxuuna sheegay in kaliya saddex ajende ay miiska saaran kuwaas oo kala ah: Cudurka Cronavirus, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha, halka meesha laga saaray Ajandaha Saddexaad ee ahaa Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Labada xubnood ee kala ah Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza ayaa cod loo qaaday iney ka mid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha, waana la ansixiyay.

Gudoomiye Mursal oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in 136 mudane ay u codeysay in labadaas xubnood ay ka mid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha, sidoo kalana sadex mudane ay ka aamustay, mana jirin cid diiday.

Laba ajande ayaa dhiman oo ah mid ku saabsan xanuunka safmarka ah ee Covid19 iyadoo wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ay warbixin ku saabsan xanuunkaan baarlamaanka u akhrineyso, waxaa xigi doona in laga hadlo ajandaha saddexaad oo ah Qaxootiga Qaranka.

Ciidamada ammaanka oo irida ka celiyey xildhibaanadii laga joojiyey dhowrka kalfadhi ee BF

baarlamaanka df2

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta irida baarlamaanka ka celiyey 15 kii Xildhibaan ee laga mamnuucay dhowrka kalfadhi, xili ay isku dayayeen inay golaha galaan.

Tallaabadan ayaa timid, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka oo gaaraya illaa 15 mudane lagu eedeeyey in ay buuq iyo fowdo ka sameeyeen kulankii Sabtida ee baarlamaanka, kuwaas oo illaa amar dambe laga mamnuucay kulamada soo socda.

Si kastaba xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa maanta kulan gaar ah ku leh xarunta Villa Hargeysa.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY