Home Blog Page 418

Saraakiil Mareykanka ah oo shaaciyey in Kim Jong Un ku sugan yahay xaalad halis ah

kim jong un

Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha.

Taleefishinka CNN ayaa sarkaal sare oo Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah kasoo xigtay in Washington “ay isha ku hayso xog sirdoon” oo sheegeysa in xaaladda Kim ay liidato.

Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey.

Kim ayaa la sheegay inuu seegay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas.

Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay.

Wargeyska Online ah oo lagu magacaabo Daily NK, oo fadhigiisu yahay Korea-da Koonfureed, ayna leeyihiin mucaaradka Pyongyang, ayaa weriyey in Kim lagu sameeyey qallin wadnaha 12-kii April.

Kim ayaa qalliinka wadnaha loogu sameeyey sababo la xiriira “sigaar cabis xad dhaaf ah, cayil iyo shaqada oo ka tan badatay” sida uu weriyey wargeyska Daily NK, kaasi oo intaas ku daray in lagu daweynayo Villa ku taalla magaalada Hyangsan.

Kadib markii la sheegay in xaaladdiisa ay horumar sameysay, ayaa inta badan shaqaalaha caafimaadka ee daweeyey ay kusoo laabteen Pyongyang 19-kii April.

CNN ayaa intaas ku dartay in warbixinada Daily NK aan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

REUTERS

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hal arrin ka dalbaday Ruushka

kheyre iyo sergey levrov

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Kheyre oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa faah faahin ka bixiyey wadahadal qadka taleefanka ah oo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov.

Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay Ruushka ka dalbatay inay ka gacan siiyo la dagaalanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Sergey Lavrov kala hadlay xoojinta xiriirka labada iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

“Waxaan wada-hadal muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka H.E Sergey Lavrov. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan dadaallada lagu xakameynayo Covid19.” ayaa qoraalkiisa ku yiri R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ruushka ayaa la filayaaa inuu ka jawaabo codsiga Khayre, islamarkaana uu Soomaaliya u soo diro qalab caafimaad iyo dhaqaatiir ka qeyb qaadata xakameynta Covid-19.

Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya ayaa illaa hadda waxaa la diiwaan-geliyey illaa 237 qof oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Saudi Arabia oo shaacisay go’aan ku saabsan labada Xaram iyo bisha Ramadaan

xajka

Dowladda Sacuudiga ayaa Isniintii dheereysay mamnuucidda dadweynaha ee ay kusoo rogtay Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nebiga NNKH, taasi oo la sheegay inay sii socon doonto ilaa dhammaadka bisha Ramadan, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Go’aanka ayaa waxaa lagu sheegay qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Waaxda Arrimaha Labada Masjidka u qaabilsan qasriga boqortooyada.

Labada Masjid ayaa la sheegay in salaadda lagu tukan doono bisha Ramadan, hase yeeshee aan loo ogolaan doonin dadweynaha, taasi oo macnaheedu yahay in imaamyada un ay tagi doonaan.

Labada Masjid ayaa waxay leeyihiin Taleefishino oo si toos ah saaladda looga daawado caalamka, taasi oo sii socon doonta, balse aan loo ogolaan doonin shacabka.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ay ugu baaqeen muslimiinta caalamka inay saaladaha ku tukadaan guryahooda inta lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan, haddii dalalka ay joogaan lagu soo rogo amar ah in bulshada kala fogaato, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Bisha Ramadan ayaa billaabaneysaa dabayaaqada toddobaadka soo socda, waxaana muslimiin badan ay isku diyaarinayaan Taraawiixda.

“Marka hore, Muslimiinta waa inay adeecaan go’aanada mas’uuliyiinta dalalkooda ama kuwa ay ku nool yihiin, ee looga gol leeyahay in lagu joogteeyo caafimaadka dadka, laguna xadido faafitaanka cudurka Coronavirus,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

“Marka xigta, Dhammaan Muslimiinta waa inay soo ka fogaadaan isu-imaatinka, sababtoo ah waa waxa ugu weyn ee horseeda faafitaanka fayruska…waana in Muslimiinta xusuusnaadaan in bad-baadinta nolosha qofka ay tahay cibaado Allah loogu dhowaado.”

Koox xalay ku dhimatay qarax ay ku aasayeen Muqdisho

muqdisho no4

Ugu yaraan seddax dhalinyaro ah ayaa dhimasho iyo dhawacyo ku noqday qarax ay ku aasayeen Jidka Warshadaha oo ku qarxay, sida ay noo sheegeen saraakiil ciidan.

Ragaas ayaa qaraxa ku aasyey agagaarka isgoyska Soos ee degmaad Hiliwaa, waxaana halkaas ku geeriyooday mid kamid ah ragii qaraxa wadada ku aasayey, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Sawirro laga soo qaaday dhalinyaradaas ayaa muujinaya in mid kamid ah uu qaraxu kala gooyey, halka labada kalena ay ka muuqdaan dhaawacyo daran oo kasoo gaaray qaraxaas.

Durbadiiba ciidamada dowladda oo aan sidaas uga fogeyn halka ay gelinayeen qaraxaas ayaa gaaray goobta, waxayna kasoo qaadeen meydka midkii dhintay iyo dhaawaca labadii kale.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama bixin dhacdooyinkaas ka kala dhacay degmooyinka Kaxda iyo Hiliwaa oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in caawa degmadaas lagu dilay laba qof oo shacab ah, sida dadka deegaanku u sheegeen Caasimada Online.

Askari ka tirsan ciidamada Booliska ee ka howlgala degmadaas ayaa geystay dilkaas, kadib markii uu rasaas ku furay dad shacab ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay rasaastaas laba qof oo kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in askariga iyo dadka uu rasaasta ku furay oo hal goob ku sugnaa uu muran soo kala dhex galay taas oo keentay in uu dhowr xababadood ku rido. Isagoo intaas kadibna goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka howlgala degmada Kaxda ayaa goobta gaaray welina kuma guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan askarigii falkaas geystay, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dowlada Somalia oo xalay shaacisay dadkii ugu badnaa ee laga helay COVID-19

Coronavirus2

Warar caawa soo baxay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho laga helay kiisas cusub oo la xiriira cudurka Coronavirus.

Wasaarada caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in maanta oo Isniin ah laga helay cudurka dad gaaraya 73 qof.

“Maanta Isniin ah waxaa cudurka laga helay dad cusub oo tiradoodu gaareyso 73 qof kuwaasoo 51 ka mid ah ay yihiin rag, halka 22 kalena ay yihiin dumar, waxaa ka bogsaday cudurka 1 qof, mid kalena waa uu u geeriyooday” ayaa lagu qoraal caawa saqdii dhexe ee caawa ka soo baxay Wasaarada

Dadkan oo ah kuwii ugu badnaa ee maalin kaliya laga helo cudurka Coronaviris ayaa tirada guud ee dadka cudurka qaba Somalia oo dhan waxay ka dhigeysa 237 qof inta laga warqabo.

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.

Guddoomiyaha degmada Shibis oo xilka laga qaaday xabsiga-na loo taxaabay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali, xilli uu wajahayo eedeymo la xiriira musuq-maasuq.

Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa markii xilka laga qaaday kadib lagu xiray xarunta dambi-baarista CID ee Muqdisho, ayada oo uu ku socdo baaritaan musuq-maasuq oo ka dhashay lacag lagu soo rogay dadka degan degmada Shibis.

Maamulka Degmada Shibis ayaa dhowaan waxa uu qoysaska dagan degmadaasi ku amray in ay bixiyaan lacagta dhan 12$, taasi oo laga rabo guri kasta oo ka mid ah guryaha ku yaalla degmada.

Lacagta ay soo rogtay degmada Shibis ayaa ahayd mid ku kooban oo maamulka gobolka uusan ka war-hayn islamarkaana aysan la wadaagin degmooyinka kale ee gobolka.

Warqadda lacagta oo lagu sheegay lacag diiwaan-gelin ah ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay dadka xaafadda, ayaga oo cabasho ka muujiyey taasi oo sida la sheegay maamulka gobolka uu ka war-helay.

Markii maamulka Shibis uu soo saaray amarkan, ayaa dadka xaafadda la amray inay bixiyaan lacagtan dhan 12$ qoys kasta, qoyskii diidana laga qaadi doono tallaabo adag, sida ku qoran warqado shacabka loo qeybiyay.

“Ma awoodno lacagtaan sababtoo ah shaqo ma jirto, shaqooyinkii waxaa loo fasaxay Covid-19 caruurtayda ayaa u la’ahay waxay cunaan meel kale lacag igama soo gasho dowladda waxaan ka codsanaynaa iney naga joojiso go’aankaan,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha ku nool degmadaasi oo la hadlay qaar ka mida saxaafada.

Colaada Ceel Afweyn waxay u dhigantaa qaraxii Shaanida ee Hargeysa

ceelafweyn

Xiligii Madaxweyne Siilaanyo ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u halgamayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxa Jagadda Madaxweynaha waxaa lama huraan noqotay qaraxyo loogu magac daray Shaani, oo lagu eedayn jiray taageerayaashii Muuse Biixi, qaraxyadaas shaanida ayaa aakhirkii khasbay in Madaxweyne Siilaanyo iyo taageerayaashiisii tanaasulaan oo Madaxweyne Muuse goor hore lagu wareejiyo gudoonimiyihii Xisbiga iyo Musharaxnimadiiba.

Waxaa muuqata in Madaxweyne Muuse Biixi uu ka leexleexanayo xeer hoosaadyadii Jeegaanta, weliba ay u sii dheer tahay ku soo ciyaarsiis dad aan aano u ahayn hogaamin Kulmiye iyo Musharaxnimada sida Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Coronavirus ka hor xoog loo buun buunin jiray.

Haddii dhega adaygu sii socdo waa lama huraan in Shaani la qarxiyo, sidii xeerka u ahayd Jeegaanta, sidaasdarteed Qaraxa Shaanida ee Reer Barigu waa xabad dhalisa colaad iyo khasaare balaaran.

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa looga baahan yahay inuu colaada Ceel-Afweyn uu dhinacyo badan ka eego oo uu kursigii Xisbiga Wareejo ama si kale wax u maareeyo, maadaama colaada Ceel-Afweyn ay Somaliland ku noqotay Khasaare iyo Dhegxumo isbarkan, mana aha arin la sii dhowran karo, mar haday colaadu demi weyday waa mid dhaqanka ka baxsan oo siyaasadi ku ladhan tahay.

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan kula wareegay deegaano ku yaal J/ Hoose

ciidamada somalia

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 16-aad Ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab ayaa lagu soo warramayaa in howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku gaareen deegaanada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani oo qayaastii 50 KM u jira magaallo xeebeedka Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab oo horay ugu sugnaaa deegaanadaasi ay isaga baxeen, ka hor inta ay gaarin ciidamada dowladda.

Saraakiisha horkaceysa howlgalladaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka gudaha u galeen Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ay soo dhoweeyn dadka shacabka ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay fariisimo cusub ay ka sameysteen halkaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana gobolka Jubbada Hoose laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac.

Jubbooyinka oo ay aad ugu xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa  muddooyinkii dambe howlgallo ka waday ciidamada huwanta ee jooga gobolladaasi.

Sawirro: Xildhibaanada K/Galbeed oo muddo kordhin u sameeyey Lafta Gareen

barlamaanka 2aad kgalbeed2

Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo ayaa ka dooday mooshin muddo kordhin loogu sameynayey madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), si la’isku waafajiyo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen illaa 87 Mudane ayaa waxa ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen mooshinkaasi, iyaga ogolaaday in muddo 1-sano ah loogu daro madaxweynaha.

Arrintaan ayaa ka dhigeysa in xilheynta madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamanka la’isla ekeysiiyey, islamarkaana ay ku eg-tahay sanakda 2024-ka.

Tallaabada ay qaadeen xildhibaanada labaad ee Koonfur Galbeed ayaa fursad cusub siineysa Madaxweyne Lafta Gareen oo haatan xafiiska jooga sanad iyo dhowr bilood.

Turkiga oo shaaciyay xadiga lacag uu bil walba siiyo DF

wad somalia cawad iyo turkey Mevlut1

Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday xadiga lacagta uu bil walba siiyo dowladda federaalka.

Turkiga ayaa daboolka ka qaaday in Labo Milyan iyo shan boqol oo kun oo dollarka Mareykanka ah ($2.5M) uu bil walba siiyo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyey idaacada VOA laanteeda Af-Soomaaliga ayaa arrinkaasi shaaciyey, isagoona hoosta ka xariiqay in lacagtaasi ay dowladda Soomaaliya u siiyaan si ay ugu noqoto kaabis dhaqaale.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in Lacagtaaasi $2.5-Milyan ay qeyb ka tahay Miisaaniyada dowladda, si buu yiri loogu socodsiiyo shaqooyinka dowladdu wado.

Lacagta ay dowladda Turkigu ay siiso dowladda ayaa noqoneysa sanadkii 30-Milyan, iyada oo laga tixraacayo lacagta uu sheegay Safiirku inay qasnada dowladda federaalka ku shubto bil walba.

Turkiga ayaa kamida dalalka sida dhow saaxiibka ula ah Dowladda Soomaaliya, iyada oo maamulada dalka qaarkoodna ay ku eedeeyaan in uu qeyb ka yahay cadaadisyada ciidan iyo dhaqaale ee dowladda federaalku ay saarto.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY